(GNA)Hawlgalo ay sameeyeen xalay ciidamada Booliiska Australia ayaa lagu qabtay dad gaaraya 15 qof oo kamid ah taageerayaasha kooxda ISIS.
Dadkan laga soo qab qabtay guryahooda ayaa ku kala sugnaa magaalooyinka Sydney iyo Brisbane oo ay hawlgaladan ka dhaceen.
Raysalwasaaraha Australia Tony Abbott ayaa saxaafadda u sheegay in dadkan la qabtay ay abaabulayeen weeraro ka dhaca gudaha dalka Australia.
Kooxda la xiray ayaa la sheegay inay qorsheenayeen inay dad afduubtaan isla markaana gawracaan si loo cabsi geliyo dowlada iyo shacabka Australia.
Dalka Australia ayaa kamid ah wadamada saanada militari u diray dowlada Ciraaq si loola dagaalamo kooxda ISIS