Saturday, April 26, 2014

Robbin Van Persie Oo Kusoo Laabtay Tababarka Man United.

Weeraryahankaan ayaa kusoo bogsooday Netherlands ayaa kusoo laabtay tababarka kooxda, isagoo garoomada kusoo noqon doono kahor dhamaadka xilli ciyaareedka, Weeararyahanka Manchester United ayaa lakowsaday tababarkii ugu horeeyay ee Giggs isagoo macalin u ah kooxda siiyo maalintii shalay, ciyaaryahankaan ayaa dhaawac jilibka looga saaray kulankii Bayern Munich (1-1) ee Old Trafford lugti hore ee wareega 8da Champions League, isagoo kadib dawo uraadsaday wadankiisa Netherlands, waxaana shaki lagalinayey inuu kasoo qeybgali kariin koobka adduunka.

Weeraryahankii hore ee Arsenal ayaa tababarka kusoo noqday, waxaana saxaafaddu sheegeysaa inuu kufaraxsanaa in Moyes kooxda katagay oo uusan ku qanacsaneen qaabka uu umaamuli jiray ciyaaraha, Van Persie ayaa lafilayaa inuu garoomada kusoo noqday inta uusan dhammaan xilli ciyaareedka.


Taniyo bilowgii April wuxuu ku maqnaa wadankiisa, isagoo jimcadii kusoo noqday tababarka maalmo kadib markii laceyriyey tababarihii kooxda David Moyes, waana xiisadii ugu horeesay ee tababarada kooxda uu kaqeybqaato weeraryahankaan.