Tuesday, April 29, 2014

Wasiir hore oo Dhaliilay kulmiye


Wasiir Cadami: Fule xantiisa ma mooga”




shirweynaha kulmiye silanyo xirsiHargeysa(GNA)-Wasiirkii hore ee Wershadaha Somaliland Maxamed Saleeban Maxamed ayaa Dhaleeceyn Kulul u soo jeediyay Xisbiga Kulmiye, qaabka uu Shirweynaha u qabsaday.




Xisbiga kulmiye ayaa lagu eeddeynayaa inuu jabiyay qawaaniinta Dastuuriga ah iyo Xeerarka Asxaabta Siyaasadda, kaddib markii Ergada Kooto laga dhigay hogaanka Xisbiga Talada haya Kulmiye oo shirweynihiisii saddexaad rafad ku furmay Maanta.




Go’aamo dhawaan lagu xaliyay khilaaf ka dhashay hirdan ka curtay hogaanka Xisbiga, shirweynaha maanta furmay lagu dooranayo, ayaa lagu taliyay inaan Mansabyada sare ee Xisbiga, sida Guddoomiyaha , ku-xigeennada iyo xoghayaha Guud lagu tartami doonin.




Maxamed Saleban ayaa nidaamka noocan ah ku tilmaamay mid docwareen iyo ceeb ku ah geedi socodka Siyaasadda iyo dimuquraadiyada.




Masuulkan ayaa sidoo kale dhaliilay hanaanka lagu soo xulay Ergada Shirka Shirka.




War qoraal ah oo uu soo gaadhsiiyay Gobanimonews ayuu sidoo kale ku xusay in hogaaminta Siyaasaddeed ee xisbigani qas iyo qallooc ku timi, haatana ku socoto.




War ka soo baxay wasiir hore




“Salaan ka dib,waxaa si tooos ah u muuqata in xukuumadda Kulmiye iyo shirweynaha xisbiga Kulmiye qabanyaanba yihiin meel ka dhac iyo gaf si badheedh ah lloogula hanaankii Dawladniumo, Dimquraadiyaddii iyo Dastuurkii ummaddu u codaysay ee Kulmiye ku hantay xukunka dalka. Waxaa lumaya hanaankii  habdhaqankii Dowladnimo ee ahayd in qof la dooran karo isna wax dooran karo, waxaa lagu noqonayaa hab beeleedka ummaddu Dastuurka iyo hannank Dowladdnimo ka samatsatay. Kulmiye wuxuu  la dhashay is-qabsi, wuxuu ku barbaaray is-qabsi, wuxuu hogaanka dalka ku qabsaday boob iyo is-qabsi, wuxuu ka dhaqmaa hadda boob iyo is-qabsi.




waxaa la yidhi “HAL xaaraan ahi nirig xalaal ah ma dhaso, maxaad ka filaysaa mar haddi xaalku yahay:-




1.Hogaan xisbi is sharix imayaan lana dooran maayo




2. Guddomiyaha iyo 4ta ku-xigeen sidooday haanayaan




3. Musharaxa Madaxweyne iyo ku-xigeenkiisuba waan arrin noo qarsoon




4. Habkii Dimoqaraadiyada waa laga guurayaa oo hab beeleedbaa wax loo qaybiyey




Waxaa meel lagaga dhacay hab-dhaqankii Dowladnimo iyo himiladii Ummaddu lahayd ee loo soo halgamay, waxayna Somaliland maanta u baahan tahay in laga badbaadiyo cisaabadan kulmiye




Mohamed Suleiman MohamedMaxamed-Saleebaan-wayne-Wasiirka-Wershadaha-somaliland




Wasiirkii Hore ee Wershadaha JSL.




Sidaa ayuu ku sheegay qoraalkiisa.




Xukuumadda Siilaanyo” Fule Xantiisa ma mooga”




Ma jiro  war rasmi ah oo ka soo baxay dhanka xukuumadda oo eeddan masuulkna looga jawaabayo, laakiinse wasiirka Gaashaan-dhiga Xukuumadda Siilaanyo oo maanta ka hadlay xaflada shirka lagu furay ayaa caddeeyay inay dadka u muuqdaan ceebo badan oo Shirkaasi hadheeyay.




Axmed Xaaji Cali Caddami, ayaa sheegay in hadana fool xumo kasta oo shirka ka muuqata, lagaga bugsanayo qabsoomidiisa.




“waxa maanta guul inoo ah inuu shirkii kulmiye oo dadka qaar Fool-xummooyin badan ku sheegayaan qabsoomo”ayuu yidhi Cadami.




Siyaasiga dhaliilay Xisbiga Kulmiye ayaa ka tirsanaa Xukuumaddii Rayaale.




Saleban Cabdi Cali




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: curad1986@gobanimonews.com