Tuesday, April 29, 2014

Dhaqan xumaddu waa Hooyadda bur-burka!Jamaal Abu-giza


Waxaa ilahay kitaabkiisa inoogu sheegay inaan noqono umad wanaga is farta xumaantana iska reeba waana siraha muhiimka ah ee umada fahamta ee sidaa ku dhaqantaa ay badhaadhe iyo barwaaqo helayaan ilahaya ugu naxariisanayaa.




hadaba anigoo taasi ka duulaaya ayaan waxaan rabaa inaan maqaalka maanta kaga waramo dhaqan xumo waayadan danbe aad uga soo shaac baxaysa gudaha magaalada hargeisa taasi oo hadaynaan wax ka qaban oo aan si deg deg ah wax looga qaban isla markaana aan talaabo laga qaadin ay dhamaanteen ina wada saamayn doonta waay ilahay ayaa kitaabkiisa qaaliga ah ee sharafka iyo karaamada badan waxaa uu inoogu sheegay inaan ka baqano fidno ama balaayo aan ku koobnaan doonon oo kaliya qofka sameeya oo kaliya balse ina wada taabanaysa hadaynaan iska qaban.




hadaba hadaan guda galo ka waranka dhaqan xumadan aan soo sheegay waa dhaqan xumada ay ku kacaan dhalin yaradu iyo dad waaweyn labaduba oo hadaad habeenkii u fiirsato suuqyada magaalada hargeisa waxaad markaaba isha ku qabanaysaa ama aad arkaysaa hablo yaryar iyo wiilal gacmaha iyo dhexda is wada haysta oo aad moodo inay park ka ciyaarayaan isla markaana gabdhahani way qaawanyihiin oo waxay qabaan dhar yaryar oo gaagaaban oo aad moodo inay geed ka boodayaan qaabka ay suuqa ay u dhex marayaana ay tahay sida ugu akhlaaqada xun wax ruux damiir lihi u adkaysan karaana aanay ahayn.




dhinaca kale waxaad xaafadaha dhexdooda ku arkaysaa xiliyada habeen kii gawaadhida loo yaqaano bajaajta ama noocyadan danbe ee waayadan danbe magaalada hargiesa ku soo badanaya oo inta guryaha hortooda la iska dhigtay xumaan lagu dhexsamaynaayo cid wax ka qabanaysaana aanay jirin taasina way ina galaafanaysaa oo waa la inagu ciqaabayaa oo maantaba waxaad ujeedaan in abaaro wadanka meel walba laga soo cabaadaayo ilahayna naxariistiisa inaga xidho taasina waxaa sabab marag ma doona u ah xumaanta soo shaac baxday ee aynu iska daawanayno.




markale waxaa uu ilahay kitaabkiisa haybada baan inoogu sheegay hadii dadyawga magaalooyinka ku nooli haday ilahay rumayn lahaayeen oo ka cabsan lahaayeen waxaan u fari barkada samada iyo tan dhulka.




bushaarada intaasi leeg ee ilahay inoogu bushaareeyayna waxaan ku helaynaa markaan ilahay ka baqano ee aan xumaanta iska nahino iskagana digno.




Nabigeenii suubanaa naxariis iyo nabad galyo dushiisa ha ahaatee waxaa uu inoo sheegay in hadaan xumaan aragno aan gacanta ku suulino ama wax kaga qabano hadaan kari waynana carabka wax kaga qabanaa inagoo sheegayna xumaanta isla markaana dadka uga digayna hadaan taasi kari waynana albiga ayaan ka nacaynaa oo waxaad muujinaysaa inaanad raali ka ahayn.




Guud ahaan cida hawlahan inooga masuulka ahi waa dawlaa oo iyadu iska leh inay gacanta wax kaga qabato oo xoog iyo awood u adeegsato shacbigana waxaa la inooga baahan yahay kaliya inaan sheegno oo cadayno in xumaani jirto tahayna in waxa laga qabto.




sidaa awgeed waxaan leenahay waar xumaanta ayeynaan daawane aan wax ka qabano oo u sheegno ciday khusayso oo dawlada ah hadii kale waxay noqonaysaa inaan raali ka  nahay waayo inaad shayga ka aamustaa waxay keentaa ama sheegtaa inaan raali ka nahay sidaa awgeed waxaan ku soo gaba gabaynaynaa oon leenahay DHAQAN XUMADU WAA HOOYADA BURBURKA.




W/Q: JAMAAL CABDILAAHI MUXUMED ( ABU CIZA)