Monday, April 28, 2014

Shirweynaha Kulmiye oo lagu dhaleeceeyay "Shaqaalaha Dawladda" lagu daray Ergadda


Shaqaale hoosaad iyo Agaasimeyaal Guud oo ka dhex muuqday madasha Shirka...




ErgoSomaliHargeysa(GNA)-Xisbiyadda Mucaaridka Somaliland ayaa Xisbiga Talada haya ee Kulmiye ku eeddeeyay in Shaqaalaha dawladda lagu daray ergada ka qayb-gelaya shirweynaha maanta xisbigaasi uga  furmay Magaalada Hargeysa.




Xeerka Asxaabta iyo Dastuurka




Sharciga u degsan nidaamka Asxaabta siyaasadda iyo Dastuurka dalka ayaa ka madnuucaya Shaqaalaha Dawladda ee aan xilalka siyaasadda ku iman inay ka dhex muuqdaan loolanka Asxaabta, isla markaana shirarkooda ka qayb-galaan.




Dad tiro badan oo ka mid ah Shaqaalaha dawladda, ayaa ka qayb-gelaya Shirkan oo laba maalmood ka socon doona Hudheelka Maansoor. Waxaanay ku yimaadeen nidaam dhanka Beelaha ah oo ay ku metelayaan beelaha ay ka soo jeedaan.




Sidoo kale Agaasimeyaal guud oo tiro badan ayaa ka dhex muuqday Madasha Shirka iyagoo ergay ah.




Sharciga xisbiga Kulmiye ayaa dhigaya in Wasiirrada xukuumaddu marka la magacaabo ay toos uga mid noqonayaan golaha Dhexe ee Xisbiga, laakiinse agaasimeyaasha Guud ee dawladdu door sharci kagama mid noqon karaan xisbiga.




Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI ayaa warsaxaafaddeed uu soo saaray ku sheegay in Shaqaalaha dawladda lagu daray ergada shirweynaha, taasoo shuruucda ka hor imanaysa.




Sidoo kale Xoghayaha Guud ee Xisbiga kale ee UCID Naasir Yuusuf Cismaan, ayaa sheegay in dhaliilo badani ka muuqdaan qaabka uu u dhacay Shirweynaha Xisbiga ee Maanta furmay.




Dhaliil kale




Naasir ayaa tilmaamay in ergada shirka lagu qaybiyay nidaam beeleed oo dalka dib ugu celiyay Marxalad laga soo gudbay, kana hor imanaysa dimuquraadiyada iyo shuruucda.




Dadka arrimaha Siyaasadda daraaseeya ayaa qaabka noocan ah ee Mucaaridku dhaliilayo ku tilmaamay mid laga fursan waayay.




Maxamed Cawaale oo bartay Culuumta Siyaasadda ayaa Gobanimonews u sheegay in dhismaha dawladnimo ee Somaliland ku dhisanyahay hab beeleed Goleyaasha Qaranku ku fadhiyaan “ Nidaamka Dawladnimo ee Somaliland wuxuu ku dhisanyahay hab Dimuquraadiyada iyo qaab qabaa’il oo meel laysugu keenay, markaa Nin kasta oo isku daya inuu bedelo waxba kama qaban karo.




“waayo hashi nirigta ay dhashaa ma bedeli karto waxay ka timi ee waa Hashii uun, markaa qaabka xisbiyada ayaa marka hore ka yimi nidaam ku dhisan qabiil iyo dimuquraadiyad wada socda”ayuu yidhi.




Tartan ma jiro




Shirka ayaa lagu dooranayaan Hogaanka Xisbiga, Golaha dhexe iyo Guddida fulinta, laakiinse laguma tartamayo.




Saleban Cabdi Cali




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: curad1986@hotmail.com