Tuesday, April 29, 2014

Xukuumadda Siilaanyo oo Olole la Shir tagtay Degmo Mucaaridku ka damqaday baahiyaha ka jira


Xisbiga WADDANI oo Maxkamad ka dhisaya Degmada Qadiimiga ah ee Cadaadley iyo Xukuumadda oo Shardi ku xidhay dayac tir loo waydiiyay hal Dugsi..Akhri warbixin




 xuss Caddaadley(GNA)-Koox Wasiirro, siyaasiyiin iyo Madaxdhaqameedyo Taabiciyiinta Xukuumadda ka tirsan, xubno hore xilal uga soo qabtay Xukuumadda iyo Xisbiyahano Gadaal kaga soo biiray Kulmiye, ayaa todobaadkii hore ka qayb-galay, xaflad aad u abaabulan oo lagu qabtay Degmada Cadaadley oo ka mid ah Deegaamadda Qadiimiga ah ee Gobolka Maroodi-jeex “Hargeysa”.




Xafladaasi ayaa ahayd mid ay Xukuumaddu ku hadhaynaysay, dhaqdhaqaaqyo siyaasaddeed oo Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani muddooyinkan dambe ka waday Degmadaasi, dhaqdhaqaaqaasoo raadad waxtar loogu fidinayo Bulshada deegaanku ay ka mid yihiin.




Xisbiga Maxkamadda Waddani Dhisayo waa istaraatiijiyad siyaasaddeedMaxkamada Cadaadlay




Xubno ka mid ah Madaxda Xisbiga Waddani, ayaa Maxkamad loo dhisayo degmada Caddaadley dhagax dhigay, isla maalinta xukuumaddu weftiga culus ku tagtay Magaaladan oo inkastoo ay qadiimi tahay hadana, ka aradan xiligan qaybo badan oo ka mid ah Adeegyada aasaasiga ah.




Xoghayaha Xanaanada Xoolaha WADDANI Md. Xasan Axmed Muuse (Xasan-Goodaad) oo Warbaahinta la hadlay markii uu qalabka mashruuca wareejinayay ayaa sheegay in qorshahani qeyb ka yahay istiraajiyad ay Xisbi ahaan kaga qeyb qaadanayo wax-ka-qabashada adeegyada aasaasiga  ah ee bulsho-weynta Somaliland, waxana uu Xukuumada ugu baaqay inay si masuuliyad iyo xilkasnimo leh dadka wax  ugu qabtaan, kana daayaan balan-qaadada beenta ah iyo Dhagxaanta meelaha la dhig-dhigaayo maadaama aan la fulinayn wixii ay bulshada ugu balan-qaadeen.




“Gudoomiyaha Xisbiga WADANI, ayaa balan-qaaday inuu dhamaystiro Maxkamada oo ay qaybtii hore bulshadu dhisatay, Sidaa darted Safar deg-deg ah oo uu ku baxay aawadii ayuu iigu sii Wakiishay in aan bulshada gaadhsiiyo wax-qabadkii aanu ugu balan-qaadnay, sidaa ayaanu ku keenay alaabtii, Shaqadiina aanu ku bilownay, haatana ay ku socotaa”.  Sidaa waxa yidhi Xoghayaha Xanaanada Xoolaha ee Xisbiga WADANI, isagoo hadalkiisa sii watana waxa uu intaas ku daray, “..Xukuumad  ma nihin ee   waxaanu nahay Xisbi Mucaarid ah, dhaqaalihii dalkana Xukuumadaa haysa, Anagu taageerayaasha Xisbiga iyo Masuuliyiinta Xisbigu waxay iska ururiyaan ayaanu bulshada wixii aanu kari karno ugu qabanaa,  wixii aanu balan-qaadnana sidiisa ayaanu u fulinaa ”.




Ololaha Xukuumadda




xukuumadBilowga Mashruucaasi oo noqonaya kii ugu horeeyay ee xisbi Mucaarid ahi isagoon hogaaminta waddanka gacanta ku dhigin, waxa dhagax dhigay, isla markaana guddi farsamo ku wareejiyay xoghayaha Xanaannada xoolaha iyo xubno kale oo xisbiga WADDANI ka tirsan, ka dib markii Guddoomiyaha xisbigaasi u balan qaaday bulshada deegaanka mar uu booqasho ku tegay.




 




Xukuumadda ayaa sas siyaasaddeed ka qaaday ujeeddada Cabdiraxmaan Cirro deegaankan mashruuca uga fulinayo, taasoo ku keliftay inay ka daba tagto, isla markaana abaabul ay hormuud u yihiin xubno xukuumadda ku jira oo uu ka mid yahay Wasiirka arrimaha guduhu  ka samayso halkaasi.




