Sunday, April 27, 2014

Madaxweyne Siilaanyo Ma u Garsoori doonaa Mudanayaasha Kulmiye? Wariye Salo sahal.


Waxaa hubaal ah inay meesha ka baxday kootaddii  oo la doonayay in la hirgaliyo taasi Xukumadda Kulmiye oo Dejiyeen waxaa hore meesha uga baxday kootaddii kuraasta haweenka  baarlamaanka ee oo xisbiga Kulmiye iyo Madaxweyne Siilaanyo Hormuud ka ahaa .




Siddoo kale waxaa Faraqa hoose ka siibatay Kootaddii Hogaanka xisbiga Kulmiye oo la filayo in shirweynihiisu  qabsoomo  28 bishani  aynu ku jirno Shirweynaha Kulmiye ayaa wajihi doona Loolan adag iyo Olole xoogan oo dhexmaraya masuuliyiinta hiigsanaya hogaaminta xisbiga .




 




Shirweynaha Kulmiye.




 




Shirweynaha Xisbiga Kulmiye  ayaa noqonaya mid deris la noqday dhib u dhac  waxaanna uu ilaa  hadda  si sharci ah  muddo dhaaf  u yahay muddo sanad  iyo billo ah , taasi oo ay keentay  khilaafka xisbigaasi ka dhex taagan oo wali aan saldhigan .




 




Guddiga qaban qaabadda xisbiga Kulmiye ayaa todobaadkii hore si indho isku qabad ah ugu dhawaaqay inuu shirweynaha xisbiga Kulmiye ka dhacaya Magaaladda Hargeysa  Maalinta Isniinta isla Markaasna uu  moqonayo Laba  Maalmood,  waxaase  Xaqiiqo ah inay Beelaha Qaarkood iska Ilaaween ka Qayb galka Shirkaasi Kadib markii ay sadbuuran ka waayeen.




 




Soo dedejinta shirweynaha Xisbiga Kulmiye waxaa Gacan weyn Ka gaystay Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Mudane Muuse Biixi Cabdi oo wali Ka werwersan inay soo Baxaan Mudanayaal Kula Tartama Xilka Guddoomiyaha Xisbiga maadaama Qodobaddii Lagu Heshiiyay ee ahaa In aan lala tartamin Afarta Guddoomiye meesha Ka Baxeen. 




 




 




 




Doorka Madaxweyne Siilaanyo ee Tartanka Kulmiye




 




Inkastoo madaxweyne  axmed maxamed maxamud siilaanyo booqasho nasasho ah ku tagay magaaladda xeebeedda berbera haddanna  waxaan soo shaacbaxday aan  meesha ka maqnayn olole siyaasadeed oo ku aadan siddii madaxweyne siilaanyo beesha Degta gobolka saaxil ugu qancin lahaa inay Shirweynaha Kulmiye u codeeyaan Masuul ay  Abti iyo Gacal yihiin taasi oo ka dhalay markii beesha gobolkaasi qaadatay Kala Badh Ergooyinka beelaha Habar awal.




 




Madaxweyne siilaanyo ayaa la sheegay kulan uu xalay la qaatay odayaasha Deegaanka degmadda berbera inuu kala hadlay siddii ay u dooran lahaayeen Mudane Maxamed Kaahin Axmed oo ah Guddoomiye Ku xigeenka Xisbiga Kulmiye ee wakhtigan  maadama Xilkaasi Tartan ku jiro shirweynaha soo socda  isla markaasi olole xoogani dhex mari doono Guddoomiyihii hore ee Ururka Rays mudane Xasan Maxamed Cali iyo Guddoomiye Ku xigeenka Xisbiga Kulmiye Mujaahid Maxamed Kaahin Axmed .




 




 




 




Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamud siilaanyo ayaa la sheegayaa inay u qaadan waa Ku noqotay ku dhawaaqista mudane Xasan Gaafaadhi ku dhawaaqay Musharaxnimaddiisa uu ugu tartamayo Guddoomiye ku xigeenka Xisbiga Kulmiye Waxaanna siddoo kale La sheegayaa in madaxweyne siilaanyo Go,aamiyay in mudane Xasan Maxamed Cali Gaafaadhi loo ogolaado inuu iska dhex sharaxo Xisbiga Kulmiye Balse Xukumaddu ay Awood ku muquuniso si aanu meesha uga bixin Mujaahid Maxamed Kaahin Ahmed.




 




 




 




Doorka Xukumadda.




 




Waxaa Hubaal ah in Xisbiga Kulmiye ay Gacan weyn ku leedahay Xukumadda Somaliland maadaama uu yahay  uu Xisbiga Kulmiye Yahay Aabihii iyo aafaddii Dhashay xukumadda madaxweyne axmed maxamed maxamud siilaanyo .




