Saturday, April 26, 2014

Madaxweyne Siilaanyo Oo Saaka Dadweynaha Reer Berbera La Tukaday Salaada Roobdoonta(Dhageyso)


(BERBERA)"Waxaan Illaahay ka baryayaa inuu ducadeena aqbalo waxaynu nahay dad xoolo dhaqato ah oo roobka baahi weyn u qaba" waxa sidaasi Goobtii salaada Roob-doonta lagu tukaday ka yidhi Madaxweynaha Qaranka Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo.




Salaada roobdoontaBerbera(GNA) -Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo Ayaa Saaka Saalada Roob doonta La Tukaday Dadweynaha Reer Berbera Oo isugu Soo Baxay Barxada Lagu Tukado Salaada Cida waxaana Madaxweynaha halkaasi ku wehelinayay Masuuliyiinta Badhasaabka gobolka Saxil, Maayarka Berbera iyo Maareeyaha Dekeda Berbera ENg Cali Xoor Xoor iyo Xubno la socday Madaxweynaha Oo uu Kamid yahay Taliyayaasha Ciidanka Policeka iyo Xeebaha ee Somaliland , Xoghayaha gaar ah ee Madaxweynaha, iyo Maareeyaha Tvga Qaranka iyo Xubno kale.




Madaxweynaha Jamhuuriyada Somalilamd Md Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo Oo Halkaasi kala Hadlay Dadweynaha Reer Berbera ayaa illaahay ka baryay in roob degdeg ah inoo shubo waxaanu hoosta ka xariiqay in bulshada somaliland ay tahay bulsho xoolo dhaqato iyo beeralay ah oo baahi weyn u qabto roobka waxaanu halkaasi ugu duceeyey dadka reer somaliland oo dhan isagoo illaahay ka rajeeyey roob kheyr badan oo bilaa dhib ah.




Sidoo kalena Culimada Magaalada Berbera ayaa halkaasi kasoo jeediyey khudbado diini ah oo ay kaga hadlayeen in lasasaamaxo iyo ilaahay loo toobadkeeno culimadaasi oo ay kamid ahaayeen Sheekh Saleebaan Sacid Cali iyo Sheekh Muuse Abyan oo ka waramay doorka diinteena ee in la tukado salaada Roob doonta ah ee illaahay lagaga baryayo roobka iyo naxariistiisa maadaama dalka abaaro ka jiraan.




Madaxweyne Siilaanyo ayaa dadka reer Berbera slaan gacan haadis ah ku dhexmaray markii laga baxay salaada waxaanay siweyn usoo dhaweeyeen madaxweynaha oo mudo sedex maalmood socdaal shakhsi ah ku jooga magaalada berbera halkaasi oo uu maalintii shalay dadka reer berbera la tukaday slaadii jimcaha.




Halkan Ka dhageyso:[audio mp3="http://www.gobanimonews.com/wp-content/uploads/silanyo-salada.mp3"][/audio]