Saturday, April 26, 2014

Aqoonyahankii lagu Daalayoow Deyntii soo celi!!aragti


Dhalin yaradu waa hogaanka mustaqbalka waana xooga iyo cududa wadankasta oo aduunyada ku yalaa uu ku faano sharaf iyo karaamana ku leeyahay qayrkiina kaga hor maro laakiin taasi waxay dhab noqotaa marka dhalinyaradu wax bartaan oo qayrkood la tartamaan dabeeto aqoontii ay barteen wadankooda uga faa,iideeyaan maskaxdooda iyo muruqoodana meel iskugu geeyaan una fakiraan sidii ay wadankooda u hore marin lahaayeeen una hiigsan lahaayeen wadamada hore u maray haatan ama wakhtigan aduunyada ugu faana hore umar.




 




hadaba inaga ka soomaaliland ahaan waxaynu haysanaa dhalinyaro fara badan oo wax soo baratay isla markaana ku kala nool daafaha aduunyada qaar ka mid ahina waa barayaal qaar kalena waxay maamulaan sharikaat fara badan oo ay madax ka yihiin wadankooduna waa u baahan yahay sidaa awgeed waxaan u bahaanahay inaan wadankeena wax u qabano isla markaana maskaxda ay wadamada shisheeye galinayaan ay wadan kooda gashaan oo u tafa xaytaan arintan.




 




qoys kasta waxaa uu soo barbaariyaa dhalinyaro rag iyo dumarba leh mudo dheerna waxa lagu wadaa dadaal wacan oo waxbarasho  laga soo bilaabo malcaamada quraanka ilaa jaamacada waxaa sidaa loo yeelayaana waa in mustaqbalka lagu nasto waalid kooda iyo wadankooda wax u qabtaan laguna farxo mustaqbalka oo la hadhsado farxadna lagu qaabilo.




waxaa hada jirta si kasoo horjeeda sida wacan ee hada aynu soo sheegnay oo ah in dhalin yaradeenii lagu soo tabcay ee mudada lagu soo tabcaayey ay hada ku jiraan geedi una jeedaan wadama aanay lahayn xataa haday ku dhintaan laguma aasi karo waa in laga soo qaadaa oo lakeenaa taasina waxay kuu sheegaysaa in qofna aan wadan kiisa loo dhaamin meesha kaliya ee aad sharafka iyo karaamada ku leedahayna waa wadankaaga hooyo.




hadaba waxaan leenahay waar wadankeena aan hore u marino oo aqoonteenana uga faa,iidayno kana shaqayno hore u socodka wadanka maskaxdeena iyo muruqeenana wadanku waa u baahanyahay inagamana maarmi karo.




guntii iyo gaba gabadiina waxaan leenahay oo aan cod dheer ku sheegaynaa AQOON YAHANKII LAGU DAALAYOOW DAYNTA SOO CELI.




 




W/Q: JAMAAL CABDILAAHI MUXUMED ( ABU CIZA)