Saturday, April 26, 2014


Safiir Rooda Jaamac Cilmi




Maareeyaha Xafiiska Samafalka Wasaaradda Dib Udejinta Somaliland Oo Xafladd Casho Sharafeed Ah  U Samaysay Rooda Jaamac Cilmi Oo Ah  Safiirka Somaliland U Fadhiya Dalka  Sweden




Safiir Rooda




 




Maareeyaha Xafiiska Samafalka ee Wasaaradda Dib u Dejinta Somaliland Marwo Aamina Maxamuud Diiriye ayaa Munaabad Casho sarafeed  Sabootin ah u sameysay Safiirka Somaliland u fadhiya dalka Sweden ee qaaradda Yurub ku yaala,oo in mudo ah dalka ku sugnayd todobaadka soo socdana dib ugu laabaneysa Sweden.




DSC00681.JPG




Munaasibadan Casho Sharafeedka ahayd oo ay soo qaban qaabilay Marwo Aamina Maxamuud Diiriye ayaa Xalay lagu qabtay  Huteelka Ammbaasaddoor ee magaaladda hargeysa,waxana  lagu maamuusay Munaasibadaasi Casho Sharafeedka ahayd  Safiirka Somaliland u fadhiya dalka SWEDEN Rooda Jaamac Cilmi oo ah aqoon-yahanad reer Somaliland ah isla markaana ka mid ah dadka ugu dhaq dhaqaaqa iyo kartida badan aqoonsi raadinta Qadiyadda  Somaliland ee dalka Sweden iyo qaaradda Yuruba .




DSC00791.JPG




Waxana munaasibada Casha Sharafeedka ahayd ee loo sameeyey Ambbaasoor Rooda Jaamac Cilmi ka soo qaybgalay Haween weynaha Kulmiye iyo inta badan Masuuliyiinta haweenka ee Xukuumadda Xilalka kala duwan ka haya oo ay ka mid ahaayeen dadkii ka soo qaybgalay Casha Sharafeedkaasi,Safiir Rooda Jaamac Cilmi,Wasiir Xigeenka Shaqadda iyo Arimaha Bulshadda Somaliland,Marwo Shugri  X  Xariir,Wasiir ku xigeenka Caafimaadka Nicmo Qawdhan ,La taliyaha dhinaca haweenka Madaxweynaha Marwo Aamaal Xaaji Miisaan,Guddoomiyaha quxuuqul Iinsaanka qaranka Marwo Farxiya X. Xuseen Jaahuur,Maayarkii hore ee Gabiley Marwo Khadra Xaaji Geydh,Xildibaanka golaha deegaanka ee Gabiley Cibaado Maax  iyo guud ahaan haween weynaha Xisbiga Kulmiye.




Casho Sharafeed




Maareeyaha Xafiiska Samafalka ee Wasaaradda Dib u Dejinta Somaliland Marwo Aamina Maxamuud Diiriye oo  iyadu ahayd Masuulka Casha Sharafeedkaasi u sameeyey Safiir Rooda oo ugu horeyn halkaasi ka hadashay waxa hadaladeedii ka mid ahaa “Marka hore waxa aynu halkan uga mahadcelinaynaa Madaxweynaheena qaranka Mudane Axmed Maxamed Maxamuud oo ah Mujaahid hogaamiye ah waxana aynu leenahay ilaahay Cimriga iyo Caafimaadkaba ha u dheereeyo waxana aan leeyahay sida Aduunka looga jecel yahay Aakhirona ha looga jaclaado Bi’idmilaahi kariiim isaga iyo Marwadiisa qaaliga ah ee Aamina Weris-ba,dad badan oo amaan mudan ayaa shira ha u badnaadaanba Qurbo joogeeniye,Waxaana  aynu halkan caawa ku soo dhaweynaynaa Casuumadan aynu u sameynay Safiirkeena qaaliga ah ee Somaliland u fadhiya dalka Sweden Rooda Jaamac Cilmi,malaha dadka badan koodu rooda ma wada yaqaanaane waxa ay ahayd dadkii ololaha Xisbiga Kulmiye ka bilaabay Dibadda ee wax weyn ka soo qaadatay guushii dhinaca dibada waxana aanu leenahay abaalkii wey heshay maadama ay Safiirka tahay dalka Sweden waana qof intii ay xilka Safiirka haysayna waxbadan dalka u qabtay intii hore ee aanu mucaaridka ahayna waxbadan noo soo qabatay marka waxa aanu leenahay ALLE hawsha aad qaranka u hayso ha kaa abaalmiriyo oo ha kuu fududeeyo”




Safiir




 Safiirka Somaliland u fadhiya dalka SWEDEN Rooda Jaamac Cilmi oo ugu dambeyntii halkaasi ka hadashay waxa ay tidhi “Runtii ma qiyaasi karo farxada aan dareemayo waayo haweenkii madaxda ahaaye halkan ka hadlay dhamaantood way I wada amaanayeen runtiina gidigood sharaf ayey wada leeyihiin iyagana mudan oo soo halgamaayey,hadii aan in yar ka yara warama taariikhdii iigu yara horeysay ee aan Somaliland imaado maalintii iigu horeysay ee aan hargeysa Xisbiga Kulmiye labaabkiisa istaagay qofkii iigu horeysay ee aan la kulmay waxa ay ahayd aamina Maxamuud Diiriye waanan xasuusta ilaa imika runtii aad iyo aad ayaan marka ugu faraxsanay Casuumadda ay ii samaysay waayo iyada ayey ahayd markii ugu horeysay qofkii aan arko xiligii aan Kulmiye ku soo biiray waana dadkii halkanka Xisbiga Kulmiye bilaabay iyadu waxana aan leeyahay waad ku mahadsan tahay Casuumadda aad ii fidisay adiga iyo haweenka kale ee Kulmiye iyo Xukuumadduba ”




Waxa sido kale madasha Casho Sharafeedka ah ee Maareeyaha Xafiiska Samafalka Wasaaradda Dib u dejintu u sameey Danjire Rooda Jaamac Cilmi iyaguna halkaasi ka hadlay Haweenka Masuuliyiinta ee magacyadoodu kor ku xusan yihiin oo dhamaantood amaanay Safiir Rooda Jaamac Diiriye iyo kartideeda ay qadiyada Somaliland dalalka Yurub iyo dalka ay Safiirka ka tahay ee Sweden ba ay kaga dhaadhiciso waxanay u rajeeyeen in Ilaahay Xilka ay qaranka Somaliland u hayso u fududeeyo.




Wariye Mr Hudle




Email: editor@gobanimonews.com  




Hargeysa Head Office/Somaliland