Wednesday, April 30, 2014

Xaflada Xuska 18 May ee Gobolka Seattle Washington iyo Masuuliyiin ka qayb gelaya


Fanaanada Hodan Cabdiraxmaan Dheere iyo Hoobalo kale oo ka heesi doona…




WASHINTTONMunaasibad lagu xusayo sanad guurada 23-aad ee gooni-isutaaga Somaliland ayaa lagu qabanayaa Seattle Washington ee dalka Maraykanka.




Xafladan oo ay qabanqaabinayaan Jaaliyada Somaliland ee Gobolkaasi degen oo uu hogaaminayo  Mujaahid Caydaruus Maxamuud Yuusuf oo ah Guddoomiyaha Guddida qabanqaabinaysa munaasibadaasi,ayaa waxa ka qayb-gelaya Masuuliyiin ka socda Xukuumadda Somaliland oo dhawaan dalka ka dhoofi doona.




Xubno ka mid ah Guddida qabanqaabada ayaa Gobanimonews u sheegay inay hawsha diyaarintu meel wanaagsan u marayso, isla markaana ay hada ku gudo jiraan u diyaar garowga soo dhaweynta Madaxda kala qayb-gelaysa.




Xaflada ayaa dhacaysa hadii alle ka dhigo, Habeenka Sabtida ee 17 Bisha oo ay soo gelayso Axad 18 May, waxaana ka qayb gelaya Fanaaniin caan ah oo ay ka mid yihiin Hodan Cabdiraxmaan Dheere iyo Caydaruus Maxamuud.




Fanaaniintaasi ayaa goobta ka qaadi doona Heeso badan oo Waddani ah, sida uu sheegay Guddoomaha Guddida qabanqaabada Muj. Caydaruus.




Haddaba mawaadin hadaad joogto Gobolka Seattle Washington ama Gobollada kale ee u dhow haka maqnaan Habeenkaas inaad u dabaal degto Maalinta Qaranimada dalkaaga ee 18 May.




Gobanimonews




London Office




Email: editor@gobanimonews.com