Saturday, April 26, 2014

Haklan Ka Akhriso: Gabaacuul Ku Socda Wasiirka Warfeenka, Wacyi-luminta iyo Dhaqanka Somaliland‏


Gaatame: Hoo-wa’, adeer waxa aan socdaal firxad ah ugu geeddiyay dalka Ingiriiska halkaas oo aan kulammo-beenaad kula yeelanayo Jaaliyadda Somaliland. Marka aan imaaddo Hargeysa ayaan ka warcelin tobankaagii weydiimood ee jilicsanaa!. Waxa aan u sheegayaa in dalkeenna ay fadhido, waxan ahay af-tahan is-nacay. Nin ereygiisu lab yahay: Codkarka Udubka Kulmiye, Uleeyaha Saaqidinta Eed-wadayaasha ah (CUKUSE). Waxan ahay weriyihii Radio Halgan ka akhriyay warkii geerida Mujaahid Lixle 17kii Oktober, 1984kii.




GadhleLaakiin maan sheegin in Madaxweyne Siilaanyo ka dambeeyay dilkii Cabdiqaaddir Koosaar iyo Aadan Shiine, taas waxa aad weydiin doontaa Ambassador Xuseen Cali Ducaale (Cawil) oo ka tirsanaa Xisbigii UDUB ee aan saqiirinnay. Haddii Alle idmo waxa aaska UDUB la samaynayaa 03/Mey/2014ka munaasibad ballaadhan ayaa loogu qabanayaa Berbera waxa qaadhaanka bixinaya Cali Xoorxoor, Dr Sacad Cali Shire, Cabdicasiis Maxamed Samaale, Cali Maxamed Warancadde, Xasan Macallin, Cabdirisaaq Ciyaale, Saleebaan Maxamuud Aadan iyo qaar kale.




Waxa guddoomiye ka ah AABBAHA SOMALILAND: Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo). Lama garanayo cid magacowday, waxa la weydiin doonaa Madasha talo-xumada iyo toosni-diidka! kkkkkkkkkkkk Iska daa UDUB, waxa aanu doonaynay in aanu magaca Cigaal ka masaxno saaxadda hoggaaminta Somaliland oo aanu ka tirtirno Madaarka Hargeysa.




Gadhle: Adeer Cigaal ma aha nin aad adiga iyo Siilaanyo aad qarin kartaane, waxa aan ka baqayaa in shirweynaha KULMIYE ay cidiba iman weydo. Sawdinkan dimuqraadiyaddii aasay ee shir-beeleed u qabanaya xisbigiinna liiqliiqadka ah. Ka warran khilaafkii idiin dhexeeyay adiga iyo Khadar Cali Gaas.




Gaatame: Yarkaasi waa wiil qurbe-joog ah oo aan aqoon u lahayn saxaafadda Somaliland iyo maamulkeeda. Waxa uu dabada ku hayaa awoodo ka sokeeya Madaxweynaha, taas ayaa sababtay in shaqada ku soo celiyo. Anigu waxa aan doonayay sinnaan iyo caddaalad, ma garanayo cidda xukuumadda ka tirsan ee rabta in ay shaqaalaha TVgu kala badsadaan lacagta oo midna hal milyan ku shaqeeyo afar iyo labaatan saacadood, midna lau gunneeyo shan milyan. Kollay aakhiro ayay caddaaladi taallaa, waan ka hadhay waanan u taag-waayay. Hadda samir taag-waa ayaan kula shaqeeyaa.




Gadhle: Maxaad 18ka Mey uga dhigteen maalin la ururiyo qaadhaanka waddada Ceerigaabo oo qudha. Eex miyaanay sidaasi ahayn, ma waddooyin qabiil ayaad u taqaannaan kuwa Oodweyne, Balligubadle, Dawga Cad iyo Sallaxley? Muxuu madaxweynuhu guddi qaran ugu magacaabay jidka Sanaag oo keliya? Ka warran haddii Jidka Ceerigaabo xus iyo xasuus looga dhigo, laguna xardho magacii Cabdiraxmaan Axmed Cali (Tuur)




Gaatame: Adeer qudhaydu ma fahamsani waxa kuwan loogu caammeeyo shan kiiloo mitir oo dirqi ah, malaha waddadani waa jidkii guusha Madaxweyne Siilaanyo. Waxa ay martaa magaalada barakaysan ee Garadag: caasimaddii shir-beeleedyada. Tii ay ku daydeen reer Daallo, Agabar iyo Dubur. Halgemayaasha gobolka HAWD waxa aan ugu baaqayaa in ay joojiyaan shirka ay ku baaqeen ee dhacaya Juun 2014ka.




Somaliland waa qaran, looma baahna in ay beeluhu shiraan. Kollayba waxa xukuumadda ku jira xildhibaanno, wasiirro iyo xubno XAQSOOR-weeciye ah oo ka hortagaya qabsoomidda shirkaas, waxa aan filayaa in lagu kala dareero marka aanu siyaasad la dheelno. Shaki ayaanu ka qabnaa, malaha waxa lagu cumaamadayaa Mujaahid Xasan Ciise Jaamac oo uu Madaxweyne Siilaanyo sas ka qabo tartankiisa, taladiisa iyo toosintiisa!. Tuur, aa! Magaciisa ayaa na damqa, waxa aanu doonaynaa in aad ku masaxno ZERO-ga Burco, adiguna waddadan ugu dheer Somaliland ayaad la rabtaa.. Maangaab ciyaal ah baad tahay.. Adeer UF baanu ku nidhi, sanka ayaanu kaa qabsannay!




Anigu ma joogin, laakiin waxa jiray qodobbo qarsoonaa oo ka soo baxay madashii ay 2008da ku heshiiyeen Xaaji Axmed iyo Saleebaan-nuur. Xilligaas waxa aan ahaa guddoomiyaha Wargeyskii Afka dheeraa ee Saxansaxo… Imaka ayaan sheegayaa waxa ay ahaayeen qodobbadaasi!




 




La soco haddii Alle