Tuesday, April 29, 2014

Kulmiye oo Cagta Saaray Dhabihii Xisbigii Hanti Wadaaga Kacaanka Somaliyeed!!


Waxa aynu caawa faalo la dul tegeynaa goob xaasaasiya Akhriste fiiro dheer ku eeg Maqaalkan




Xisbiga talada dalka haya ee kulmiye ayaa si dhab aha cagta u saaray dariiqii




Xisbigii Hanti Wadaaga Kacaanka Soomaaliyeed ee uu hogaamin jiray




Maxamed Siyaad Bare kuna dhaqmay dhaqamadii uu lahaa xisbigaasi Xisbiga Hanti Wadaaga Kacaanka Soomaaliyeed ayaa waxa magaciisa loo soo gaabibin jiray X.H.K.S hadaba waxan doonayaa inaan halkan ku soo bandhigo qaar kamida barnaamijyadiisii weliba kuwa ay iska metelaan xisbiga kulmiye




Hadaba akhriste waxa u caaddo ahayd Xisbigaas hanti wadaaga waxa kamid ahaa




1]X.H.K.S Waxaba lagama dooran jirin dhexdiisa oo laguma tartami jirin sida Xisbiga kulmiye




2]Waxa uu jeclaa heesaha amaanta ah ee m/weynah sida xisbiga kulmiye




3]Wuxuu ahaa xisbi had iyo jeer yidhaahda waxan la dagaalamaynaa qabyaalada Hadan isagu ku dhaqma qabyaalad sidda xisbiga kulmiye




4] Wuxuu had iyo jeer odhan jiray waxaan tirtiraynaa musqmaasaqa hadana Wuu Ku shaqaysan jiray sida xisbiga kulmiye




5]Waxay odhan jireen waxaan ku dedaalaynaa oo xukumadu ku hawlantahay Sinaan iyo cadaalad hadan kumay dhaqmi jirin sida xisbiga kulmiye




6]Waxay odhan jireen qof walba waxa ka sareeya sharciga hadan iyagu may Ixtiraami jirin sharciga sida xisbiga kulmiye




7]Waxa hadba sharci u ahaa wixii ay iyagu rabaan sida xisbiga kulmiye




8]Waxay sheegi jireen waxqabad iyo haruumar beena oo dadka lagu jaah wareerin Jiray sida xisbiga kulmiye




9]Waxay dadka usheegi jireen inay shidaal soo saarayaan bisha dambe sida Xisbiga kulmiye




10]Waxay xafladdo u dhigi jireen dhagax dhig kasta oo ay sameeyaan dabdeedna lama dhisi jirin ee dadweynuhu ha dhistaan baa la odhan jiray sida xisbiga kulmiye




11]Marka dadwaynuhu dhistaan dhisme ama waddo waxay usoo diri jireen Wefti xadhiga ka jarta wayna ku faani jireen waxayna ku sheegi jireen waxqabdkoodda Sida xisbiga kulmie




12]Waxa uu aad u jeclaa guul wadaynta ay beentu la socoto sida xisbigan Kulmiye




13]Wuxuu ncbaa dadka waxgaradka ah iyo aqoonyahanka sida xisbigan kulmiye




14]Waxa lagu beretemi jira guulwadaynta sida xisbiga kulmiye




15]Wuxuu aad u jeclaa xafladdaha la keeno dumarka buraanbura iyo sacb tunka Sida xisbiga kulmiye




16]Wuxuu mar walba sheegi jiray in dhaqaalaha dalku laban laabmay oo isku Filaanshiiyo lagaadhay iyadoo busaaraddo balaadhani jiraan sida xisbiga Kulmiye




17]Wuxuu samayn jiray qaraabo kiil iyo xigto xasabo kiil sida xisbiga kulmiye




18]Waxaa jiray wax loogu yeedho mareexaanayn Moorganayn sida xisbiga Kulmiye




19]Wuxuu samayn jiray cabudhin saxaafadeed iyo car juuq dhaha sida xisbiga Kulmiye




20]Ugu dambayntii wuxuu xisbigii hanti wadaaga kacaanka soomaaliyeed Samayn Jiray sawiro waawayn oo madaxweynuhu leeyahay oo lagu dhejiyo xafiisyada iyo goobah laysugu yimaado




Hadaba waxa aan caawa halkan ku soo bandhigay 20-qodob oo ay iska metelaan Xisbiga talada haya ee kulmiye iyo xisbigii hanti wadaaga kacaanaka soomaaliyeed ee loo soo gaabin jiray X.H.K.S waxaanan soo ciwaanka ka dhigay 21-qodob hadab qodobka dhiman ee 21aad waxaan u dhaafay bahada qoraaga iyo aqoonyahanku inay ku daraan




Xauusin waxaanu magaca xibiga hanti wadaaga kacaanka soomaaliyeed u bedeli jiray XAASIDKA HOOYADII KA XADAY SONKOTA




 




Waa bilaahi tawafiiq




W\Q: sacad cali kaahin plucky