Sunday, April 27, 2014

Ra'isal Wasaarihii Koonfurta Korea Oo Is Casilay


(GNA) Raysalwasaarihii dalka koonfurta Korea ayaa lagu soo waramayaa in uu is casilay maanta. is casilaada raysalwasaaraha ayaa dabada ku haysa dhacdadii dhawaan ka dhacday ee markabkii ardayda yaryari saarnayd ee quusay bada ee ay saarnayeen arday tiradoodu ahayd 500 waxaana ku dhintay masiibadaa ilaa 300 oo caruur ahaa.




ra'salwasaaraha koonfurta Korea Chung Hong-Won ayaa isu casilay eedahaa bulshada dalkaas kaga imanaayay waxaanu maanta ku dhawaaqay in uu gabi ahaanba uu iska casilay xilkii uu qaranka u hayay isaga oo sheegay in uu aad uga xun yahay masiibadan oo uu wax ka qaban kari waayay