Monday, April 28, 2014

Somaliland:Halista Sun ka soo If-baxday Dooxa Hargeysa


Maxamed Faarax: “Waxaanu uga digaynaa dadka degen agagaarka Dooxa inay iska ilaaliyaan isticmaalka Biyaha Dooxa ”




Faysal:“Dad badanbaa ka caba Biyaha Dooxa”!!




Wasiir Geedoole: “Suntaasi waxay ka soo baxday wershadii hore ee Sunta la-dagaalanka Ayaxa”.




MONSATOHargeysa(GNA)-Sunta wershadaha wax soosaarka ka soo baxda, kimimadda kale ee bino-aadamku u isticmaalo dulinka iyo daawooyinka noolaha ayaa laysku raacsanyahay in hadii aan la maamulin, lagana maareyn inay dadka soo gaadho halis nololeed oo khatar badan dhalisa.




Daraasado badan oo la sameeyay ayaa tilmaamaya in noocyada kala duwan ee suntu halis caafimaad daro oo badan bino-aadamka iyo nooleyaasha kaleba ku hayaan adduunka oo dhan.




Somaliland ayaa sanadkan lagu arkay walxo sumeedyo halis ku ah noolaha fal-gal la samayn kara Ciidda iyo Geedaha, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha dawladda oo digniin ka soo saaray.




Maxamed Faarax Axmed oo ah Madaxa Waaxda Maareynta Qashinka iyo ka Xakameynta Khatarta Deegaanka ee Wasaaradda Caafimaadka Somaliland, ayaa war qoraal ah oo uu soo saaray ku sheegay "wakaaladda illaalinta deegaanka ee mareynkanka ayaa 1950-1960 ka mabnuucday aduunka isticmaalida cayayaan dilaha ee loo yaqaan DDT, sababo la xidhiidha saameynta iyo khatarta ay ku keeni karto deegaanka kuwa duur joogta iyo kuwa dhaqmaadka ahba iyo sidoo kale khataraha caafimaad ee aadamaha kaga iman kara.




 marka aynu eegno waxyeeladda iyo khataraha caafimaad darro ee kaga iman karra Aadamaha ka dib markii lagu sameeyey daraasado iyo cilmi baadhis qoto dheer waxa lagu ogaaday saameynta dhinaca taranka.




waxaana la ogaaday inay si ku meel gaadh ah u wax yeelayso habdhiska xididada neerfaha , dhaawacida beerka , hamo la’aan, kansarka beerka ku dhaca, dhicinta iyo waxyeelooyin dhinaca habka taranka ah.




Sumowga hawada taasi oo sababi karta illaa heer dhimasho, iyo khatarta ay ku keeni karto deegaanka kuwa duur joogta iyo kuwa dhaqmaadka ahba burooyin dhinaca beerka ah.




 sida ay ugu gudbi karto aadamaha waxaynu odhan karnaa waa  wakhti roobaadka in daadku qaado suntaas ka dibna ceelashii dooxa loo isticmaalo cabitaan, ama biyihii wasakhaysnaa oo badda ku darsamey, dabadeedna dadkii ay cunaan kaluunkii sumoobay, isla markaa ay hooyadu ay nuujiso ilmaheeddii, sida cunida caleenta ama midhaha ka baxay caradda ay la falgashay suntu iyo Xayawaanka cunna dalaga beeraha ee ciidu sumowday oo Hilibkiisa la cunno.




Suntan cayayaan dilaha ah ee loo yaqaan DDT waxa la ogyahay inay adkaysi badan u leedahay deegaanka, sida duxda ama subaga aaanay y isku soo ururtaa, waxaanay u kala gooshi kartaa masaafo aad u dheer jawiga sarre ee ciida.




Wershadii Sunta Ayaxa ee Hargeysa




Sun hadhaadi ah ayaa ka soo baxday Wershadii hore ee sunta la-dagaalanka Ayaxa ee Magaalada Hargeysa, taasoo laga cabsi qabo inay halis nololeed iyo saameyn deegaan labadaba keento.




Suntan ayaa waxa dibada u soo saaray Roobka.




