Dhegeyso: Agaasime Waaxeedyo si cadho leh uga jawaabay Dhaliilo uu soo jeediyay Macalin Xaqul dirir ah oo Wasaaradda 16 Su'aalood hor dhigay..
Hargeysa(GNA)Cabdilaahi Ismaaciil Diiriye madaxa waaxda tababarada iyo Manaahiijta ee Wasaaradda Waxbarashada Somaliland iyo madax qaybta qorsheynta ee iska xafiiska Manaahiijta ayaa si kulul uga jawaabay eeddeymo looga soo jeediyay gol-dalloolooyin lagu sheegay buugaagta waxbarashada ee silibiska Dawladda.
Labadan sarkaal ayaa war ay warbaahinta siiyeen kaga jawaabay dhaliilo xubno ka mida Macalimiinta waxbarashada uga timi todobaadkii hore, taasoo wax lagaga sheegay habka ay u qoranyihiin buugaagta culuumta Bulshada iyo Taariikhda oo sida la sheegay Taariikhda SNM laga saaray.
Cabdillaahi Diiriye Ismaaciil iyo Axmed Cumar ayaa sidoo kale been abuur ku tilmaamay waxyaabo kale oo laga sheegay Manhajka, khaasatan in diinta Kiristanka lagu faafiyo Manhajka dawladda Somaliland iyo in Taariikhdii Siyaad Barre lagu dhigo dugsiyada.
“ wali Buuggaagtii Afsoomaaliga ee dawladdii Siyaad Barre lagama guurin, laakiinse waxay macalimiintu ku shaqeeyaan Sylubbes Outline lagu daray, buugaasna dhakhso ayaa loo qorayaa” sidaasi waxa yidhi Cabdilaahi Ismaaciil Diiriye oo ah Madaxa Waaxda Tababarada iyo Mannaahiijta Wasaaradda Waxbarashda.
Waxaanu intaasi ku daray “ma jirto meel diinta Kiristanka lagaga faafiyo Manhajka waxbarashada Somaliland, markaa waxaad dareemaysaa inaanu Ninka Siciid Maxamuud Gahayr la yidhaahdaa aqoon u lahayn waxa uu ka hadlayo ee uu warbaahinta ku qoray”ayuu yidhi.
Halkan ka dhegeyso:[audio mp3="http://www.gobanimonews.com/wp-content/uploads/fojar2.mp3"][/audio]
Madaxa qorsheynta ee Xafiiska Manaahiijta Axmed Cumar ayaa isaguna caddeeyay in dhamaan buuggaagta waxbarashada ee Cilmiga Bulshada lagu muujiyay cutubyo ka mida Taariikhdii Halganka iyo Xasuuqii loo geystay shacbiga Gobollada Somaliland xiligii dawladdii Milateriga ahayd “dhamaan Buuggagta Manhajka Waxbarashada way ku jiraan xasuuqyadii ka dhacay Somaliland xiligii dawladdii siyaad barre”ayuu yidhi.
Waxaanu sarkaalkani intaasi ku daray in wax ka bedel iyo dib u eegis lagu samaynayo Manhajka iyo buugaagta la dhaliilay qaarkood , waxaanu yidhi “Dhamaan buugaagta manhajka waxa lagu samaynayaa dib u eegis, dadka reer Somalilandna waxa loogu muujin doonaa halgankii ay la galeen macangag Siyaad Barre”.
Dhegeyso:[audio mp3="http://www.gobanimonews.com/wp-content/uploads/fojari1.mp3"][/audio]
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com