Monday, April 28, 2014

Maxaa Ka Jira Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Codsi Uu Goor Dhawayd Ku Dalbaday In Dib Loo Dhigo Qabsoomidda Shir-weynaha Bari Furmaya Ay Gaashaanka Ku Dhufteen Hogaanka Sare Ee Xisbigu


Warku waxa kale oo intaa ku daray codsiga Madaxweyne ku xigeenka ay gaashaanka ku dhufteen hogaanka sare ee Xisbiga KULMIYE, oo cadeeyay in aanay suurtagal ahayn




 




Hargeisa- Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland ayaa lagu soo waramayaa in uu ka codsaday hogaanka sare ee xisbul xaakimka KULMIYE, in dib loo dhigo shirweynaha Seddexaad ee xisbiga ee lagu wado in uu beri si rasmi ah uga furmo magaalada Hargeysa.




Illo wareedyo xogoggal ah oo u dhuun dalloola arrimahan ayaa Hadhwanaagnews u sheegay in Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici, uu geed dheer iyo geed gaaban-ba uu u fuulay oo uu si isdaba jog ah ugu baryootamay in dib loo dhigo shirka xisbiga ee beri furmaya, isaga oo dooday in saami qeybsigii ergooyinka beeshiisa aan weli lgu heshiin oo muran aad weyni uu ka taagan yahay.




Warku waxa kale oo intaa ku daray codsiga Madaxweyne ku xigeenka ay gaashaanka ku dhufteen hogaanka sare ee Xisbiga KULMIYE, oo cadeeyay in aanay suurtagal ahayn marnaba in shirka xisbiga ee bari furmaya aan dib loogu dhigayn codsiga uu Madaxweyane ku xigeenku ka dalbaday, sidaana uu ku furmi doono beri.




waxa jira beelo door ah oo ku muransan saami qeybsiga ergooyinka beelahaa uga qeyb galaya shir weynaha Seddexaad ee xisbiga, kuwaas oo sidoo kale u muuqda in aan loo joojin doonin furitaanka shirweynaha xisbiga ee beri furmaya. Waxaana si weyn caawa looga dareemayaa magaalada Hargeisa qabanqaabadda shir weynaha Seddexaad ee xisbul xaakimka beri ka furmaya Hargeisa.




Si kastaba ha ahaatee, lama oga saamaynta ay ku yeelan doonto qabsoomida shir-weynaha Seddexaad ee xisbiga ee la qoondeeyay in uu beri furmo dalabkan laga diiday Madaxweyne ku xigeenka




Source: Hadhwanaagnews