Tuesday, April 29, 2014

Madaxweyneha oo kormeeray Mashaariic Dawladda Emaraadku dhisayso


Muqdisho(GNA)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kormeeray Xarumo cusub oo ka mid ah mashaariicda lagu horumarinayo dalka kuwaasi oo ay Dowladda Imaraadka Carabta ka hirgelineyso gudaha Muqdisho.




Madaxweyne Xasan Sheekh oo ay la socdaan Taliyayaasha Ciiidamadda Meleteriga iyo Nabad-Sugida iyo Safiirka Dowladda Imraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya ayaa tegay xarun cusub oo lagu tababari doono Ciidamadda Xooga Dalka Soomaaliya taasi oo ay hitgelineyso Dowladda Imaraadka Carabta.




Xarunta cusub ee uu dhismaheedu socdo ayaa markiiba waxaa tabababar ku qaadan kara 12,00 oo askari oo leh, jiifkooda, xarun waxbarasho, goobo lagu cunteeyo, Masaajid, meel gaar ah oo ay ciidamadda dabridku ku sameyaan iyo Xarun caafimaad.




Madaxweynaha ayaa intii uu halkaasi ku sugnaa la hadlay boqolaal qof Soomaaliyeed oo ka shaqeynaya dhismaha xarunta cusub ayaa yiri “ Mashaariicda horumarineed ee dalka ka socota waa bilow, kuwa ka waa-weyn ayaa soo socda oo aan dooneyno inay dad badan shaqo ka helaan si shaqo la’aanta meesha uga baxdo, Idinku hadda fursad shaqo ayaad ka hesheen dhismahaan aad wadaan dalkana dhismahiisa waad ka qeyb qaadaneysaan”.




Sidoo kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kormeeray Isbitaal cusub oo ay dowladda Imaaraadka Carabta ka hirgelisay Degmadda C/Casiis ayaa mahad ballaaran u jeediyey Dowladda Imaaraadka Carabta.




Abdul Hamid Suleiman oo ah Madaxa Mashaariicda Dowladda Imaraadka ay ka wado dalka ayaa uga warbixiyey Madaxweynaha Maashaariicdan Horumarineed ayaa sheegay in isbitaalka maalintii uu la tacaali karo 500 bukaan ah.




Isbitaalka iyo Xarunta Tababar Ciidamadda Xoogga ayaa waxaa ku baxaya qaraash dhan $9 million oo Dollarka Mareykanka ah, waxayna dib u howl bilaabi doonaan labadda xarumoodaba muddo Afar bil gudood.