Monday, April 28, 2014

Somaliland: Abwaanniin wacad ku maray in ay guursanayaan Hablaha Gabooyaha


GahayrHargeysa -(GNA)Kulan-aqooneed maanta lagu qabtay Emperial Hotel ee magaalada Hargeysa ayaa waxa ka soo qayb-galay abwaanno, madax-dhaqameed ka socday beelaha Gabooye, Suxufiyiin iyo Bahweynta Ururka SPS oo daaddihinayay. Intii ay dooddu socotay ayaa waxa laga sheekeeyay hayb-scooca iyo dhibtiisa waxaana la isla gartay in kala-guursiga beelaha Gabooye iyo bulshada Somaliland uu yahay dhibka ugu weyn ee jira.




Abwaan Yuusuf Cismaan Cabdulle oo ah hal-abuurkii bilaabay tixda Dulmanaha la quudhsaday ayaa ballan-qaaday in uu noqonayo ninka deyrkaas jebiya. Kaddibna waxa loo baratamay in ay labeeyaan hal-abuurrada kale ee madasha jooga. Boqor Axmed oo ka mid ah madax-dhaqameedka beelaha Gabooye ayaa sheegay in uu berri keenayo hablo uu dhalay oo uu siiyo abwaannada diyaarka u ah in ay ficil ugu hiiliyaan beelaha la quudhsanayay boqollaalka sanno.




Hal-abuurrada kale ee oggolaaday in ay guursadaaan hablaha berri la bixinayo waxa ay kala yihiin




 




Cabdirisaaq Maxamed Cabdillaahi (Oday)




 




Maxamed Aw Cali Cartan (Hal-deeq)




 




Siciid Ibraahin Dool (Gurey)




 




Siciid Maxamuud Gahayr




 




Maxamed Xasan Qodax




 




Meecaad




 




Muxiyaddiin Cabdiraxmaan Muxumed (Dalmar)




 




Cabdiweli




 




Mawliid Xuseen Cali




 




Siciid Yuusuf




 




Axmed Xasan




 




Cabdiraxmaan Siddiiq Cabdillaahi




Sidaas darteed ayuu maansadan guubaabada ah u tiriyay Imaam Hargeysaawi




 




 Gabooyaynu wada nahay!




 




 Golihii abwaankiyo




 




Guurtida dalkaygow




 




Garashaday hal-doorkay




 




Gilgilshee tiraabtiyo




 




Tixda guulka oon-qaba




 




Gabayada ku soorow




 




 Gabooyaha waxgaradkii




 




Garabkooda joogow




 




Geesi Yuusufkii dood




 




Giraamaha wareejow




 




Go’aankii dadnimadaad




 




Geesi tahay horseedoo




 




Garab waxanu kuu nahay




 




Geestaada joogee




 




Guurkaagu waa kow




 




Gabooyuhu dabbaal-dege




 




Gureyow labaad tahay




 




Haldeeq waa u garab hiil




 




 Qodax waa garaadsame




 




Oday waa gabbood dhaba




 




Meecaad gunuuskiyo




 




Gefka wuu ka diriraa




 




Dalmar waa gob iyo waran




 




Gaashaan an jebi karin




 




Cabdi-weligu goornaba




 




Dulmi uma gargaareen




 




Mawliidna waa geed




 




Galool iyo intii wacan




 




Axmed guushi waa taas




 




“Galac” tidhi haddeertee




 




Gooso khayrka Eebbiyo




 




Galladdiyo wanaaggoo




 




Weligaa ha gamashiyin




 




Gabashadu Siciidow




 




Waa astaan giriif mudan




 




Axmedow go’aankii




 




Gudbiyee ogsoonoow




 




Gahayr waa nin wacad-qaba




 




Dib-u-gurasho waa been




 




Gabooyaynu wada nahay




 




Gobsoor iyo dad aan geyin




 




Kala-gooniyawyee




 




Gabdhihay necbaysteen




 




Guursada dhammaantiin




By siciid maxamuud gahayr