Monday, April 28, 2014

Muuse Biixi oo Jeebkiisa ka bixiyay Lacagta Shirweynaha kulmiye oo xukuumadda Shardi ku xidhay


Qaybinta Kaadhadhka Ergooyinka oo bilaabmay iyo Xukuumadda dalbatay in afar Maalmood shirka dib loogu dhigo..GNA




muuse-biixi1Hargeysa(GNA)-Kaadhadhka Ergooyinka Shirweynaha Xisbiga kulmiye loogu talo-galay ayaa goor dhaweyd soo gaadhay xarunta Xisbiga, waxaana bilaabantay qaybintooda, Ergay sidaa ayaa Gobanimo u sheegay.




Guddoomiyaha Xisbigaasi Muuse Biixi Cabdi ayaa la sheegay inuu caawa Guntiga dhiisha iskaga dhigay sidii uu shirweynaha beri loo muddeeyay uga baajin lahaa dib dhac ku yimaadda, ka dib markii xukuumadda oo Madaxweyne Siilaanyo hormuud ka yahay dalbadeen in dhawr maalmood dib loo dhigo, sababo dhanka dhaqaalaha iyo farsamada ah awgood.




Madaxweyne Siilaanyo, ku-xigeenkiisa iyo Golaha Wasiirrada ayaa ka dalbaday hogaanka Xisbiga in dib loo dhigo shirka muddo afar maalmood aan ka badnayn, waxaanay ku dooddeen inaan lacagtii Shirka ee Ergooyinka iyo waxyaabaha kale ee daruuriga ah wali xukuumaddu aanay gacanta ku haynin.




Lacagta Shirweynaha ku baxaysa ayaa hore loogu qiimeeyey Hal Milyan oo doolar iyo qadar ku dhadhow, taasoo xukuumadda laga sugayay inay bixiso.




Muuse Biixi ayaa markii ay xukuumaddu soo jeedisay in shirka dib loogu arrinta dhaqaalaha awgeed, caddeeyay inuu lacagta jeebkiisa ka sii bixinayo, si aanu shirku mar dambe u baaqan, ilowareedyo xogogaal ah ayaa Gobanimonews u xaqiijiyay, kaddib kulan caawa ka dhacay Madaxtooyada oo dhinacyadu yeesheen.




Guddoomiye Biixi oo dan weyni ugu jirto in shirkan xumaddiisu dhamaato, ayaa la sheegay inuu bixiyay lacagta Kaadhadhka lagu soo qaaday iyo ugu yaraan lacagta ku baxaysa furitaank Shirka Berri, inkasta oo aan caddad go’an la sheegin.




“goor dhaweyd ayuu soo qaaday Kaadhadhkii,  lacagtii Shirka ku baxaysayna wuu ku wareejiyay Guddida qaban-qaabada”sidaasi waxa Gobanimonews u sheegay xubin sare oo xisbiga ka tirsan.




Shirkan ayaa dhadhan ahaan aan micno badan samaynay, isla markaana loo arkaa kulan aan xalad siyaasaddeed oo miisaan leh aan lahayn.




“waa Sibinaar uun ee wax micno ah oo uu samaynayaa ma jirto”sidaasi waxa yidhi Xisbiyahan hore oo hadlay.




Xisbiyada mucaaridka ayaa ku tilmaamay shir-beeleed.




Dadka Sharciga ixtiraama ayaa aaminsan inay khaladdaad badani ku jiraan shirweynaha Xisbiga.




La soco wixii war ka soo kordha…




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com