Friday, April 25, 2014

Biyo la’aan saameysay Nolosha Dadka iyo Duuniyada,Dhul-buureedka Gobolka Saraar


“Xoolihiibaa dhalay, wax biyo ahna ma haystaan.. dawladda waxaan ka codsanaynaa gurmad deg deg ah”qaylo-dhaan ka soo yeedhay 15 tuulo




Cimiladda oo isbedeshay guud ahaan Gobolka iyo Salaad roob-doon ah “Sabtida”




harad Caynabo(GNA)-Qaylo-dhaan ku saabsan biyo la’aan nolosha dadka iyo duunyada saamaysay ayaa ka soo yeedhay markii ugu horaysay Bulshada ku dhaqan Deegaamo badan oo ka tirsan Gobolka Saraar ee Somaliland.




Biyo la’aantan ayaa ka dhalatay Berkeddihii biyaha laga cabi jiray oo dhamaaday iyo Il-biyoodyo kale oo aan ka qodnayn inta badan deegaamada Haraadka laga soo sheegayo, taasoo ay ugu wacantahay Jilaalka oo daba dheeraaday.




Deegaamada qaylodhaantu ka soo baxayso waxa ka mid ah 15 deegaan oo dhanka Buuralayda Gobolka ku yaala, kuwaasoo ay ka mid yihiin Qundubka, Bali-xaaji iyo deegaamo kale, kuwaasoo ay xoolaha iyo dadkuba aanay haysan biyo ay cabaan hadii aanay Gurmad deg deg ah helin.




Qaar ka mid ah dadka xoolo dhaqatada ah ee  deegaamadaasi ku nool ayaa Gobanimonews u sheegay inay halis ugu jiraan Haraad, xili xooluhu dhaleen, Kaliisha Guguna daba dheeraatay.




Waxaanay Dawladda iyo Hay’addaha gargaarka ka dalbadeen gurmad deg-deg ah si loo badbaadiyo xoolaha iyo dadkaba “Dhulkan biyo la’aan aad u baahansan ayaa ka jirta, xoolihiina way dhaleen , biyona ma haystaan”sidaasi waxa Gobanimo u sheegay mid ka mid ah dadka xoolo dhaqatada ah  oo khadka Taleefoonka nalagula soo xidhiidhay.




Baahidda biyo la’aanta ayaa marka si guud loo qiimeeyo ay dadka u dhaqdhaaqa arrimaha Bulshadu ay sheegayaan inay ka jirto guud ahaanba Degmooyinka Gobolka Saraar.




Waxaana meelaha qaarkood dadku ka sii cabayaan Ceel Riig ah oo ka qodan Degmada War-idaad oo masaafo fog u jirta deegaamada qaar.




Xildhibaan Maxamed Xaaji Abyan oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Deegaanka ee Degmada Caynabo, ayaa sheegay inay  isa soo taraysa qaylo-dhaanta bulshada Gobolka ee biyo la’aantu, waxaanu madaxda dawladda dhexe iyo Hay’addaha u soo jeediyay inay talaabo  deg deg ah qaadaan oo dadkaasi gargaar loogu fidinayo .




“Dawladda iyo Hay’addaha caalamiga ah iyo kuwa waddaniga ahba waxaan ugu baaqaynaa inay dhakhso biyo dhaan ula soo gaadhaan dadkan, waayo hadaan loo gurman halisbay ku jiraan”ayuu yidhi Xildhibaanku.




“sida ay dadku noo sheegeen xoolihiibaa dhalay,waxaana la joogaa xiligii ay guga heli jireen xooluhu. Dhulka Buuralaydaa ayaana ugu daran iminka”ayuu hadalkiisa raaciyay.




Maamulka Gobolka ee dawladda ayaan wali wax talaabo ah qaadin, wax war ahna aan wali ka soo saarin xaaladaha aadmino ee ka taagan Gobolka.




Dadka deegaanka ayaa sheegay inuu cirku tusanyahay oo ay saansaan raxmaddeed muuqato, taasise waxba xaalada kama bedelayso hadii aanay dhibicdu di’in, sida ay sheegeen.




Roobab ka da’ay meelo kale




Roobabka guga ayaa todobaadyadii la soo dhaafay sit eel-teel ah uga curtay Gobollada Somaliland qaar.




Deegaamo ka mid ah Gobollada Togdheer, Sool, Maroodi-jeex iyo Sanaag ayaa roobabku ka da’een.




Roob doon




Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, ayaa salad Roob doon ah ku baaqay Maalinta Sabtida ee todobaadka dambe.




Warsaxaafaddeed uu soo saaray Arbacadii ayaa Madaxweynuhu ku iclaamiyay in dalka oo dhan laga oogi doono Salaadda Roob doonta ah.




Roobka Guga ayaa sida caadada ah wuxuu bilaami jiray badhtamaha bisha March ee sanadka, wakhtigaasoo ku beegan xiliga Kaliilaha.




Kulayl Xad dhaaf ah




Cimiladda ayaa aad u kulul Maalmihii ugu dambeeyay Dhulka qalalan ee Xeebaha ka fog.




Magaallooyinka waaweyn oo ay ka mid tahay Hargeysa, ayaa dadku kulayl aad u sareeya ka dareemayaan, taasoo la aaminsanyahay inuu heer kulku ka sareeyo xiliyadii hore.




Sidoo kale kulaylaha ayaa laga soo sheegayaa meelo kale oo ka mid ah Dhulka Oogada iyo gubanka labadaba.




Abaarro laga soo doogay




Si kastaba ha ahaatee sanadkii 2011-kii ayaa abaar aad u xun iyo biyo la’aan baahsani ku dhufatay Gobollo badan oo ku yaala Geeska Afrika, kuwaasoo ay Somaliland ka mid tahay.




Abaartaasi ayaa waxa ku caydhoobay kumanaan qoys, waxaanay noloshooda saamaysay dad badan.




Gobollada Koonfurta Somaliya ayaa ka mid ahaa meelaha ugu daran ee ay saamaysay.




Gobanimonews




Burco Office




Email: editor@gobanimonews.com