Sunday, April 27, 2014

Tartan Ciyaareedyo Ugub ku ah Ceerigaabo


1781914_769842253043487_245925804_nCeerigaabo(GNA)Dhowaan ayay ahayd markii Wasiirka Ciyaaraha Mudane Cali Siciid Raygal Xilka ka qaaday isuduwihii hore Wasaaradda Dhalinta Ciyaaraha Iyo Dalxiiska Gobolka Sanaag Madar Ducaale Xasan isla markaana xilka Loo Cimaamaday Isu Duwaha Cusub Maxamed Siciid Saalax Dhegayare.




Dhalinyarada gobolka Sanaag ayaa xiligaasi Dareen isku mid ah kusoo dhoweeyay in Wasaradu taariikhda abid umagacawdo isu duwe dhalinyaro ah door laxaad lehna ka qaatay taageerida iyo gacan qabashada Da'yarta gobolkaasi




Intii uu xilka hayay Isu Duwaha cusub Mudane Maxamed Siciid Saalax Dhegayare ayaa si hagar la'aan ah udar dar geliyay Hawlaha Wasaarada.




Waxana ka qabsoomay Magaalada Ceerigaabo tartano kala duwan iyadoona Taarikhda abid dhalinyaradda Gobolkaasi Wasaaraddu uqabto Tartanka Orodka 5Km Ilaa 10-Ka Km.




Tartankaasi ayaa ah kamid ah talaaboyinka horumarka leh ee durba gobolka ka taaba geliyay isu duwe Maxamed Dhegayare. 1546351_769845946376451_2141268821_n