Sunday, April 27, 2014

Ururka Codka Haweenka Laga Tirada Badan Yahay Ee VOSOMWO Oo Cambaareyay Xad Gudubyo Ka Dhacay Gobolka Awdal


Hargeysa (Hubaal) - Ururka codka haweenka laga tirada badan yahay ee VOSOMWO una dooda xuquuqda beelaha laga tirade badan yahay ee Somaliland ,waxay si xooggan uga waalacsan yihiin xad-gdubyada isa soo taraya ee bilihii ugu dambeeyay lala beegsanayay qaybaha bulshada Somaliland ugu nugul ee dadyowga laga tirade badan yahay ee Gobolka Awdal, Ururka codka haweenka laga tirade badan yahay ee VOSOMWO oo si taxadir leh ula socotay geedi socodka dacwada ciqaabta ah ee lidka ku ahayd 2dii wiil ee Gabooyaha ahaa, ayaa ka marag kacaya in 2-da wiil ee Gabooyaha ahi aanay helin gabi ahaan xaqsoor dhex ah oo garsoor iyo cadaaladeed oo xaq ku dhisan. Maxkamadayntooda ayaa la xaqiijiyay in ay u dhacday si ka fog nidaamka cadaalada dalka, Xuquuqda Aadamiga, Diinta Islaamka iyo xataa dhaqanka suubanaa ee ay lahaayeen madaxdhaqmeedka beelaha Somaliland.




waxa jirtay in afar sannadood ka hor uu magaalada Boorama isku gubay wiil dhallinyaro ah oo ka soo jeeda Gobolka Awdal kadib markii qoyskoodu u diideen inuu guursado gabadh Gabooye ah oo uu jecayl dhexmaray, dhimashada wiilkaas is gubay lagu eedeeyey qoyska gabadhu ka soo jeedo, xabsigana la dhigay dhallinyar beelaha Gabooye ah oo markii dambe xukun caddaallad-darro ah lagu riday. Waxaan maxkamadaha Gobolka Awdal ka soo baxday xukun caddaalad-darro ah, kuwaasoo xukun caddaaladda ka fog ku riday laba wiil oo la kala yidhaah Mustafe Haybe Jaamac iyo Badal Cabdi Aadan,  Maxkamadda Gobolka Boorame ayaa iyadoo iska indho tiraysa sharciga iyo dastuurka u yaala Somaliland  waxay dil toogasho ah ku xukuntay labo wiil oo ka soo jeedaha beelaha laga tirade badan yahay ee reer Awdal,maxkamadaasi oo majo habaabisay xeerkii u yaalaya maxkamadaha Somaliland ee ah xeerka nidaamka garsoorka , waxa kale oo ay ku xadgudbtay xuquuqdii dastuuriga ahayd ee ay lahaayeen muwaadiniinta reer Somaliland




Kadib waxa dhacday in odayaasha Gobooye ku qanci waayeen xukunkaas caddaalad-darrada ah, kana dalbadeen qoyska wiilka dhintay inay ugu dhaartaan in labada inan ee xidhan ka dambeeyey dilka inankooda, balse way diideen inay dhaartaan. Markii aannu ku nidhi haddaba annagaa idiin dhaaranayna way diideen, kadibna waxa dhacday in kiiskaas loo gudbiyey Maxkamadda Racfaanka Gobolka Awdal, taasoo markii ay aragtay in aan wax caddaymo ah loo cuskan xukunka dilka ah ee lagu riday labada wiil. Waxay kiiskii dilka ahaa ka jabisay labadaas inan, markii arrintu halkaas marayso ee ay ahayd in la sii daayo wiilasha xidhan, waxa dhacday in aabaha dhallay wiilka dhintay ku hanjabay inuu wax dilli doono halkii uu xukunkaas racfaan uga qaadan lahaa Maxkamadda Sare,




