Sunday, April 27, 2014

Madaxweyne Siilaanyo iyo Qoyskiisa oo ku soo noqday Hargeysa


Madaxweynaha iyo Marwaddiisa oo canaan dhegaha ku jaray Masuuliyiinta dawladda ee Gobolka iyo dhaliilo hore Mucaaridku u jeediyay oo dibada u soo baxay…




madaxweyneBerbera(GNA)-Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa ku soo laabtay Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Dalka, kaddib safar khaas lagu sheegay oo uu ku joogay ilaa Habeenkii Jimcuhu soo galay Magaalada Xeebta ah ee Berbera.siilaanyo iyo xas




Madaxweyne Siilaanyo, ayaa gelinkii dambe ee Maanta ku soo laabtay Hargeysa, kaddib markii uu gelinkii hore ee saaka dadweynaha reer Berbera kala qayb-galay isu soo bax Salaad roob-doon ah lagu oogay dalka oo dhan.




Axmed Siilaanyo oo ay socdaalkiisan khaaska ah ku wehelinayeen Marwadiisa , xoghayihiisa gaarka ah iyo Taliyaha Bilaysku, ayaa ilaa shalay Jimcihii Nasasho ku joogay Berbera, waxaanu halkaasi xalay kulan madaxtooyada kula yeeshay Maamulka Gobolka iyo Masuuliyiinta kale ee dawladda.




Kulankan  uu la yeeshay xalay Maamulka Gobolka Saaxil iyo madaxda kale ee dawladda, ayaa la sheegay inuu ahaa mid isxogwaraysiya, isla markaana Madaxweynuhu warbixino kaga dhegeystay Masuuliyiinta uu la kulmay.




Sida ay Gobanimonews u xaqiijiyeen ilowareedyo ku dhadhow kulankaasi , madaxweynaha ayaa Masuuliyiinta Dawladda ee heer gobol iyo mid degmo ee uu la kulmay canaan kulul u jeediyay, kuwaasoo ku canaantay gaabis dhanka shaqada ah.




Canaanta Madaxweynuhu u jeediyay masuuliyiinta ayaan faahfaahin dheeraad ah laga haynin, isla markaana ay labada dhinac ee Madaxweynaha iyo Madaxda dawladda ee fadhigoodu berbera yahay isku keliyeysteen saacado badan.




Hase ahaatee warku wuxuu intaasi ku darayaa in Madaxweynuhu ku canaantay maamulka inaanay horumar la taaban karo ka hir-gelin Gobolka, isla markaana aanay dad iyo dawlad toona wax ugu filnayn.




Canaantaasi ayaa sida la sheegay Masuuliyiinta Madaxweynuhu jeediyay aanay wax garowshiyo ah bixin, iyagoo u arkayay mid aannu madaxweynuhiu asbaab mucayim ah ku muujin.




Canaan hore




Xisbiyada Mucaaridka ah ayaa Madaxda dawladda ee Gobolka Saaxil iyo degmada Berbera hore ugu dhaliilay inay ka gaabiyeen adeegista Bulshada, isla markaana shaqaddii loo igmaday ay kaga mashquuleen arrimo siyaasaddeed.




“Madaxweynaha waxaad wax u taraysaa markaad shaqada uu idiin diray ka soo baxdaane, guul-waddeynta aad wadaan idiinku kordhin mayso”sidaasi waxa tidhi Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID, Marwo Rooda.




Dhaliilasha Mucaaridka iyo maagista Madaxweynuhu kula dhacay Maamulka Hay’addaha dawladda ee Gobolka ka hwl-gala ayaa muujinaya saluug shaqo oo aan indhaha laga qarsan Karin.




Gobanimonews




Hargeysa  Office




Email: editor@gobanimonews.com