Saturday, April 26, 2014

'Ninkaad Kabaha Ka toloneyso Kabihiisaa La Eegaa' (Bal U Fiirso Hoggaaminta Bukta Ee Madaxdeenna) Qalinkii: Liibaan Xaaji Fagadhe


Isagoo hadalkiisa sii watana waxa uu raaciyey Sida aynu wada ognahey waxa ay koonfuri qaateen Madaxweynihii




Gaaraa Yucuun Xamar Ka Timi Ayaa Gumac Na Leef Siisey,




 Ileyn Axmaq Rasaas Kuu Helaa, Kuuma Galo Feeber




Gobolkii Woqooyiyo Siyaad Gaani Kala Dooro?




(Murtii Cabdi Boqosh oo ahaa reer Hargaysa ayey ka mid aheyd)




Waa astaan, lagu yahay Qaran oo ay ku midaysan yihiin dad ahdaaftoodu kala geddisan tahay oo haddana ujeeddo kaliya ka duulaya si looga midho-dhaliyo yoolka ay hiigsanayaan ee kallifay inay magaca iyo maamuus kaliya wadaagaan xaqa ay leeyihiina u kasbadaan. Saluug kasta oo jira waxa lagu illoobaa inaan la lumin hadafka kaliya ee laga duuliyo.




Nidaamka dawladeed ee waddan leeyahay waa heshiis umadi meel wada-dhigatay oo ka tarjuma rabitaankooda iyo waxa ay hiigsanayaan, iyada oo hogaamintana cid gaar ah loo igmado. Cidda hoggaaminta loo




igmadaa waxa ay ku shaqaysaa rabitaanka iyo shuruucda u dejinta cidda igmatay, haddii ay ku fashilmaanna go’aan loo midaysanyahay ayaa loogu igmadaa cidda la bidayo inay ka tarjumi karaan, buuxin karaan, kuna hoggaamin kara tubta toosan ee rabitaanka ka tarjumaysa. Sidaas bay ku socotaa, maalin kasta cid gaar ahbaa la bartaa oo ku biira bogagga taariikhaha madow iyo kuwa lama illaawaanka ah ee quluubta dadka ku beerma.




Xagal-daaco kasta oo ku timaadda inta badani kama wada-masuul aha ee waxay u gaar tahay in yar oo dantooda ka horumarinaya danta guud iyo hadafka umaddu u wada darban tahay.




Akriste, Maqaalkan maanta waxaan kaga hadlayaa Cadaaladdaradii oo Shaadhka la baxdey iyo Dulmigii oo wadankii Somaliland ku Sii baahaya hadaba waxaynu isbarbar dhigeynaa 1960 wixii ku dhacey Somaliland waa ta uu madaxweyne Siilaanyo munaasibadii 26 jun 2013 anoo bal wax yar idinka xasuusinaaya Habeenkaa waxa uu madaxtooyada kaga qudbadeeyey oo uu yidhi (waxa na geeyey meeshaa Somali jaceyl isla markiiba waxay cadhadu ka bilaabantey markii ay naga ilaaliyeen xilalkii muhiimka ahaa dambigaana waxaa dhigey reer koonfureed) waa qudbadii uu madaxtooyada ka jeediyey ee ugu dambeysey qasriga madaxtooyada somaliland 53 guuradii ka soo wareegtey maalintii ay xornimada somaliland maxmiyadii ingiriiska ka qaadatey .




Isagoo hadalkiisa sii watana waxa uu raaciyey Sida aynu wada ognahey waxa ay koonfuri qaateen Madaxweynihii,Raysal wasaarihii, Wasiiradii Dibada, Gudaha, Maaliyada, iyo dhamaanba wasaaradii waa waynaa iyo taliyayaashii ciidamada booliska iyo milatarigaba . Bal hadaba intiina Somaliland jeceleey maanta markaad eegto qaabkaa ay wax u baaba een ee madaxweyne siilaanyo sheegey sow maanta dariiqii uma jiheysna dariiqaa, shaley maxay SNM udagaalantey waa in shacbigeenu helaa cadaalad ilaa aynu Cadaalad aragnona wax hagaagayaa majiro .




Mudo bil ah waxa qeylo cusubi ka socotaa Wasaaradii Warfaafinta ee Somaliland Shaqaale dulman oo ay Wiilal yaryar oo aan aqoon kujoogin oo uu ka mid yahey Agaasimaha Guud,Maareeyaha Tvga ,Agaasimaha Farsamadu ay kow ka yihiin oo wasaarada siday doonaan ugala ay cabashadoodii kii ay u holodeen inuu wax ka qabto ay qoraal ugu gudbiyeen . Aan idinyara xasuusiyo Xiligii uu hogaanka ahaa madaxweynihii labaad ee Somaliland Marxuun Cigaal wasiir cakuse waxa uu ahaa mudo Wasiir ku xigeen waxa Xusid mudan in horta bal ninkan ay ogaadaan wasiirka uu Cigaal rabo inuu badelo waxa loo dirijirey Cakuse iyo ninkale oo la odhanjirey Cali oo isna wasiir ku xigeen ahaa waxaanu odhanjirey bal wasaaradaa waa laga soo cowdee maxaa xun ,haday doonaan maba ay agmarijirin ee maalinta kulanka wasiirada ee madaxtooyada ayaa wasiirka wasaaradaa oo kulan fadhiya ay Cey iyo Hanjabaad ku bilaabijireen Cakuse iyo Cali halkaa waxa lagaranjirey in ninkaa seeftu qaadeyso .




Nina caaddadii ma daayo bahalna qaydhin madaayee ninkii cakuse ee sidaa ahaa ayaa wasaaradii ugu shaqaalaha badneyd ee waliba ah wasaarada kaliya ee ka dhaxeysa Somaliland in ay kawada shaqeynkaraan loo igmaday markaa ma ninkaa ayaad Cadaalad ka sugeysaan xataa shaqaalaha maalintii ay su'aalaha waydiineen runtii meelkasta waxa dadku yaabeen sida xun ee uu uhadley shaashad kastaa soo deysey waaba la arkeyey sida uu inantii u lahaa “Naayaahe Naga Aamu Adeer" la soco oo waa masuulkii ay usoo cowdeen Cabdi boqosh ayaa laga hayey Murtidiisii hadaan wax idinka taabto




Miyuu Soo Halgamay Gaani Wuu Noo Hanjabayaaye




Habeen buu Nasoo Galey Sidii Naag  Heerina.




Maxaa Loo odhanayaa Somaliland waxbay wada leedey bal eeg 49 xil ee uu magacaabey 40 xil waxa uu umagacaabey beesha dhexe ee haysata xilkii ugu sareeyey ee Madaxweyne beelihii darafyadana 9 xil bal iswaydiiyoo beelaha hareerahu miyaaney wax kula laheyn Somaliland yaaneynaan been laysku sheegin ,wasiirku shaqsiyaad dantiisa ufuliya ayuu ka keensadey dibada ku waas oo la ogyey waxay qabanayaan , Waxa la yaable waliba bal wasiirka dhan ee ay shaqaaluhu usoo cowdeen oo raba dadkii cadaaladdarada soo gudbiyey oo uu rabo inuu hal hal u eryo oo haduu saa yeelo xaguu isku wadaa bal adba!




Waxaan kusoo gabagabeynaa Maahmaahdaa  ('Ninkaad Kabaha Katoloneyso Kabihiisaa la Eegaa)