Sunday, April 27, 2014

Xiisad Diblomaasiyaddeed oo ka dhex qaraxday Soomaaliya iyo Kenya.warbixin


Safiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya oo Muqdisho looga yeeray iyo Mooshin ka dhan ah Qaadka Nairobi laga soo dhoofiyo….GNA




qaxooti-DhadhaabNairobi(GNA)-Xiisad diblomaasiyaddeed oo sii kordhaysa ayaa u dhexeeya Somalia iyo Kenya, sidaa waxa sheegay diblomaasiyin Gobolka ku sugan.




Dhaqdhaqaaqyada Siyaasaddeed




Wargeyska The STAR oo ka soo baxa waddanka Kenya ayaa baahiyay in Golaha Baarlamanka Soomaaliya loo gudbinayo Mooshin ka dhan ah Jaadka Kenya u soo dhoofiso Soomalia, sidaa waxa laga soo xigtay Xildhibaan ka tirsan Baarlamanka Muqdisho oo u waramay Wargeyska Star ee ka soo baxa Kenya.




“Somaliya waa inay Kenya u tixgelisaa waddan uu xidhiidh ganacsi ka dhexeeyo oo muwadinteeda la tixgeliyaa.” Ayuu xildhibaanku u sheegay Wargeyska baahiyey war-bixintan.




Xiisadda soo kala dhex gashay labada waddan ee xaaladda amni daro ee Kooxaha Xag-jirka ah qaybsaday sanadihii u dambeeyay, ayaa ka dhalatay talaabo Dawladda Kenya boqolaal qof oo Soomaali ah oo qaxoonti dalkeeda ku joogay ku soo tarxiishay, kuna soo celisay dalka Soomaaliya oo aan wali degenaanshiyo cago adag ku taagani ka jirin.




“Shirka waxa laga soo saaray in Dawladda Soomaaliya beesha Caalamka la kaashato sidii cadaadis loogu saari lahaa Kenya inay joojiso xad-gudubyada ay ku hayso qaxoontiga Soomaaliyeed ee ay dalkeeda ka soo celinayso, iyadoo aan wali dawladda Soomaaliya u diyaar garoobin qaabilaada dadkaasi”sidaasi waxa yidhi Bashiir oo ka mid ahaa qabanqaabiyeyaasha Shir Khamiistii todobaadkan lagu qabtay Magaalada Muqdisho oo looga hadlay xaalada qaxoontiga Soomaaliyeed ee Kenya lagu dhibayo.




Dawladda Soomaaliya ayaa todobaadkan u yeedhay Safiirka u fadhiya Kenya, si ay arrimahan uga waraysato.




Cali Ameeriko, ayaa la filayaa inay dhawaan dawladda Soomaaliya u gudbiso go’aan cad oo ay kaga jawaabayso fool xumadda lagula kacay Qaxoontiga.




Madaxweyneyaasha labada dal




Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horaantii bishan dhigiisa Kenya kala hadlay sidii xuquuqda Xaqoontiga Soomaaliya loo dhawri lahaa, waxaanu rejo ka muujiyay inay wax iska bedeli doonaaan qaabka qalafsan ee loola dhaqmay dadka.




Hase ahaatee Xukuumadda Uhuru Kenyaata waxa muuqata inaanay dhego jalaq u siin dalabka Madaxda dawladda Soomaliya oo joogto ahaa tan iyo markii hawl-galada somaalida lagag soo qabqabtay Nairobi bilaabmay.




Cambaareynno Caalami ah




Dawladda Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay iyo Hay’adaha kale ee Xuquuqda Aadamaha u dhaqdhaqaaqa ayaa arrintaasi ku tilmaamay mid xad-gudub ku ah qawaaniinta Caalamiga ah ee dadka magan-gelyo raadiska ah.




Masuuliyiin kala duwan oo dawladda Soomaaliya u dirtay dalka Kenya si ay arrintan ugala hadlaan, ayaan guul wax ku ool ah ka gaadhin, baajinta dadkaasi.