Wasiirka ugu awoodda badan xukuumadda Siilaanyo ee Madaxtooyadda horboodayay weftiga, waxaana xafladda ka dhex muuqday xubno siyaasiyiin ah oo uu ka mid yahay Wasiirkii hore ee Kalluumaysiga Cabdilaahi Jaamac Cismaan Geel-jire iyo Cawl Cilmi Cabdalle, maayirkii hore ee Hargeysa.




Weftiga oo baahiyo wax ka qabasho looga dalbaday Shuruud lama filaan ah ku xidhay




Magaalada Cadaaddley waxa ka dhisan Dugsiga Culuumta Sayniska lagu baran jiray oo qadiimi ah, kaasoo aan dayactir iyo dib uga shaqaysiin toona lagu samayn sidii dalka loo soo galay, waxaanay dadka deegaanku weftiga xukuumadda waydiisteen inay dawladdu dib u dhisto, si uu bulshada degmada iyo Somaliland oo dhan u anfaco.




Xubno u hadlay weftiga ayaa dalabka loo waydiistay wax ka qabashada baylahda Dugsigan kaga jawaabay shuruud, waxaanay caddeeyay inay xukuumaddu ka qayb qaadanayso dayactirkiisa, balse ay dadka deegaanku bilaabaan qorshe dhaqaalaha dib u dhiska ay dalbadeen loogu samaynayo .




Taasi waxa lagu fasilay hadal aan meesha qaban, waayo?,dadka tacliiqa ka bixiya arrimaha siyaasaddu, waxay filayeen in markaba ay Masuuliyiinta meesha maraysaa jawaab balanqaad ugu fogyahay ay bixiyaan codsigan iyo kuwo kale oo baahiyaha degmada ku saabsan oo halkaasi cod dheer lagaga sheegay.




Adeegyo kale oo looga baahi sheegtay




“Magaaladda Caddaadley waxa ku yaala Todobada Dugsi oo hoose dhexe iyo hal dugsi oo sare, dugsiyadaas macalimiinta ka hawl-galaa waxay u badanyihiin kuwo bilaa mushahar ku shaqeeya”.sidaasi waxa Madasha siyaasaddeysan ee Weftiga Xukuumadda loo sameeyay ka sheegay sarkaal u hadlay baahiyaha dhanka waxbarashada.




Waxaanu intaasi ku daray “Macalimiinta mushaharka qaata,  dugsiga ugu badan ayaa waxa ka shaqeeya saddex Macalin, inta kalena waxay ku shaqeeyaan Tabaruc, tuullooyinka kale ee hoos yimaadana hadalkooda daa”.




Xafladan Siyaasaddeed waxa hadallo ka jeediyay Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan oo hadal aad u xirfadaysan oo dadkii dhegeysanayay si wacan u fahmeen ka sheegay, waxaanu dadka deegaanka ku booriyay inay u dhaqaaqaan dhanka wax qabsiga iyo horumar ku dhisan iskaa wax u qabso.




“hadii Maanta aynu nidhaahno Dugsigii Ingiriisku noo dhisayaa naga dunsan oo aanu in dib naluugu dhiso u baahanahay, halkii aad odhan lahaydeen Dugsigii waanu dhisnaye Jaamacad hanaloo dhiso, oo iyagu maxay qabsaddeen ayaa lays waydiinayaa”ayuu yidhi Xirsi.




Xubno kale oo ka hadlay Xaflada oo dawladda iyo Taageerayaasheeda ka socda ayaa iyaguna ka mahad naqay soo dhaweynta loo sameeyay .




Weftiga ayaa Degmada ka soo ambo baxay iyagoo aan wax raad ah ku samaynin, balanqaad guud iyo waji tus mooyaane, taasoo aan waddiiqada ka duwan aragtidii siyaasaddeed Bulshada oo marka horeba u janjeedhay dhinaca Xisbiyada Mucaaridka oo ugu tar sheegan kara Mashruucan ay ka wadaan.




“wax Alaalle waxay dhagax dhigeen iyo waxay qabteen toona ma jirto way tageen meesha waanay ka soo noqdeen”sidaasi waxa Gobanimo u sheegay Khadar oo ka mid ah Dadka Deegaanka.




Go’doomin siyaasaddeed




Siyaasi ka soo jeedda deegaankan ayaa sheegay in siyaasad ahaan Xukuumadda Siilaanyo deegaankan uga go’doomisay wax u qabashada Bulshada Degmada Cadaadley, taasoo lagu sababaynayo inaanay cod badan ka helin Doorashadii lagu doortay oo Xisbigii UDUB kaga awood badnaa.




Sidaa darteed waxa safarkan Mucaarid ku baraarugga ah sabab u ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha xukuumadda Siilaanyo Cali Maxamed Waran cadde oo deegaankan ka soo jeedda, kaasoo inta badan Taageerayaashiisa ku hogaamiya inay taageeraan hadba xukuumadda uu la shaqaynayo.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com