Monday, April 28, 2014

Shirweynaha Kulmiye:Xasan Gaafaadhi oo Tanaasulay iyo Madasha Shirka oo Milateri la dul-dhigay


Xasan Gaafaadhi oo go'ankan kaga dhawaaqay Shir beeshiisu yeelatay iyo Ergada Shirweynaha ka qayb-gelaya oo aan wali kaadhadhka Marti qaadka loo qaybin..GNA




Gaafaadhi iyo KaahinHargeysa(GNA)-Guddoomiyihii Urur Siyaasaddeedka Rays ee Doorashooyinkii Goleyaasha Deegaanka ku hadhay, Xasan Gaafaadhi, ayaa ka tanaasulay, Musharaxnimo uu maalmahan ugu jiray Guddoomiye ku-xigeenka Xisbiga talada haya ee Kulmiye oo Beri la filayo inuu ka furmo Magaalada Hargeysa.




Xasan Gaafaadhi ayaa laba todobaad ka hor ku dhawaaqay inuu isu sharaxayo ku-xigeenka Koowaad ee Xisbiga Kulmiye, kaddib markii dhawr bilood ka hor si rasmiya ugu soo biiray.




Kursigaasi ayaa waxa ku fadhiya Maxamed Kaahin Axmed oo ka mid ah Hogaanka Xisbigaasi ee dhawaan lagu taliyay inaan Shirweynaha Xisbiga layskula sharixin, kaasoo ay Maalmahanba isku haysteen loolanka uu ugu jiro Kursigiisa Xasan Gaafaadhi.




Go'aankan tanaasulka ayaa la sheegay inuu kaga dhawaaqay Xasan Shir ay Caawa ku yeesheen Hudheelka Ambasador ee Magaalada Hargeysa Beesha ay ka soo jeeddaan labada siyaasi, sida ay gobanimo u sheegeen ilo-wareedyo shirka ka qayb-galay.




Shirkaasi oo qayb ka ahaa kulamo isdaba joog ah oo labada siyaasi lagu dhexdhexaadinayay ayaa la sheegay in Xasan Ogolaaday inuu ka noqdo go'aankiisa, hase ahaatee ma cadda inuu wax shuruud ah ku xidhay ama wax kale loogu bedelay kursigaasi.




Xasan Gaafaadhi ayaa Musharaxnimadiisu Mushkilad kale ku noqotay habsami u qabsoomida shirweynaha Kulmiye, cabsi badan iyo loolan kalena ay abuurtay.




Hanqabeyaal kale.




dareemada uu abuuray ayaa waxa ka mid ahaa in xubno kalena isu sharaxaan Kuraasta kale ee hogaanka Xisbiga oo uu Guddoomiyuhu ku jiro, taasoo xaalad kale abuuri lahayd sida dadku hadal hayo.




Siyaasiyiinta u hanqal taagayay Musharaxnimada Kursiga Guddoomiyeha waxa ka mid ah Wasiirka Maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale oo hore hankiisa loo gudhiyay, balse eeganayay fursad kale oo u suurto gelin karta saaxad lagu tartamayo.




sida ilowareedyada Gobanimonews heshay tilmaameyaan Guddoomiye ku-xigeenka Kulmiye ee Kursiga lagu haystay Maxamed Kaahin Axmed, ayaa soo dhaweeyay go'aanka Xasan Gaafaadhi, kaasoo musharaxnimadiisu culays dheeraad ah ku ahayd.




Madasha Shirweyneha Kulmiye




Shirweynaha Kulmiye oo ah Hudheelka MAANSOOR ayaa caawa la geeyay Ciidamo kala duwan oo Milateri, Boolis isugu jira iyo kuwa Miino baadhka isugu jira.




Saraakiil ka tirsan Bilayska ayaa Gobanimonews u sheegay in amaanka Madasha la adkeeyay.




sababta Ciidanka loo geeyay ayay ku sheegeen wer wer laga qabo in isku dhac ama buuq dhaco.




Goob-joogeyaal ayaa intaasi ku daray inaan gabi ahaanba caawa Hudheelka cid gelaysa iyo cid ka soo baxaysa oo dadka ka shaqaynaya ahayni aanay jirin.




Ergooyinka oo wali sugaya Kaadhadhkii Marti-qaadka




sidaasoo ay tahay, Ergooyinka Shirweyneha ka qayb-gelayaa ayaa wali ku sugan xarunta Xisbiga, halkaasoo ay ku sugayaan Kaadhadhkii ka qayb-galka Shirka.




Ergooyinka ka qayb-gelaya shirka ayaa Gobanimo u sheegay inuu wali sugayo Kaadhkii Marti-qaadka oo uu xaruntii Xisbiga Joogo.




inkasta ay taasi muujinayso dib u dhac farsamo oo shirka ku iman kara, hadana xubno ka mid ah Masuuliyiinta Xisbiga ayaa ku adkaysanaya inuu shirki beri oo Isniin ah furmayo.