Monday, April 28, 2014

Dhageyso:“Ergooyinka Shirka Kulmiye Ee Ka Soo Jeeda Gobolada Awdal Iyo Selel Oo Ka Cawday Sida loola Dhaqmay


Waxaa nalagu balamiyey booliska Goobta joogay oo gacmaha ula tagay masuuliyiinta iyo ergooyinka ka socday gobolada Galbeedka




samarron.jpgHargeysa (GNA) -Waxa sidaas sheegay qaar kamida ergooyinka iyo masuuliyiinta ka soo jeeda gobolada Galbeedka ee Awdal iyo Selel




Ergooyinkan ka cabashada ka muujiyay nidaamka shirka Kulmiye ayaa waxa ku jira badhasaabada labada gobo lee ay ka socdaan, waxa kale oo ay ka dhawaajiyeen masuuliyiintani in dhammaan ergooyinka kale lawada siiyay kaadhadhkii ay kaga qayb gali lahaayeen shirka balse labadan gobol ergooyinkooda aanu u aragno kuwo si gaara loogu badheeyay oo aan haba yaraatee wax kaadhadh ah la siin” ayey yidhaahdeen masuuliyiintn i.




Xoghayaha xisbiga ee gobolka Awdal oo ka hadlaya waxa uu yidhi”Shalay iyo Daraadba waxaanu bixinaynay sawiradayadii,waxa la waday diiwaan gelinta yadii, Saaka markii uu waagu baryeyna sidaanu u dhanahay gobolka Awdal waxa lana yidhi wax ka hadhay oo la idiin hayaa ilaa wasiir ha noqotee  ma jirto ayaa lana yidhi, layn istaaga ayaa lana yidhi,magacyadiina ayaa la xaadirinayaa, nidaamkii iyo baratakoolka wax ka baxsan ayaanu la kulanay oo ah meer-meerin iyo takoorid” ayuu yidhi xoghayaha xisbiga gobolka Awdal




Ugu dambeyntii waxa ay masuuliyiinta ergoonyinka kamid ah ka codsadeen guddoomiyaha xisbiga iyo madaxdaba in arinkan waxa uu ku dhacay sabatiisa la baadho haddii ay tahay mid xisbigu ka dambeeyo iyo mid dad kale wadaan haddii kale beelaha goboladan hadaanu nahay waxaanu gaadhi doonaa go’aan” ayuu ku soo gabagabeeya hadalkiisa




halkan ka dhageyso:[audio mp3="http://www.gobanimonews.com/wp-content/uploads/ergooyinka-Awdal-iyo-Selel.mp3"][/audio]