Tuesday, April 29, 2014

Baarlamanka Soomaaliya oo Su’aalo waydiiyey Masuuliyiinta Hay’adaha amaanka


barlamanka somaliaMuqdisho(GNA)-Xildhibaannada baarlamanka Somalia ayaa Maanta mar kale su’aalo waydiiyay wasiirada amniga Qaranka C/kariin Xuseen Guuleed iyo arrimaha gudaha C/llaahi Goodax Barre.




Baarlamanka ayaa Maalmahanba kulamo su’aalo lagu waydiinayo labadan masuul soo waday.




Wali Konton su’aallood ayaa u harsan inay Mudaneyaashu waydiiyaan labaan masuul sida uu sheegay shir-guddoonka Baarlamanku.




Kulankii shalay oo uu shir-guddoominayay guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka, Maxamed C/lla Cawad ayaa wasiirradan lagu weydiiyay su’aalo la xiriira ammaanka dalka iyo maamul u sameynta gobollada dalka.




Su’aal la xiriirtay odayaashii dhawaan lagu laayay duleedka degmada Buur-hakaba oo la weydiiyay wasiirka amniga Qaranka ayuu sheegay in guddi sare loo saaray baaritaanka dhacdadaas, natiijooyinka hordhaca ah ee kasoo baxay baaritaankana ay sheegayaan in arrintan ay ahayd arrin wejiyo badan oo dhinac ka mid ah lagu sheegay inay Al-shabaab ku lug lahayd dhinac kalena ay lugta la gashay arrimo kale.




Taliyaha laanta socdaalka, Jen. Gaafoow oo isna la weydiiyay su’aal la xiriirtay sababta uu isu hor taagay dhaqan-gelinta go’aankii baarlamaanka Soomaaliya uu mamnuucay qaadashada warqadaha aqoonsiga ayuu sheegay in arintaas laga been abuurtay uusana ka hor imaan go’aanka baarlamanka, isagoo sheegay in howshaas ay tahay sidii uu baarlamaanku u joojiyay, laakiin waxaa jirtay ayuu yiri in dadkii horay lacagaha u dhiibtay ay warqadahii siiyeen, balse aysan jirin cid kale oo ay u direen xaruntaas.




Wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka, C/llaahi Goodax oo isna la weydiiyay su’aalo la xiriiray abaaraha ka jira gobollada dalka qaarkood iyo dhaqangelinta sharcigii maamul u sameynta gobollada dalka ee baarlamaanku uu horay u meel mariyay.




Wasiirka ayaa beeniyey inuu siyaabo qaldan u dhisay Maamuladda degaanno iyo degmooyin Gobollada dalka ah isagoo soo qaatay qodobo kua aadan hanaanka uu u maray Maamuladdaasi dhismahooda oo waafaqsan dastuurka dalka.




Dhanka kale Wasiirka oo la weydiiyay inay jiraan Musuqmaasuq lagu sameeyay Gargaar dowladdu ay qorsheysay degaanada Al-Shabaab lagala wareegay gacan ku heyntooda ayaa sheegay in taasi uu si aad ah uga taxadartay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayna u saartay guddiyo dabagal ku sameeya si dadku ay qaab cadaalad ku dhisan uga faa’ideystaan.




Xildhibaanada baarlamanka ayaa sheegay ineysan ku qanacsaneyn jawaabaha wasiiradu ka bixiyeen inta badan su’aalihii la weydiiyey, iyagoo labada wasiir ku eedeeyey iney ka been sheegayaan xaqiiqada ku saabsan waxyaabaha la weydiiyey.