Saturday, April 26, 2014

Isuduwaha Caafimaadka Togdheer Oo Caqabad Ku Noqday Adeegga Caafimaadka.

Burco(GNA)-Isuduwaha Wasaarada Caafimaadka ee Gobolka Togdheer Dr. Cabdi Yaasiin Xaaji Saleebaan, ayaa lagu eedeeyey inuu caqabad ku noqday habsami-u-socodka Adeeggii Caafimaad ee uu xil saarnaa taabogelintiisa.

Wasiirkii hore Wasaarada Boosaha iyo Isgaadhsiinta Somaliland Dr. Cabdijibaar Maxamed Siciid oo ka mid ah Dhakhaatiirta waa-weyn ee Somaliland, ayaa ku eedeeyey Isuduwaha Wasaarada Caafimaadka ee Gobolka Togdheer inuu caqabad ku noqday Adeeggii Caafimaadka ee Gobolka, taasoo sida uu sheegay saamayn ku yeelatay Ageegyadii Caafimaad ee bulshada loo fidin jiray.

Dr. Cabdijibaar oo Muddo dheer kasoo shaqeeyey Cisbitaalka Guud ee Magaalada Burco, ayaa qoraal uu Maanta soo saaray waxa uu tafaasiil ka bixiyey qaybo ka mid ah eedaha uu u jeediyey Isuduwaha Wasaarada Caafimaadka ee Gobolka Togdheer. Dr. Cabdijibaar oo waqtigana Macallin ka ah Kulliyada Caafimaadka ee Jaamacada Burco, waxa uu qoraalkiisaa yidhi; “Isuduwaha Wasaarada Caafimaadka ee Gobolka Togdheer wuxuu Caqabad ku noqday guud ahaan Adeegga Caafimaadka Gobolka, waxana ugu dambeeyey arimahayees Saamaynta ku yeeshay adeegga Caafimaadka ee laga dhaxlay dhaxlay Maamulkiisa Cabdi Yaasiin kuwan hoos ku xusan;

1. Arintii Xildhibaan Jaamac Xasan Aadan oo si xun u dhaawacnaa, oo uu Isuduwaha Caafimaadku u diiday in Madaarka lagu geeyo Ambalaaskii Cisbitaalka, arintaasi waa dembi weyn, waxanay dembi ku tahay Dakhtar-nimada, Qaranimada, meel ayaa lagaga dhacay Xildhibaanka iyo Muwaadin walba oo waxaas oo kale lagu la kaco.

2. Isuduwaha Caafimaadka Togdheer waxa uu sabab la’aan shaqada uga eryey Dhakhtaro, Kalkaaliye-yaal Caafimaad iyo Shaqaale kale, kuwaasoo laf-dhabar u ahaa habsami-u-socodka adeega Cisbitaalka Burco, balse ay qaarkood dib Debada shaqo uga doonteen kadib markii uu Isuduwaha Caafimaadku Caqabad ku noqday inay bulshadooda u adeegaan.

3. Hay’ada Medair oo adeeg balaadhan Gobolka ka haysay oo uu Carqaladeeyey, taasoo sababtay in hay’adu dalka ka guurto.

4. Hay’ada COOPI oo uu ku hayo hanjabaado iyo wada-shaqeyn xumo,

5. Hantida Adeega Caafimaadka oo la lunsado.

6. Shaqaalaha Cisbitaalka Guud ee Burco waxay bilaa Mushaharo yihiin laba bilood, kuwa Cisbitaalka Qaaxaduna (TP) waxay bilaa mushaharo yihiin Afar (4) bilood”.