Garyaqaanka dawladda Somaliland Ibraahin Iidle Saleebaan, ayaa sharaxaad ka bixiyay qaabka loo samaynayo iyo sharciga lagu dabaqayo diwaan-gelinta Jinsiyadaha ee ay xukuumaddu fulinayso.
Waraysi uu sii warbaahinta Sabtidii Maanta, waxa uu ku sheegay in xeerkii Diwaan-gelintaas lagu qaban lahaa Golaha Wakiillada, oo wax ka bedel iyo kaabis ku samaynaya, si loo qabyo tiro.
Hadalkan garyaqaanka ayaa ku soo beegmay iyadoo mugdi badani ku jiro hanaanka diwaan-gelinta ay dawladdu u wado, mucaaridkuna ka soo horjeedaan in laga horaysiiyo diwaan-gelinta codbixiyeyaasha doorashada.
Waxa uu sheegay in sharciga la waafajinayo wareegtadii madaxweynuhu ku dhaqan-geliyay Diwaan-gelintan.
Hoos ka daawo: