Wednesday, April 30, 2014

Roobbab ka Da'aya Hargeysa 24-kii sacaadood ee u dambeeyay


Hargeysa(GNA)-Roob ayaa ilaa xalay ka  da'ay Magaaladda Hargeysa, kaddib markii xalay fiidkii roob  aan xoog badan lahayni ka da'ay qaybo ka mid ah Magaaladda.




Abaaro 12:00 Caweysnimo ee xalay ayaa mar kale dhibic lagu qabowsaday ka hoortay Magaaladda, waxaanu  hayay ilaa rubuc saac wakhti ku dhow.




Roobka ayaan lahayn wax dabeyl ah iyo Danab toona, laakiinse Onkod fara badan ayuu lahaa.




Roob Maanta Da'ay




abaaro shantii subaxnimo ee saaka ilaa gelinkii dambe ayaa roob goos-goos ahi ka dayay Magaalada iyo Nawaaxigeeda.




ilaa hada lama soo sheegin wax khasaare ah oo ay roobabku geysteen,




Roobabka ayaa labadii maalmood ee ugu dambeeyay si teel teel ah uga da'ay meelo kala duwan.




Sabtidii ayaa Salaad Roob doon ah laga tukaday Deegaamada Somaliland, kaddib markii Madaxweyne Siilaanyo ku baaqay todobaad ka hor.




Roobka ayaa la sugayay ilaa bishii March oo Kaliishu bilaabantay.




Cimiladda ayaa maalinba maalinta ka dambeysa sii kululaanaysay.




Raxmaadkan Caawa ka da'ay Hargeysa ayaa si wanaagsan loogu qabowsaday, kaasoo meelo badan biyo dhigay.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com