Sunday, April 6, 2014

XisbigaWADDANI oo ka hadlay xaalada adag ee bulshada danyarta ah ku nooshahay


Hargeysa(GNA) Warsaxaafadeed uu goor dhaweyd soo saaray xisbiga mucaaridka WADDANI ayaa waxa ay kaga dayriyeen xaaladaha qalafsan ee bulshada danyarta ahi ku nooshahay iyo dhammaan baahiyaha aasaasiga ah ee bulshada oo meesha ka baxay warsaxaafadeedkan ayaa waxa uu udhignaa sidan:




Xisbiga WADDANI waxa uu  aad uga walaacsan yahay xaalada addag ee ay ku sugan yihiin dadwaynaha dan’yarta  ah ee tabaya waxyaabihii aasaaska u ahaa nolosha dhamaanteed ee ay  dusha  u saaraaya Xukumada talada haysa oo aan kuba baraarugsanayn dhibaatada ay ku sugan yihiin muwaadiniinta ku rafaadsan waddanka iyadoo taa badalkeeda xukumadu ku mashquulsan tahay faan badan iyo dhagaxaan ladaadiyo oo been ah




Waxaa Xisbiga WADDANI uu muuqata Cisbitaalada dalka oo xidhmay iyada oo markii horeba ay aad u yarayd adeega dadwaynuhu ka helaan cisbitaalada guud ee dalka




Waxaa xidhmay Cisbitaalada ceerigaabo, kii laas-caanood, kii caynabo iyadoo xaalada laga dayrinayo Cisbitaalada waaweyn ee Boorama, Burco, Baligubadle iyo Cisbitaalka guud ee Caasimadda.




Sida aynu wada ogsoonahay Cisbitaalka caasimadu wuxuu 200 miter u jiraa Qasriga Madaxtooyadda,  waxaana nasiib darro ah in maanta dadku laydh la’aan ugu dhimanayaan.




Sidoo kale Maxakamadda oo dhinaca kale uga jirta 200m waxaaynu ka dharagsanahay  inay xidhnaayeen maalmihii ugu danbeeyey oo ay u shaqayn kari waayeen laydh la’aan,   waxaan indhaha Shacabku si fiican u dhuganayaan  Qasridga Madaxtooyada oo u dhexeeya Maxkamadaha Iyo Cisbitaalka wayn  aanu mar kaliya ka bakhtiyin laydhku biyuhuna ka go’in.




Sidaa darteed waxa uu Xisbiga WADDANI canbaaraynayaa damiirka hogaamineed ee Qasriga Madaxtooyadda ee ogolaaday in laydh la’aan loogu dhinto Cisbitaalka wayn, Maxkamaduhuna u adeegi kari waayaan Muwaadiniinta yadoo ay ku filaan lahayd waayir 200m ah oo gudbiya adeega korabtada looguna shaqeeyo muwaadiniinta.




 




Haddaba Xisbiga WADDANI waxaa uu Xukuumadda u soo jeedinayaa in ay iska dayso faanka beenta ah iyo geed sare waabka aan ka turjumayn baahida dhabta ah ee muwaadiniinta ku hoos silcaysa maamuulka Xukuumadda.




 




 Alla Mahad Leh




Md, Axmed Muumin Seed




 




Ku Simaha Gudoomiyaha Xisbiga WADDANI




 




Ana Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Xisbiga WADDANI