Sunday, September 21, 2014

Qaybaha Hogaaminta adduunka?Q1aad


  1. Autocratic Government (Dawlad Digtaatoriyad ah)


 

  1. Democratic Government (Dawlad Dadka la tashata)


 

  1. Laissez faire Government(Dawlad Dadka Xornimo siisa)


xamseHadaba Aan isku dayo in Ablo-ablaynta aan sameeyey ku saleeyo Dawladaha kala duwan ee caalamka kaga kala jiraan oo aan tusaale u soo qaato Dawlado dhawar ah oo isticmaala Nooca(style)ka Maamul ee kala duwan.

AUTOCRATIC LEADERSHIP (Dawlada Digtaatoriyada ah)

Dawlada Noocan ahi waa mid Adayg kula dhaqanta bulshada ay maamusho misana u diida wax badan oo ay xaq u leeyihiin shacabku, waxay dadka ku abaal marisaa ciqaab iyo inay shaqaala shaqada ka erido, waa dawlad aan jecelayn in ladhiisa ay leedahay la sheego misan wax kasta oo xan ah la qariyo, waa dawlad go’aanka ay shay kasoo saarto aan ka noqon misana eegin danaha bulshada oo teeda uun eegta.

Dawlada noocan ahi waxay horumar gaadhsiisaa waddanka laakiin dhaqaalaha waddanka wax loogu qabto waxaa kabadan kan waddo khaldan maraya, sidoo kale waa dawlad ku caano maashay in cid kale oo cadaw ahi aanay ku soo xadgudbin, wadamada ay ka jiro maamulka noocan ahi waxaa kamid ah Eleteria, Egypt, Syria, UAE (United Arabic Emirate)

Hadaba wadamadan oo ah kuwo horumarsan, hogaamiyayaasha xilka u hay iyo kuwii soo marayba ay ku maamuli jireen nidaam aan cid kale ka daba hadlin misana waxaa waddamadan ku yar mucaaradka oo hadii uu samaysmo loo taxaabayo jeelka misan aan loo ogolayn siyaasada in cid kale ku soo biirto, waddama sidan ahi waxay u badan yihiin kuwo Madaxtinmada wadanka ay iskaga dambeeyaan dad isku reer ah misan ka dhiga boqortooyo la iska dhaxlo maamulka. Waddamadan oo sidaad aragto ah kuwo kamid ah waddamada islaamka ku abtirsada ayaa waxaa maamulkan ku kelifaaya iyaga oo taageero been ah ka helaaya wadamo shisheeye oo aan diin iyo dal toona aan tixgelin siinahaynin.

DEMOCRATIC LEADERSHIP (Dawlada Dadka la tashata)

Dawlada noocan ahi waa mid la tashata dadka shacabka ah ee ay maamusho misana u ogol dadka in ay samaystaan ururo, xisbiyo, iyo koox dawlada la tashada sida goolayaasha oo ah kuwo u taagan shacabka, Dawlada noocan ahi waa mid ay ku dedaalaan dalalka reer galbeedku in ay ka hirgeliyaan waddan kasta oo caalamka kamid, Democratic (dimiquraadi) waa maamul ay soo doorteen dadku, laga soo doortay dadka dhexdooda, losoo doorta danta dadka iyo dalka, Waddamada ku dhaqma maamulka noocan ahi waa mid ku fidaaya waddamada islaamka oo ah in diintii islaamka ee ay isku maamuli lahayeen laga saaray meesha inta wax laga soo dheehday misana aan la wadda qaadan.

Wadd amada ku dhaqma maamulka noocan ah waxaa kamid ah Somaliland oo Sanadadii 2003 la is odhan karo waxay qaadatay nidaamkan, Laakiin aan si buuxda uga hirgelin oo aan waddanka maamulka ka jiraa aanu la tashan dadka Aqoonayahnada u ah bulshada, Weriyayaasha , Dadka qalin maalka ah ee Kalmada Xaqiiqada ah Qalinka ku duuga.

Saudi Arabia waa waddama islaamka ugu waaweyn laakiin dhaqan la baray ayaa ah mid hada kusoo laba kaclaynaya misana suurto gelinaya in Waddan shisheeye uu rabo in uu u yeedhiyo waxa lugu xukumayo waddanka, Inkasta oo Waddanka lugu xukumo diinta macaan ee islaamka, misana laga fuliyo shareecada islaamka ayaa misana waxaa ka jira in USA oo ah marykan uu u tilmaamo wax uu yidhi waa horumar.

Lasoco Qaybta 2aad...Laissez-faire leader ship

Lasoco Qaybta 3aad........Faidooyinka iyo Faaido darda

Lasoco Qaybta 4aad ......... Isbarbardhig

QALINKII:

Hamse Bashe Muhumed (H.shaadhey)

BBA-Department Accounting and Finance

E-mail: Xamse18@gmail.com