Wednesday, April 30, 2014

Baabuur lagu dhejiyey Waraaqo ka dhan ah xayiraada Haatuf iyo Hubaal oo la xidhay


SAMSUNG




Hargeysa(GNA)-Bilayska ayaa xidhay sida la sheegay Gaadiidley baabuurtooda ku dhejiyay Istiikaro lagu dalbanayo in xoriyadooda loo soo celiyo Wargeysyada Hubaal iyo Haatuf.




Talaabadan aya u muuqata tii ugu dambeysay ee ay Xukuumadda Siilaanyo  ku cabudhinayso xoriyatul-qawlka,ka dib markii ay maanta sifo sharciga baalmarsan u xidh-xidhay muwaadiniin basaskooda ku dhajiyey Istiikaro ay ku xardhan yihiin Free Haatuf and Hubaal, kuwaas oo baabuurtaas iyo ragii wadayba xabsiga ay u taxaabeen ciidamo Bilays ahi.




Sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan saldhiga dhexe ee magaalada Hargeysa ayaa waxa ku jira muwaadin magaciisa la yidhaahdo Qorane Yuusuf Cawaale, kaasoo isaga iyo baskiisaba ay ku xidhan yihiin halkaasi, isla markaana aan ilaa imika si dhab ah loo garaynin cida amartay xadhiga baabuurkaas lagu xabisay Istiikarka uu ku taageerayo Xoriyatul-qawlka.




Dhinaca kale talaabadan ay maanta qaaday xukuumadda Siilaanyo ayaa noqonaysa mid muujinaysa in heerkii ugu xumaa ay la marayso Xoriyatul-qawlkii dalka, iyada oo aanay wali dalka hore uga dhicin in la isku xidh-xidho afkaartii uu muwaadiniinta u ogolaaday Distuurka Somaliland, isla markaana dhacdooyinkii Wadanka ka dhacay Saddexdii Sano iyo badhkii ay xukuumadda xisbiga Kulmiye talada dalka haysay ayaa waxa dalka ka dhacay tacadiyadii, gabood-faladii  iyo xad-gudub-yadii ugu badnaa mudadii ay Somaliland jirtay.