Qaxoontiyo labada dal si ula kac ah ugu xad gudbeen




Kenya ayaa Bishii la soo dhaafay in ka badan kun qof oo Soomaali ah isugu geysay Garoon kubadda lagu ciyaaro oo ku yaala Nairobi, kuwaasoo badhkood la soo qaaday, qaarna wali xabsiyada ku jiraan.




In ka badan laba boqol oo Ruux ayaa bishan horaanteedii laga soo dejiyay Madaarka Diyaaradaha ee Muqdisho, kuwaasoo dawladda Kenya u soo celisay dalkooda.




Dawladda Soomaaliya xili intii hawl-galada Nairobi socdeen, iyagana dhankooda Kenyaati badan ka qabqabtay gudaha Muqdisho, kuwaasoo qaarkood la xidh-xidhay, waxaana ka mid ahaa Rag Ganacsato ah oo goobo ganacsi ku lahaa Caasimadda Soomaaliya.




Xidhiidh siyaasaddeed oo hore




Dawladda Kenya ayaa ka mid ah dalalka Afrika ee kaalinta weyn ka geystay sidii dalka Somalia loogu dhisi lahaa dawladda.




Dawladdii ku meel-gaarka ahayd ee Cabdilaahi Yuusuf oo marka dib loo eego sooyaalka sal dhig u noqotay nidaamka hada shaqaynaya ee federaalka ayaa lagu soo dhisay shirkii lagu Imbagaati sanadkii 2004-ta ilaa 2005.




Soomalida ayaa taas abaal weyn ugu haya Kenya, iyadoo muddo dheer xarun u ahayd siyaasiyiinta Soomaalida ee xilalka haya iyo Baarlamanka waddankan ka soo kabanaya qalalaasaha 23 jirsanaya.




Dagaalka Argagixisada.




Tan iyo markii Kenya ku soo biirtay Dalalka Ciidamada Nabad-ilaalinta u soo diray Soomaliya sanad ka hor kooxda Al-shabaab ayaa weeraro kala duwan ka fulisay goobo muhiim ah ku yaala gudaha Kenya, khaas ahaan Magaalada Nairobi.




Taas waxay sabab u noqotay inay Kenya Dadka Soomaalida ah u aragto in Argagixisadu ugu soo dhuumanayaan.




Soomaalida Kenya




Soomaalida ayaa Ganacsi balaadhan ku lahaa Magaaladda Nairobi, gaar ahaan Suuqa weyn ee loo yaqaano Islii.




Ganacsato badan oo halkaasi ku haystay goobo Ganacsi ayaa si ula kac ah looga xidhay meheraddahooda, waxaana xidhay bilayska Kenya.




Talaabadan ayaa siyaabo kala duwan loo arkay, waxaana jira dareenno soo baxaya oo muujinaya inay wanjaleen Ganacsato u dhashay Hindiya oo doonaya inay suuqaasi la wareegaan.




Sidaa waxa Gobanimonews u sheegay mid ka mid ah Soomaalida ku sugan Nairobi, kaasoo intaasi ku daray inay Bilaska Kenya xadhig iyo gabood-falo kale u geysanayaan Soomaalida.




Gabagabo




Si kastaba ha ahaatee Khilaaf diblomaasiyaddeed oo labada waddan ka dhex qarxa ayaa saameyn balaadhan ku yeelanaya amaanka soohdinta u dhaxaysa oo ay ku suganyihiin Ciidamada Kenya iyo Kooxo ka tirsan Ururka Al-shabaab oo dhuumaalaysi ugu kala gudba labada waddan.




Sidoo kale, arrintan ayaa saameyn ku yeelanaysa dhaqdhaqaaqa hay’addaha Caalamiga ah ee Soomaaliya ka wada hawlaha gargaarka oo qaarkood xarumahoodu ku yaalaan Kenya.




Gobanimonews




Muqdisho Office




Email: editor@gobanimonews.com