Wednesday, April 30, 2014

Somaliland oo Caddeysay inay Puntland ka wada hadlayaan Muranka Xuduudka


“Dadku haday deris yihiin way wada hadli karaan”Guddoomiye ku-xigeenka Baarlamanka Somaliland Baashe Maxamed Faarax




Baashe MHargeysa(GNA)-Guddoomiye ku-xigeenka Golaha Wakiillada Somaliland ayaa sheegay inay Somaliland iyo Puntland ka wada hadlayaa arrimo ku saabsan muranka Soohdinta labada Maamul.




Baashe Maxamed Faarax oo Maanta Warbaahinta la hadlay ayaa ku dooday inaan waxa labada dhinaca ka wada hadlayaa ahayn gor-gortan laga gelayo Dhulka Somaliland, balse ay tahay sidii ay nabad ugu wada noolaan lahaayeen.




Muran dabada dheeraaday oo dhanka Soohdinta ah ayaa u dhexeeyay labada maamul, kaasoo marba marka ka dambeysa sii xumaanayay.




Dhawaan ayay isugu hanjabeen dagaal, kaddib markii ay Somaliland qabsatay degmada Taleex oo ay gacanta ku hayaan Maamulka la baxay Khaatumo , taasoo Puntland ku tilmaantay daan-daansi cad.




”wada hadalku waxa weeyaan sidii ay nabada ugu wadan noolaan lahayn xuduudka somaliland gor-gortan ma laha cid lagala hadlayaana ma jirto waxa weeyaan waa xuduud waa ay calaamadaysan tahay waa la yaqaan markaas xuduudka somaliland lagama wada hadlayo Sool iyo Sanaag ee waxa laga wada hadlayaa sidii ay nabada iyo jaar wanaag loogu wada noolaan lahaa”ayuu yidhi.




Masuulkan u hadlay Somaliland ayaa intaasi ku daray “dadkuna haday daris yihiin waxa ay ka wada hadali karaan nabada ee lakiin xuduudaha somaliland waa lama taabtaan cidna looma daba fadhiisanayo amnigooda”.




Puntland




Puntland ayaan wali ka hadlin dhankeeda wadahadalka u dhexeeya Somaliland ee dhanka xuduudka.




Hase ahaatee Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Gaas, ayaa dhawaan Itoobiya u tegay bilowga wada xaajoodka labada dhinac oo ay Itoobiya dhexdhexaadinayso.




Wasiirro ka socda Somaliland oo uu ka mid yahay Wasiirka arrimaha dibadu ayaa iyaguna halkaasi muddo kusugnaa, kuwaasoo maalin saddexaad dalka ku soo laabtay, war faahfaahsana aan ka bixin natiijada kulamo ay Addis ku yeesheen.




Beesha Caalamka iyo Qaramada Midoobay




Maraykanka, Dawladda Soomalia iyo qaramada Midoobay ayaa laba todobaad ka hor dhawaaq midaysan kaga digay xiisad ka hurta Soohdinta Goboladda Sool iyo Sanaag ee Somaliland iyo Puntland u dhaxaysa .




Dhinacyada ayaa dhamaantood ku baaqay in wada hadal iyo maslaxad lagu xaliyo Khilaafka jira.




Hanjabaad Somaliland




Maalmo ka dib markii ay soo baxeen dhambaalada ka soo yeedhay dhinacyada Caalamku, ayaa Somaliland jawaab adag ka bixisay.




Wasiirka Arrimaha Dibada Maxamed Biixi Yoonis, ayaa sheegay inaanay Somaliland marna aqbali doonin in faro-gelin dibadeed iyo mid guddeed toona lagu sameeyo.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com