Sunday, April 27, 2014

SHIRBEELEEDKA KULMIYE iyo Kursiga Madaxweynaha oo bannaan 8 Saacadood…!!!


Sidii caadada ahayd aniga oo socod ku maraya waddooyinka camiran ee magaalada Hargeysa, waxaa indhahaygu si lama filaana u qabanayaan goob ay ku sugan yihiin ciidanka sida gaarka loogu tababaray Argagixisada iyo dembiyada culus ee RRU, waxay ku mashquulsan yihiin ciidankaasi inay dad kala horaan, qaar ka mida way kala eryayaan, qaarna wayba xidheen, waxaa ishaydu sii qabatay xildhibaan ka tirsan golaha wakiillada oo la sii wado, goobtii ayaan ku baydhay waxaaba indhahaygu qabteen nin Wasiir ah oo magac weyn dalka ku leh oo la kala hayo nin xamaal ah, askarigii Wasiirka ilaalinayey ayaaba u xanaaqsan wasiirka oo leh “wasiirka ayaa gardaran muxuu liiska uga reebayaa …!” waan yaabay, hore ayaan u sii socday haddana indhahaygu waxay qabteen xildhibaan qaran oo ereyo aan ka sii xasuusto “waa reer hebel meeye … reer hebel ayaan sugayaa oo aan maanta u shaqaynayaa, cidaan reerkaas ahayn maanta lama ogola” … waan yaabay oo waxaan garan la’ahay meeshan aan joogo, haddana dhinacan kale oo buuq ka taagan yahay ayaan arkayoo mise nin wasiir ah iyo mid qaad wale ah ayaa loogu garnaqayaa oo ka qaadwalaha ah ayaa wasiirka ku leh “adeer waad laasatay intii aad magaca reerka ku maxaafsanaysay ee noo bannee”, anoo yaabban ayaan haddana hore u sii socday mise halkan waxaa buuq dhex marayaa Xildhibaan iyo Wasiir Kulmiye-yahanno ah iyo xubno aan ku ogaa golaha dhexe ee xisbiga Waddani, Markaas ayaan is idhi malaha sheekooyinkaniba waxay ku saabsanaayeen Xisbigii Waddani oo la soo xerogelinayo … beloba waa tan dambaysee, anoo yaabban oo u haysta inaan riyoonayo oo malayn kari waayay dhacdooyinkan hortayda yaalla ayaan dib uga soo baxay goobtii aan ku jiray, waxaanna akhriyey boodhka gurigan aan galay mise waa xaruntii dhexe ee Xisbiga Talada Haya ee Kulmiye, wakhtiga ayaan eegay mise waa Sabti oo laba maalmood ayaa ka hadhsan shirweynihii xisbiga, qolkii ayaan dib ugu noqdayoo nin masuul dawladeeda oo aan bidayey inuu xog badan igu dhaamo  ayaan ka waraystay oo aan weydiiyey waxan meesha ka socda “adeer waa siyaasaddii qaranka oo sidanaa dan la mooday” waxaan weydiiyey maxaa isu keenay Wasiir iyo qof aan aqoon ahaan iyo karti ahaan la sinayni inay is faro saaraan ama isku si wax loo weydiiyo “siyaasadda Casriga ah ayaa noocaas ah ee la qabso ayuu iigu jawaabay.




Anoo yaabban ayaan gudihii ku sii socday, goordhow ayaa si lama filaana waxaaba la xaadiriyey liis ka mida reeraha … waxaaba ninkii xaadirinayey hadalka ku bilaabayaa … “iminka waxaa loo shaqaynayaa reer hebel, magacyadooda ha dhegaystaan” saan ugu dhegraaricinayey inaan cid ka garto mise waxaaba reerkan ugu horreeya “Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo” waan yaabay, ninkii masuulka ahaa oo agtayda fadhiya ayaan weydiiyey in magaca la yeedhinayo uu yahay kii madaxweynaha, wuxuuse igu yidhi “madaxweynuhu ma cirkuu ka yimi maanu reer ka dhalan”, waxaaba liiska ku xiga madaxweynaha masuuliyiin xukuumadiisa ah, iyo dad adhi raacato, ganacsato iyo dad nooc walba isugu jira oo ay haybtu liiskan isugu keentay madaxweynaha qaranka.




