Monday, April 28, 2014

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Safar lama Fillaan ah ku tagay DJabuuti


Muqdisho (GNA) -Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saaka udhoofay dalka Jabuuti ee Jamhuuriyada dalkaasi, iyadoo safarka Madaxweynaha aanu aheyn mid hore loo sii ogaa.




Waxa ay ahayd maanta barqadii markii uu  Madaxweynaha Soomaaliya iyo xubno la socday ay ka dhoofeen Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho, sida ay inoo xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya.




Lama oga ujeedka rasmiga ah ee uu ku qotoma safarka Madaxweynaha Soomaaliya uu ugu ambabaxay dalka Jabuuti iyo waxyaabaha madaxda dalkaasi Jabuuti ay kasoo wada hadli doonaan.




Saxaafada wax warbixin ah laga siin Safarka Madaxweynaha uu ku aaday dalka Jabuuti, hayeeshe Saraakiil ka tirsan madaxtooyada ayaa sheegay in suuragal ay tahay in isla galabta Madaxweynaha uu dib ugu soo noqdo Magaalada Muqdisho.




Jabuuti ayaa waxa ay kamid tahay dalalka Soomaaliya ay ciidanka ka joogaan, sidoo kale taageero ballaaran siiya Dowladda Federaalka Soomaaliya.




Shalay ayey aheyd markii Madaxweynaha Soomaaliya uu Villa Somalia kula kulmay Saraakiil ka socota Dowladda Mareykanka, uuna kala hadlay arimo ku saabsan amniga.