Saturday, April 26, 2014

Sucuudiga Oo u Hanjabay Hawada U mariyay Dawladda Kenya


Nairobi(GNA) – Dawladda Sucuudiga ayaa hadal hanjabaad ah u marisay hawada dawladda Kenya kadib markii Safaaradda dawlada Sacuudiga ee dalka Kenya  ay beenisay in ruux u dhashay dalka Sacuudiga oo shalay booliska ka qabteen jaziiradda Lamu ee dalka Kenya inuu doonayay inuu ku biro Al-Shabab.




Ku xigeenka safiirka Sacuudiga ee Kenya Ibraahim Barnawe ayaa asagoo ku sugan magaalada Mombasa si uu soo daayo muwaadinka Sacuudiyaanka ah ayaa waxaa uu sheegay in hay’adaha amaanka Kenya ay ku qaldameen ruuxaas isla markaana uusan doonayn inuu Soomaaliya soo aado kuna biiro Al-Shabab.




Mas’uulkaan ka tirsan safaaradda Sacuudiga ee Kenya waxaa uu sheegay in ninka ay ciidamada Kenya xireen uu yahay arday wax ka baranayay dalka Holland dalka Kenya uu u tagay dalxiis sida uu yiri waxaana uu beeniyay in haba yaraatee uu wax xiriir ah la leeyahay Xarakadda Al-Shabab oo Soomaaliya ka aas aasan.




“Waxaan doonayaa inaan cadeeyo in Axmed Hanas uusan Al-Shabab aheyn oo uu yahay muwaadin dalxiis Kenya u tagay xaq ayuuna u leeyahay in dalxiise walba uu Lamu tago waa arday Sacuudiyaan ah oo Holland ka yimid” ayuu yiri Ibraahim Bernawe oo ah ku xigeenka safiirka Sacuudiga ee dalka Kenya.




Saraakiisha dalka Kenya ayaa shalay sheegay in jaziiradda loo dalxiis tago ee Lamu ay qabteen nin u dhashay dalka Sacuudiga oo ay sheegeen inuu doonayay inuu usoo gudbo dhanka Soomaaliya si uu Al-Shabab ugu biiro.