Sunday, April 27, 2014

Xaglo-toosiye oo xidh-xidhay Xisbiyahano Reer Buuhoodle ah iyo Gaafaadhi oo laga madnuucay Kulmiye


Maxamed Kaahin oo Xasan Gaafaadhi ka madnuucay xarunta kulmiye iyo Xaglo-toosiye oo xidh-xidhay 7 siyaasi oo reer Buuhoodle ah oo kulmiye kula dhex dagaalamay…




XagloHargeysa(GNA)-Ciidamadda Bilayska ee Magaalada Hargeysa ayaa xabsiga u taxaabay ugu yaraan todoba xubnood oo ka mid ah siyaasiiyiinta Reer Buuhoodle ee xukuumada Somaliland iyo xisbiga talada haya ee Kulmiye ka tirsan.




Siyaasiyiintan ayaa la xidh-xidhay, kaddib markii Maanta muran gacan ka hadal dhaliyay ku dhex maray xarunta Xisbiga Talada haya ee Kulmiye oo ay meel xaasaasiya marayso xaaladiisu,buuq badan iyo jahawareerna ka taaganyahay diyaarinta Ergooyin beeleedyada loo qoondaynayo inay ka qayb galaan shirweynihiisa.




Wasiir Xaglotoosiye oo la feedhay, ayaa xidh-xidhay siyaasiyiinta




Xarunta Xisbiga kulmiye ayaa maanta waxa ka dhacay muran iyo dagaal gacanta laysula tegay oo dhex maray siyaasiyiin ergooyin kala duwan u soo gudbiyay xisbiga.




Wasiirka Caafimaadka Somaliland Saleban Ciise Axmed (Xaglo-toosiye), ayaa waxa xarunta Xisbiga ku dhex dhirbaaxay mid ka mid ah Koox Siyaasiyiin ah oo ay isku maandhaafeen ergooyinka ay xisbiga u gudbinayaan.




Wariyeyaal ka tirsan Gobanimonews oo goob-joogeyaal ahaa markii gacan ka hadalkaasi dhacay, ayaa arkayay, Nin waddaad ah oo  wasiirka gacanta u qaaday, kaasoo ay Ciidanka Bilaysku markiiba gacanta ku dhigeen isla markaana xabsiga u taxaabeen, isaga iyo xubno kale oo siyaasiyiin ah.




Ninka Wasiirka Dhirbaaxay ayaa lagu sheegay inuu ahaa Shariif Ibraahim Cumar (Shariif waal) oo ka mid ah  11 xubnood ee Guddida Cadaaladda Somaliland.




Shariif Waal iyo xubno siyaasiyiin ah oo kale oo ay ka mid yihiin Xildhibaan Dhakool, Cabdirashiid Ducaale Qambi (Raaf)  iyo xubno kale oo siyaasiyiin ah ayaa bilaysku taxaabeen, kaddib markii Wasiir Xaglo-toosiye amar ku bixiyay in la xidh-xidho.




Todobada xubnood ee la xaqiijiyay in la xidhay oo saldhiga Kood-buur lagu xidhay maanta, ayaa la sheegay in lix ka mid ah caawa la soo daayay, halka Shariif Ibraahim Cumar sida la sheegay uu halkaasi ku xidhanyahay  wali.




Saraakiil ka tirsan Xisbiga kulmiye iyo ilo-wareedyo kale oo madaxbanaan ayaa gobanimo u xaqiijiyay in Shariif-waal  caawa Saldhiga u hoyday, halka xubnaha kale layska soo daayay caawa, kaddib markii ay arrintan maanta ka dhacday xarunta Xisbigu caawa gaadhay Madaxtooyada.




Ninkan xidhan oo ah xubin ka tirsan Guddida sare ee Cadaaladda ee heer qaran, ayaa la sheegay inuu u xidhanyahay Wasiirka Caafimaadka Saleban Xaglo-toosiye, kaasoo markii ay askartu qabatay ku amray inaanay soo dayn ilaa uu isagu cafiyo.




Dagaal kale oo dhex maray laba xubnood oo kale




Dhanka kale, waxa saaka xarunta Xisbiga kulmiye ku dhex dagaalamay Xildhibaan ka tirsan Golaha Wakiillada iyo Guddoomiyaha Guddida Qabanqaabada Shirweynaha Xisbiga kulmiye  Abokor Xaamud Jibriil.




Labadan xubnood ayaa iyaguna sida la aaminsanyahay isku maandhaafay ergada Gobolka Awdal ee la soo gudbiyay oo markii dambe maanta dib loo celiyay.




Labadan Nin ayaa iyaguna Feedh isla dhacay waxaana soo kala gaadhay dhaawac xildhibaanka Afka ka soo gaadhay.




Maxamed Kaahin oo Xasan Gaafaadhi ka madnuucay xarunta Xisbiga




Gaafaadhi iyo KaahinDhinaca kale waxay fiintu dhex miranaysaa guddoomiye ku-xigeenka Xisbiga Kulmiye Maxamed Kaahin iyo Musharaxa Jagadaasi isu soo taagay shirweynaha qabanqaabadiisa lagu jiro Xasan  Gaafaadhi.




Maxamed Kaahin ayaa si adag uga biyo diidsan Musharaxnimada Xasan Gaafaadhi oo dhawaan Xisbigaasi ku soo biiray, ka dib markii uu hadhay Ururkii uu kaga qayb-galay Doorashooyinkii Golleyaasha Deegaanka ee Rays.




Sida ay sheegayaan warar xogogaal ah oo xisbiga aanu ka helnay Maxamed Kaahin ayaa Xasan Gaafaadhi ka saaray Liiska Ergada Shirka ka qayb-gelaysa.




Waxa kale oo la sheegay inuu ka madnuucay xarunta dhexe ee Xisbiga inay yimaadaan isaga iyo wasiirro xukuumadda ka tirsan oo dabada ka  riixayaa.




Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Xasan Gaafaadhi oo arrintan la xidhiidhaa, noomanay suurto gelin inaanu helno xubnaha hogaanka Xisbiga oo aanu isku daynay inaanu dhacdooyinkan maanta dhacay wax ka waydiino.




Hase yeeshee arrimahan ayaa imanaya xili laba maalmood inaga xigto wakhtiga ay Guddida qabanqaabada shirweynuhu u cayimeen qabsoomida Shirka.




Guddida ayaa iclaamisay todobaadkii hore in 28 April uu furmayo Shirweynuhu.




Laakiinse waxa muuqata inaanay taasi marna suurto gal ahayn.




Waxaana la sheegay in hogaanka Xisbigu Guddida qabanqaabada hore ugu canaantay ku dhawaaqista Muddadan gabaabsiga ah oo aan ahayn mid hogaanka Xisbiga lagala tashaday.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com