Saturday, April 26, 2014

Maamulka Degmada Faro-weyne oo xidhay Nin uu Dhul ku haysto


Faro-weyne(GNA)-Guddoomiyaha Degmada Faro-weyne ee Gobolka Maroodi-jeex ayaa lagu eeddeeyay inuu xidhay Nin shicib ah oo uu ku haysto Dhulbeereed ka tirsan Degmada Alaybaday oo soohdin la leh degmdaasi.




Sida ay sheegeen Odayaal iyo wax-garad Deegaanka  Ninkaasi laga soo xidhay degen oo nala soo xidhiidhay , Guddoomiyaha Degmada Faro-weyne ayaa Ninkan xidhay laba maalmood ka hor, ka dib markii uu ka dhego adaygay amar uu ku siiyay inuu soo wareejiyo Dhulka uu ku haysto oo ka mid ah Dhul-beereed uu halkaasi ku leeyahay.




Ninkan xidhan oo magaciisa la yidhaahdo Maxamed Xuseen, ayaa la sheegay in tacadi loogu geystay Saldhiga Faro-weyne dhexdiisa.




Bulshada Deegaanka




Oday Iid Cabdi oo ka mid ah Bulshada deegaan Waddo-dhibiiq oo ay Ninka xidhan isku deegaan yihiin, ayaa sheegay in Guddoomiyaha Faro-weyne Ninkaa af-duub ku haysto .




“Ninkaa waxa af-duubay Guddoomiyaha Degmada faro-weyne oo ku haysta Dhul beertiisa ka tirsan oo ku taala meesha la yidhaahdo waddo-dhibiiq oo degmada Alleybaday ka tirsan, dhulkaasoo isugu jira dhul beereed iyo dhul booto ah oo ay degenyihiin 16 qoys, ayuu Gudddoomiyuhu ku yidhi khasab ku saxeex inaad soo wareejiso, markii uu diidayna gaadhibuu ku qaatay oo wuu xidhay”ayuu yidhi.




Iid Cabdi ayaa intaasi ku daray “markii aanu ku nidhi maxaad u xidhay nInkana wuxuu nagu yidhi dambi buu iga galay. Wax dambi ah oo uu galayna ma jiraan, wuxuunbaa lagu haystaa dhulkaa la doonayo in laga qaado ee uu diiday inuu wareejiyo”.




Sidoo kale Khadar Daahir Cabdi oo ka mid ah Bulshada deegaanka ayaa sheegay in Maxamed Xuseen Saldhiga lagu dhex garaacay, iyadoo la doonayo in khasab lagaga saxeexo dhulka la doonayo in laga wareejiyo “Askari Dirays xidhan ayaa saldhiga ku dhex garaacay Ninkan xidhan”ayuu yidhi.




Khadar ayaa wasaaraddaha  Arrimaha Gudaha iyo Cadaaladda ugu baaqay inay dhakhso u soo faro-geliyaan arrintan, waxaanu ka digay fidno ka dhalata dhacdadan oo uu sheegay inay Bulshada iyo Maamulka iska horkeen ka dhex dhalinayso hadaan dhakhso wax looga qaban.




“Wasaaradda arrimaha Gudaha iyo Cadaaladda waxaan ugu baaqaynaa inay arrintan soo faro geliyaan si wax looga qabto, hadii kale waxay abuuraysaa dhibaato, waayo hadii dadku cadaalad waayo waxay noqonysaa inay talaabo qaadaan”ayuu yidhi.




Sidoo kale Muuse oo isna Odeyaasha Deegaankaasi ka tirsan ayaa sheegay in Mawaadinkan si fool xun loola dhaqmay, isla markaana eheladiisu ay sheegeen inuu cuntadii ka soo soomay.




Masuuliyiinta Dawladda




Guddoomiyaha Degmada Faro-weyne Faysal Maxamed Jaamac oo aanu la xidhiidhnay si aanu wax uga waydiino eeddeymahan loo jeediyay ayaanay noo suurto gelin, kaddib markii aanu Telefoonkiisa gacanta oo xidhnaa dhawr jeer ka wacnay.




Hase ahaatee Taliyha Bilayska Degmada Faro-weyne  Mustafe Cabdi Cabdilaahi oo aanu khadka Taleefoonka ee degmadaasi kala xidhiidhnay ayaa dhinaca Maamulka degmada isaga leexiyay arrintaasi, waxaanu beeniyay eeddaha Bilayska looga soo jeediyay ee ku saabsan in saldhiga lagu dhex garaacay Ninka Guddoomiyaha Degmadu soo xidhay.




“hadii Maamulka degmadu soo xidhay waa arrin Medeni ah, intaana dadka waa la soo xidh-xidhayaa, laakiinse ma jirto cid saldhiga lagu garaacay ama waxyeelo loogu geystay”ayuu yidhi Taliye Af-yare.




Dhinaca kale, Guddoomiyaha Degmada Alleybaday  Kayse Muxumed Warsame oo isna dhacdadan wax laga waydiiyay, maadaama Deegaanka Dhulka Ninka xidhan lagu haystaa ka tirsan Degmada Faro-weyne ee uu Maamulo ayaa sheegay inay Maamulka Degmada Faro-weyne hore uga wada hadleen arrintaasi, isla markaana ay isku af-garteen inay xaliyaan.




“horta Dhulka danta guud ah Maxkamad go’aan ka soo saartaa ma jirto, laakiinse waxa lagu ixtiraamaa cida gacanta ku haysa, arrintana waanu ka wada hadalnay Guddoomiyaha Degmada faro-weyne waxaanan isku afgaranay inay iyagu dhameeyaan.




waayo dadka shicibka ah ee meesha degen ayaa marka hore u dacwooday degmada faro-weyne, labada maamulna waxa ka dhexeeya inay isku ixtiraamaan arrimaha noocan ah ee deegaanka ka dhaca”ayuu yidhi.




Guddoomiyaha oo la waydiiyay waxa uu kala socdo xadhiga lagula kacay Mawaadinta Deegaanka uu maamulo laga soo qabtay ee xidhan iyo waxa arrintaasi uga meel yaalla ayaa yidhi “horta kolay xadhigu waa khalad, laakiinse maamul ahaan arrintaasi waxaanu ku ixtiraamaynaa qolada Faro-weyne, waayo marka hore dadka shicibka ah ayaa halkaa geeyay”ayuu yidhi.




Muranka Dhulka




Muranka arrimaha Dhulka ayaa ah Mushkilad joogto ah oo mararka qaar xasarad deegaan abuurta.




Hay’addaha dawladda ayaa inta badan lagu eeddeeyaa inay u kala xagliyaan dadka isku qabsada.




Taas ayaa keenta dhibaato xiliyada qaar gaadha gacan ka hadal iyo mushkilad amaanka saamaysa.




Deegaamada ka baxsan Magaallooyinka waaweyn ee Maxkamaduhu dadka kala saaraan ayaa ugu daran meelaha muranka dhulku saameynta togan keeno.




Kuwaasoo ay inta badan Hay’adaha ammaanka iyo kuwa Maamulka dawladdu aanay ka hortegin dhibaatooyinka ka dhasha, balse ay ku dhex dhacaan marka ay Xaaladu faraha ka baxdo.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com