Saturday, April 26, 2014

Jamaal Cali Xuseen oo Taageero Siyaasaddeed looga muujiyey London.Daawo


jamaal xaflad (8)London (GNA)- Murashaxa Madaxweynaha ee xisbiga Mucaaraadka ah ee UCID Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen iyo xubno ka tirsan hoggaanbka xisbiga, ayaa xalay munaasibad taageero loogu muujinayey kaga qayb-galay magaalada London ee dalka Ingiriiska.




Munaasibaddan oo ay soo-qaban qaabiyeen Jaaliyadda Beelaha Ciise Muuse  ee magaalada London, ayaa ujeeddadeedu ahayd sidii ay beeshu taageero buuxda ugu muujin lahayd murashax Jamaal Cali Xuseen oo tartanka madaxtinimada ugu sharraxan xisbiga UCID doorashooyinka la filayo inay sannadka dambe ka qabsoomaan dalka




Murashax Jamaal Cali Xusee oo shalay ka degay garoonka diyaaradaha ee Heathrow ee magaalada London ka dib socdaal uu dalka Maraykanka kaga yimi, ayaa munaasibadda loogu qabtay  Sunloung Banqueting, Atlip Center ee xaafadda Wembley ee magaalada London, waxaana ku wehelinayey Guddoomiye ku-xigeenka saddexaad ee Xisbiga UCID Mujaahid Cali Guray oo in muddo ahba ku sugnaa London, masuuliyiin sar-sare oo ka tirsan Xisbiga UCID iyo taageerashada Xisbiga oo isaga kala yimi dhammaan gobollada dalka.




Xafladdan casho-sharafta ah waxa ugu horeyn masuuliyiin ka tirsan Xisbiga UCID iyo xubno ka mid ah jaaliyadda soo-qaban qaabisay, kuwaas oo dhammaantood ka markhaati kacay inuu dalku wakhtigan u baahan yahay isbeddel la taaban karo oo duruufaha siyaasadeed iyo dhaqaale eek u xeeran lagaga gaashaman-karo, iyaga oo xusay inuu Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen oo ah murashaxa ugu da’da yar ee doorashada ka qayb-galaya uu fahamsan yahay duruufaha shaqo la’aaneed iyo mustaqbal ee ku xeeran da’da yarta dalka.




Mujaahid Cali Maxamed (Cali-guray), Guddoomiye ku-xigeenka saddexaad ee xisbiga UCID, oo isna halkaas hadal guubaabo ah ka jeediyey, ayaa jaaliyadda uga mahad naqay taageerada ay u muujiyeen Murashaxa xisbiga, isaga oo kula dardaarmay inay adduunkooda iyo caqligooda u huraan sidii uu xisbiga UCID u hanan lahaa hoggaamin dalka.




Aqoonyahan, murashax Jamaal Cali Xuseen oo gunaanadkii munaasibaddaas ka hadlay, ayaa mahadnaq ballaadhan ujeediyey Jaaliyadda beesha ee London iyo dhammaanba beel-weynta Ciise Muuse taageerada buuxda ee ay kula garab-joogsadeen, waxaanu halkaas ka ballan-qaaday inuu ka dhabayn doono himilada Somaliland iyo yoolka horumarineed ee ay hiigsanayso.




 




Munaasibadda xalay lagu qaabiley Jamaal Cali Xuseen, ayaa bar-bilow u ahayd Socdaallo isugu jira guubaabo iyo taageero-raadinta Xisbiga oo Murashax Jamaal Cali Xuseen ku marayo dhammaan gobollada dalka Ingiriiska.
Halkan ka Daawo:


https://www.youtube.com/watch?v=KtuQaasin1Q


Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com