 




Kulan habeenkii xalay ahaa isugu Yimaadeen Qaarka Mid ah Golaha wasiiradda Xukumadda iyo mudanayaal ka tirsan baarlamaanka iyo Xisbiga Kulmiye oo uu Guddoominayay Madaxweyne Ku xigeenka somaliland Mudane cabdiraxman Cabdilaahi Saylici isla markaasi Lagu qabtay Guriga madaxweyne ku xigeen  ayaa lagu Go,aamiyay siddii Wasiir waliba u keeni lahaa ergooyinkii beeshiisa isla markaasna Cod loogaga adkaan Lahaa Mudane Xasan Gaafaadhi loona Taageeri lahaa Maxamed Kaahin iyo Cabdiraxman Maxamed Talyaanle.




 




Doorka Odayaasha Barriga Burco.




 




Tartanka loogu jiro hogaanka sare ee xisbiga Kulmiye saamayntiisu kuma koobna oo Kaliya xisbiga dhexdiisa balse odayaasha Beesha Barriga Burco oo ay kasoo wadda jeedaan Mujaahid Maxamed Kaahin Axmed iyo Xasan Maxamed Cali Gaafaadhi ayaa La sheegay inay Sameeyeen isku dayo lagu kala reebayo labadda maagane inkastoo arrintaasi ay is hortaagay wasiiradda  ka tirsan xukumadda oo kasoo beesha barriga burco.




 




 




 




Shir Guddoonka shirweynaha Kulmiye.




 




Inkastoo aan si rasmi ah oo xaqiijin magacaabista shir guddoonka shirweynaha xisbiga Kulmiye haddana warar xog ogaal ah ayaa sheegaya in shirguddoonka Kulmiye loo aqoondeeyay saddex wasiir oo Ka tirsan Xukumadda kuwaasi oo la sheegayo inay Kala Yihiin .




 




1.   Wasiirka Gaashaandhiga Axmed Xaaji Cali Cadami ( Guddoomiye )




 




2.   Wasiirka Waxbarashada Samsam Cabdi Aadan ( Guddoomiye Ku xigeen )




 




3.   Wasiirul Dowladaha Waxbarashadda Axmed Nuur Faahiye (Xoghaye)




 




 




 




Tabashadda Ergooyinka Kulmiye




 




Tabashada iyo tuhunka beeluhu ka qabaan Ergooyinka Kulmiye waa mid weyn looga dareemay guud ahaanba dalka waxaa jira Cabashooyin kala duwan oo ay qabaan beelaha diiday kasoo xaadirta shirweynaha iyo kuwa ka qayb galay oo qaarkood qabaan in la helo  mudanayaal u tartama.




 




Beelaha bariga Somaliland gaar ahaan goboladda sool iyo sanaag ayaan ku qanacsanayd kootadda lagu xidhay guddoonka sare ee xisbiga kulmiye kuwaasi oo doonaya inay guud ahaanba lagu tartamo Guddoonka sare ee xisbiga taladda dalka Haya , Cabdiraxmaan Maxamed Talyaanle oo ah Gudoomiye Ku xigeenka Afraad ee Xisbiga Kulmiye  ayaa la filayaa siddoo kale in booskiisa loo tartamo .




 




Gunnaanad




 




Tartanka dhexmari doonna Mujaahid Maxamed Kahin Axmed iyo Xasan Maxamed Cali Gaafaadhi waa kan ugu xamaasadda badan ee lagu waddo inuu ka dhaco shirweynaha xisbiga kulmiye balse waxaan meesha ka madhnayn in mudane Gaafaadhi qabo dareen ah in Madaxweyne siilaanyo ka hiiliyay labadda jeer oo is xiga kuwaasi oo kala ah Ololihii madaxweyne siilaanyo  ee magaaladda burco ku tagay wakhti Ururkiisii Rays Taageeradda badan ka helay magaaladda burco  iyo Ololaha wakhtigan Ka socda Xisbiga Kulmiye Dhexdiisa .




 




Balse Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamud siilaanyo ayaa maanka ku haya halgankii Maxamed Kaahin lasoo Galay  oo wakhti xaadirkan aanu maxamed kaahin midho dhal fiican ka helin madaxweyne siilaanyo haddii kursigani la dhaafiyona  u horseedi karta Madaxweyne siilaanyo Mucaaradad hoose kala kulmo beesha Maxamed Kaahin oo aan Sadbuuran ku haysan Xukumadda kulmiye .




 




Geesta Kalenna Maxamed kaahin ahmed ayaa dareensan inuu yahay masuulka ugu mudan oo aan lagula tartamin guddoomiye ku xigeenka kulmiye haddiiba ay dhacdayse aanay dhaafin oo uu cod ku helo booskiisa maadaama oo  sidda uu ugu soo noqdaa ay adag tahay haddii maanta laga faro maroojiyo Guddoomiye ku xigeenka xisbiga Kulmiye .




 




Saleban sahal Jamac




 




salosahal@hotmail.com




 




Caynabanews.com