Masuuliyiin ka socda afar wasaaradood oo kala ah Wasaaradda Beeraha, Wasaaradda Deegaanka, Wasaaradda Caafimaadka iyo wasaaradda Biyaha iyo Hay’addo Caalami ah ayaa ayaa todobaadkii hore sahamin ku sameeyay heerka soo if-baxa Suntan.




Dhinacyadan ayaa doonaya inay iska kaashadaan sidii loo xakamayn lahaa waxyeelada suntaasi, iyagoo bulshada ka agdhow goobta wershada iyo dooxa Hargeysa u diray dhambaalo digniin xambaarsan.




Wasaaradda Caafimaadka




“Waxaanu uga digaynaa, ku wargalinaynaa,u sheegaynaa, xasuusinaynaana  dhaamaan dadweynaha ku nool agagaarka u dhow wakaaladii la dagaalanka cayayaanka beeraha ee Hargeysa , halkaas oo ay ku kaydsan tahay sun khatar ku ah deegaanka iyo caafimaadka bulshada,inay feejignaadaan isticmaalida biyaha dooxa Hargeysa iyo in aan loo dhawaan karrin goobta ay ku taalo wakaaladaasi oo sidda ay xaqiijisay wasaarada beeruhu ay ku aasan tahay sun”sidaasi waxa Gobanimonews u sheegay Dr. Maxamed Faarax Qoti oo ah Madaxa Maareynta Qashinka  iyo ka xakameynta Deegaanka ee Wasaarada Caafimaadka Somaliland.




Maxamed Faarax ayaa intaasi ku daray “Waana inaan lagu beerin dhirta loo yaqaano Geed gaabka agagaarka deegaanada u dhow goobtu suntu ku aasan tahay, maadaama illaa hadda aanaanu haynin natiijadii ka soobaxday baadhitaankii lagu sameynaayey ciidaha kala duwan iyo ceelasha biyaha dooxa Hargeysa” .




Wasiirka Beeraha Somaliland




dooxa Koox




 



Wasiirka Wasaaradda Beeraha Somaliland Faarax Cilmi Geedoole oo kooxdan hogaaminayay ayaa xaqiijiyay inay dilaacday Sunta halkaasi ku jirtaa, halisna ay u tahay dadka iyo deegaanka ku dhadhow.




Wasiirka oo intii kormeerkaasi lagu jiray warbaahinta la hadlay ayaa yidhi “Ujeedada aanu halkan kormeerka ugu nimid waxa ay tahay sida aynu ogsoonahay suntan ku kaydsan xeradii Ayaxa oo muddo dhan ku kaydsanayd, suntaasi oo dilaacday oo roobabku ay qaadeen iyo daadadku oo sida la sheegay dhibaato weyn ku haysa deegaanka ha noqoto xoolaha, ha noqoto bani aadamka  ayaanu muddo raadinaynay cid wax nagala qabata ILAAHEY mahadii hay’adda FAO ayaa nagala hawl gashay si loo helo mashruuc wax lagaga qabto oo lagu baadho Ciida iyo biyaha dooxan (Dooxa Hargeysa) ilaa beeraha hoose ee ceelashu ay ka qodan yihiin, taasi oo markii horena ay wasaaadda Caafimaadka iyo hay’adda WHO cilmi baadhis ku sameeyeen oo la sheegay inay sumahaasi ku fideen dooxaasi, markaa hay’adda Blacksmith ayaa waxa ay hadda ka bilaabi doontaa baadhis biyahan iyo ciidan, iyada oo sidii xaqiiqada loo heli lahaa loona nadiifin lahaa xeradii oo suntan looga qaadi lahaa oo baraakaha ay suntu ku jirto looga rari lahaa, loona yarayn lahaa dhibaatooyinka ay gaadhsiisay deegaanka”.




