Monday, April 28, 2014

Jaamacadda Beder Ee Caalamiga Ah Oo Tabar U Soo Xidhay 46 Hablood Macalimiin Ah


Jaamacadda Caamalamiga Ah Ee Beder Ayaa Maanta Usoo Gaba-Gabeyse Tababar Usocday Hablo Macalimiin Ah Kuwaas Oo Tiradooda Ahayd 46 Hablood.




Munaasibada Shahaadooyinka Lagu Guddoon Siinayey Dumarkan Macalimiinta Ah Ayaa Waxa Kasoo Qayb Galay Guddoomiyaha Jaamacadda Beder Guddoomiye Ku Xigeenka Jaamacadda Sheekh Aabi Maxamed Isuduwaha Wasaarada Diinta Iyo Aw Qaafta Somaliland Sheekh Maxamed Ibraahin Jaamac Iyo Culimo Badan.

















Ugu Horen Waxa Munaasibada Ka Hadlay Guddoomiyaha Jaamacadda Caalamiga Ah Ee Beder Oo Ku Dheeraaday Kaalinta Ay Haweenka Macalimiinta Ah Kaga Jiraa Bulshada Somaliland,Waxaana Uu Sheegay In Ay Bulshadu U Baahan Tahay Dumur Macalimiin Ah Kuwaas Oo Kaabaya Ayaa Uu Yidhi Bulshada Somaliland Waxaana

 




 



“Dumarka Macalimiinta Ah Waxa Ay Bulshada Kaga Jiraan Kaalin Muhiim Ah Waxaana Loo Baahan Yahay In La Helo Dumar Badan Oo Macalimiin Taas Oo Ay Bulshaduna U Baahan Tahay.

















Dhinac Kale Waxa Isna Halkaasi Ka Hadlay Guddoomiye Ku Xigeenka Jaamacadda Caalamiga Ah Ee Beder Sheekh Aabi Cali Maxamed Waxaana Isna Ku Nuux-Nuuxsaday Ahmiyada Macalimiinta Heer Kasta Leh ee Ay Dalka Kusoo Kordhin Karaa Waxaana Uu Yidhi”




“Dumar Da’yar Oo Macalimiin Ah Dalka Ayaa Maanta U Baahan Jaamacadda Beder Waxa Ay Markasta Iyana U Taagan Tahay Sidii Ay Kaal Laxaadleh Uga Qaadan Lahayd Ardayda Haweenka Waxaana  Jaamacaddu Beder Inta  Badan Dhiiri Galisaa Dumarka Haweenka Ah Si Ay Haweenku Ugu Qayb Qaataan Kobcinta Dalka Somaliland.

















Sidoo Kale Waxa Isna Halkaasi Ka Hadlay Isuduwaha Wasaarada Diinta Iyo Aw Qaafta Somaliland Sheekh Maxamed Ibraahin Jaamac Oo Ku Amaanay Jaamacadda Beder Kaalinta Laxaadka Leh Ay Ka Qaadato Kobcinta Aqoonta Dumarka Somaliland Waxaana Uu Yidhi”




“Waxaan Marka Hore Halkan Ugu Mahad Naqayaa Jaamacadda Caalamiga Ah Ee Beder Oo Kaalin Laxaadka Leh Markasta Ka Qaadato Horumarka Lataaban Karo Ee Ay Dalka Kusoo Kordhiso Taas Oo Ay Tusaale U Tahay Maanta Aynu Halkan Ku Guddoonsiinayno 46 Haween Ah Oo Macalimiin.

















Gabo-Gabadii Waxa Soo Gunaanaday Munaasibadaasi Sheekh Cabdiraxmaan Aadan Cige Oo Ah Madaxa Mashaariicda Ee Haay’adda Qarni Ifriiqiya Oo Isna Dhankiisa U Mahad Naqay Jaamacada Beder Kaalinta Ay Haweenka Macalimiinta Ah Ka Qaadato.