Laakiin xilligan way siman yihiin Madaxweynaha iyo ergada kale ee ay isku haybta yihiin, waxayna ku wada qoran yihiin liiska reer HEBEL oo tirada uun ayay ku kala horreeyaan marka la xaadirinayo.




Ninkii aanu sheekaysanaynay ayaa ila yaabay oo igu yidhi “adeer maanad dalka joogin” waxaan ugu jawaab celiyey “waan joogay ee waxana moodayey in qabyaaladdii laga baxay” kuye “waa xalka ama musdambeedka siyaasadda casriga ah” wuxuuba soo qabtay liis kale oo meel halkaas ah yaalla wuxuuna iga tusay Madaxweyne Xigeenkii, Marwooynkii dalka, Wasiiradii iyo masuuliyiintii kale oo nimba reer ugu horreeyo, waxaa waraaq kasta dusha kaga qoran “liiska reer hebel ma jufo heblaayo” waxaana magacyada ugu horreeya hebel oo wakhti badan aan qoladiisa la aqoon hase ahaatee loogu yeedhi jiray Wasiir Hebe lama Aqoonyahan hebel ama Guddoomiye Hebel, waxaase maanta bedelaysa Hebel oo reer hebel ah.




Laba casho ka dib, waxaa maanta iridaha loo furay qol weyn oo ku yaalla Hotelka dadka ladani tagaan ee Maansoor, waxaa fadhida ergo lagu soo xulay hab beelaysan, waxaa guddoominaya Madaxweyne ku fadhiya cod shacbi laakiin maanta ergadan ku yimi isaga oo reer hebel ah, sideeda saacadood ee shirkani socdo waxaa madaxweynaha dalku ka mid noqonayaa ergo kooban oo reerkiisa ku metelaysa xisbiga, sidoo kale madaxda kalena waa la mid, way siman yihiin madaxweynaha iyo ergada kale ee reerkoodu, taas macneheeda ayaa noqonaya in xilligan uu bannaan yahay kursigii Madaxweynenimadu, laakiin nasiib wanaag raggii damacu ka hayey kursiga inna shirbeeleedkan ayay ku jiraan oo reerohooda ayay ku metalayaan, inna tamashle debedeed ayay ku maqan yihiin, sidaas awgeed madaxweyne Siilaanyo wuxuu shirka ka soo baxayaa iyada oo kursigiisa aan cidi ka hadlin.




Haah waa shirbeeleed ay ergooyin reero metelaysaa ka soo qaybgaleen, laakiin waxaanan garanayn go’aannada ka soo baxaa nooca ay noqonayaan shirkan.




Waxaa dhacdadani sawir ka bixinaysaa sida xagal-daacu ugu yimi hannaankii dimoqraadiyadeed ee Somaliland, sida xisbiyada Somaliland aanay weligood u korayn, iyo cawaaqib xumada ay leedahay qabyaaladdu. Waxaa kale oo arrintani inna tusaysaa mar haddii Xisbigii sideeda sano dalka soo xukumayey ee UDUB uu si fudud u burburay oo qabyaaladi burburisay, Xisbigii Kulmiye oo afarsano keliya dalka xukumayaana uu isna marayo inuu shirbeeleed qabto, mustaqbalka dimoqraadiyadeed ee Somaliland, waxaanna shacabka uga tegayaa tolow Somaliland ma u diyaarsan tahay inay ka gudubto qabyaaladda oo ku tusaale qaadato shirkan maanta socda mise Faanoole Fari kama qodna weeye xaalku.




Qalinkii Saleebaan A. Jama




hornpress@hotmail.com