Wasiirka oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi “Markaa halkan waxaanu isugu nimid afar wasaaradood oo kala ah Wasaaradda Beeraha, Wasaaradda Deegaanka, Wasaaradda Caafimaadka iyo wasaaradda Biyaha.




waxa kale oo nala jooga Andario Sibola oo ka socda hay’adda FAO iyo John oo ka socda hay’adda Blacksmith oo ah ninka masuulka ah in hawshan la qabto, waxaanay hadda wadaan  baadhistii ugu horaysay oo waa ay sawirayaan. waxa ay qaadi doonaan ciida iyo biyaha oo iyaguna baadhis lagu samayn doono Insha Allah, waxa kale oo nala socda Cali Ismaaciil oo ah madax hay’adda SWALIM oo ka tirsan FAO , waanan idiin mahadnaqayaa ILAAHEY-na ha idiin fududeeyo sidii aynu wax uga qaban lahayn hawshaasi “.




Hay’adda FAO




Andario Sibola oo ka socday  hay’adda FAO oo isna hadal kooban madashaasi ka soo jeediyey ayaa waxa uu sheegay inay ku faraxsan yihiin inay hawshan baadhitaankeeda bilaabaan, waxaanu yidhi isaga oo arrimahaasi ka hadlaya “Mashruucan waxa maalgalinaya midawga Yurub, waxaananu wadnaa qiimaynta iyo nadaafada meesha sidii loo eegi lahaa loona baadhi lahaa saamaynta ay ku yeelanayso caafimaadka iyo beerista”.




Cali Ismaaciil oo ah madaxa SWALIM oo ah hay’ad hoos tagta hay’adda FAO ayaa waxa uu yidhi “Waxaanu maanta sahamin ku samaynay saamaynta ay deegaanka Dooxa Hargeysa, taasi oo ay hay’adda FAO ka fulin doonto sahamo iyo sidii sunta ka soo baxday Warshadihii la dagaalka Ayaxa loo baabiin lahaa, markaa hay’ad la yidhaahdo Blacksmith ayaa hawshaa wada, runtiina arintani waa arin lala soo daahay oo marar ayaa la sameeyey sahamin oo ay wasaaradda Caafimaadku samaysay, tanina wasiirka Beeraha ayaa talabadani qaaday, wasiirkuna hay’adda FAO wuu ka dhaadhiciyey”ayuu yidhi.




Dooxa Hargeysa




Dooxahas




 



Il-biyoodyo maax ah oo laga helo Dooxa Hargeysa ayaa biyo u ah dad badan oo ka ag dhow, khaas ahaan kuwa degen Dooxa hareerihiisa ee danyarta ah.




Sababta ku keliftay inay cabaan ayaa waxa sabab u ah biyo yaraanta ka jirta Caasimadda Hargeysa oo sii kordhaysay 13kii sanadood ee ugu dambeeyay. “dad badanbaa caba biya dooxa, waxaana ka dhaamiya Biyooleyaasha Dameeraha wata”sidaas waxa Gobanimo u sheegay Wiil dhalinyaro ah oo Xaafadaha Dooxa ka talowsan degen.




Biyaha laga dhaamiyo Dooxa ayaa badanaa loo isticmaalaa dhismaha iyo Maydhista Huga, sida uu sheegay mid ka mid ah dadka Biyooleyaasha ah.




Waxyeello joogto ah




Dadka Deegaanka ayaa sheegay inay waxyeelada suntani hada gaadhsiisantahay heer ay Xayawaanka ku dhawaadaa disho,sida Shimbiraha iyo nooleyaasha kale ee la midka.




Taasi waxay muujinaysaa inay dadka iyo doonyada kale ee dhaqmaadku halis ugu jiraan khatar.




Cabsi hore




Qaylo dhaan aan dhego nugul helin ayaa sanaddo kala dambeeyay ka soo baxday dadka degen deegaanka Wershada Sunta laga helay ku taalo.




Taasi waxay ahayd mid ay wasaaradda Deegaanku ay u kuur gashay iyadoo aan waxba ka qaban.




Talaabada hada la qaaday ayaa ku soo beegmaysa xili Roobabka gugu ka curanayaa Geyiga oo ay halisteedu sii badanayso, maadaama Dhulku qoyayo, si fududna uu Millan ugu sameyn karo Suntaasi.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com