Friday, April 25, 2014

Madaxweyne Siilaanyo oo booqanaya Biyo-kulule! 'Berbera'


Daawo: boqolaal qof oo maalin walba Daaweyn Caafimaad u doonta Il-biyoodyo ay ka soo maaxdaan biyo diiran oo dadku ku buskado deegaankan.!




biyokullelBerbera(GNA)-Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa booqasho khaas ah ku jooga Magaalo xeebeedka Berbera ee gobolka Saaxil, waxaana wehelinaya Marwaddisa iyo Saraakiil ciidan.




Gelinkii dambe ee Maanta ayaa Madaxweyne Siilaanyo soo gaadhay Berbera, waxaanu Tamashle iyo dabaal ku tegay meello ka mid ah Xeeliga Badda Berbera oo uu bishii hore socdaalkiisii Gobollada uu ku sii dabaashay.




Madaxweynaha iyo qoyskiisa ayaa caawa u hoyday Aqalka Madaxtooyada ee Magaalada Berbera, iyagoo aan wali wax tafaasiil ah ka bixin ujeedada Safarkooda.




Saraakiisha dawladda ayaa sheegay in safarka madaxweynuhu uu yahay mid shakhsi ah oo aan wax hawl shaqo ah xidhiidh la lahayn, isla markaana uu nasasho ku joogayo Magaalada ilaa Jimcaha Beri.




Madaxda dawladda ee heer Gobol ayaa kulaalaya Madaxweynaha jimcaha beri oo ay awal hore Magaalada Hargeysa iman jireen, iyagoo maalinta Fasax ah hargeysa kula nasan jiray qoysaskooda oo intooda badan ay  degenyihiin Hargeysa.




Madaxweyne Siilaanyo ayaa sida la sheegay maalinta Berri booqanaya Deegaanka biyo Kulule oo ilaa 18km dhinaca Bari kaga beegan Magaalada Berbera ee xarunta Gobolka Sool .




Biyo Kulule ayaa ka tirsan deegaan Biyo guure, waxaana ku yaala Ilo biyoodyo dur-dur ah oo  ay sanad kasta daaweyn caafimaad iyo dalxiis u booqdaan boqolaal qof oo meelo fog-fog isaga yimaaddo.




Dur-dur biyoodyo ay ka soo burqadaan biyo diirimad ah ayaa dadka goobtaas tagaa ku dabaashaan, iyagoo ka raadinaya daawo, sidaa waxa sheegay mid ka mid ah dadka deegaankan ku nool.




Daawo Warbixin hore oo laga diyaariyay Biyo-kulule:




https://www.youtube.com/watch?v=7RwivARF8TY




sida ay Gobanimonews u xaqiijiyeen ilo-wareedyo u dhuun daloola safarka madaxweynuhu, waxa la filayaa in isaga iyo xubnaha la socdaa booqdaan halkaasi, laakiinse lama caddeyn ujeeddada uu u tegayo.




Ilo-wareedyada qaarkood ayaa tilmaamaya inuu isaga laftiisu baahi caafimaad u tegayo, isla markaana uu ku soo dabaalan doono.




Madaxweynaha ayaa hadii uu tago waxa uu indhihiisa ku soo arki doonaa mucjisooyin badan oo deegaankani ku caanbaxay, khaasatan dad badan oo ay dhakhtar u noqdeen biyo ka soo baxaya Il biyood oo aan Gu’ iyo jilaal kala go’ayn.




Dhanka kale, arrimo dhanka dhaqanka iyo Asluubta aan u wanaagsanayn oo halkaasi ka dhaca, ayaa ka mid ah dhacdooyinka indhaha qof kasta ku cusub marka uu deegaanka booqdo, madaxweynuhuna waajihi doono.




Arrimahaasi waxa ka mid ah meelaha ay ku dabaashaan Raga iyo Dumarku oo aan kala xidhnayn ama isu muuqda, taasoo dadka badankiisu ay dhawr jeer ku cel-celiyeen in loo sameeyo dayr ama wax kala xidha.




Gobanimonews




Berbera Office




Email; editor@gobanimonews.com