Sidoo kale, waxa uu xusay in markale Maxkamadda Racfaanku soo saartay go’aan uu ku sifoobay caddaallad-darro, Waxa dhacday in Maxkamadda Racfaanku soo saartay saddex sanno oo labada wiil lagu xukumay iyo in beesha Gabooye bixiso magta wiilka dhintay oo ah 100 halaad oo loo qaybiyey si sharciga baalmarsan, kuwaasoo loo kala qaybiyey si aann ku xusnayn shareecada islaamka iyo dhaqanka Soomaalidaba. “Waxa la yidhi 100 halaad ha noqdaan 40 halaad oo dhalaya, 30 qaalmood oo midkiiba shan jir tahay, 30 halaad oo mid kasta da’deedu tahay 4 jir”. Waxa uu Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanku noo sheegay in aanan xukunkaas racfaan ka qaadan karin, haddii aannu hadalnana waxa uu amray in nala xidho muddo lix bilood ah, taasina way noo cuntami wayday,dulmigaas aan geedna loogu soo gabban.”, taasina waxay kaliftay in ay ka soo cararaaan cadaalada darada ,qoyskii uu dhibaataasi ku dhacday oo imik waxay joogaan hargeisa, ugu yaraan 70 qoys oo ah ehelada qoyskan ay dhibaatadu ku habstay ee ka cabanaya cadaalada darada kiiskaasi,Kiiska boorame waxa soo raaca kiiska dhacda xumayd ee ka dhacay gabilay,oo la ogaa marxaladihii uu soo maray, ilaa maalintii uu loo xukumay inanta loo diidanaa wiilkaa ka soo jeeda beelaha laga tirade badan ee uu dhaqanku naafeeyay ee deegaankoodu yahay gabilay.ilaa maalintuu uu gudoomiyaha gobal/degmo ee maxkamada gabilay mr faysal, u xukumay in uu guursan karo khaddar mursal mooge, inantaas maadaama oo sharciga islaamku u ogolyahay oo aan sharci u diiday aanu jirin , go,aankii maxkamada dabadii khadar waa uu guursaday inantii ka soo jeeday beelaha tirade badan, iyadoo ay  dheertahay hagardaamo iyo cago juglayn kaga iminaya qoyska ay ka soo jeedo inantu, oo maalinba maalinta ka danbeysa.dhacdani maaha  ,iyadoo oo la ogaa hadaba kiiskaasi marxladihii kala duwaan ee uu soo marayay. Ayaya hadana dhacday dhacdo ugub ku ah gabollka gabilay oo qofkii maqlaaba uu yaabayay oo ahayd khaddar oo gabadhii in muddaba uu qabay gabadhadii ay u dhashay inan, nasiiba wanaag waa ay ka siqiirtay inantii, iyadoo gabadhii ay uur labaad u qaaday wiilkii ka soo jeeday beelaha la haybsooco ee gabooye , iyadoo shan bilood oo uur leh ayaa laga soo kaxaystay oo loo dhisay inan ay ilaamadeeriyihiin iyadoo qofkii maqlaaba uu argagaxayo dhacdan, iyadoo ayna ka hadal madaxdii gobalka,madax dhaqmadeedkii. aqoonyahankii,iyo culuumadiinka gobalka, taasina ay noqotay wax la yaabo,




Waxaanu ka codsanaynaa  madaxweynaha, madaxweyne kuxigeenka, golaha wasiirada, hayadaha garsoorka ,golaha guurtida,hogaamada madaxdhaqmeedka beelaha boorame,  golaha baarlamaanka iyo hayadaha amaanka u qaabilsan ee Somaliland in xuquuqda beelahaasin ay xil weynka iska saaran ilaalinta xuquuqda dadyowgan laga tirade badan yahay ee la degan Boorama.




Sidaasi darteed waxanu xukuumada Somaliland, u sooo jeedinayaa in beelahan dhaqanku naafeeyay waxa ay u bahan yihiin Hiil Cadaaladdeed dhinaca garsoorka dalka ,waayo  waxa kalifay iyagoon aan codkooda cidina ma maqasho mudane madaxweyne –




Waxa soo Diyaariyay Ururka Codka Haweenka ee laga tirade badan yahay ee Vosomwo