Saturday, April 26, 2014

Ryan Giggs oo Manchester united hogaaminaya manta kulankiisii u horeeyey.

Kulanka: Man United v Norwich City

Garoonka: Old Trafford

Waqtiga: 7:30pm Saacada Geeska Afrika

Ka dib markii talaadadii ay Man United iska caydhisay David Moyes, tababare ku meel gaadh ah waxaa kooxda looga dhigay Ryan Giggs oo welina ciyaaryahan u ah Manchester United.

Giggs ayaa maanta Old Trafford ku wajahaya kulankiisii ugu horeysay ee isagoo macalin u ah Man United kooxda Norwich City, waxaana qorshihiisa uu yahay inuu United u xaqiijiyo booska Europa League xilli ciyaareedka soo socda.

MAXAA KA CUSUB?

Tababaraha ku meel gaarka ah ee Manchester United Ryan Giggs ayaa waxaa ka maqnaan doona weeraryahan Robin van Persie kulankiisii ugu horeysay ee uu macalin yahay.

Xiddiga reer Holland ayaa weli la maqan dhaawac jilibka ah, waxaana sidoo kale la dhaawacan daafaca midig Rafael.

Daafaca Norwich Joseph Yobo ayaa mar kale ku maqnaanaya dhaawac kubka ah, inkastoo la filayo inuu tababarka ku soo laabto isbuuca soo socda.



Xiddiga garabka ka ciyaara Eliott Bennett ayaa laga yaabaa inuu ciyaaro ka dib markii uu ka soo kabsaday dhaawac jilibka ah.

LINE-UPKA MACQUULKA AH:

Man United: De Gea; Smalling, Jones, Evans, Buttner; Carrick, Fletcher; Welbeck, Mata, Valencia; Rooney

Norwich: Ruddy; Whittaker, Martin, Turner, Olsson; Redmond, Johnson, Howson, Fer, Snodgrass; Hooper

MA OGTAHAY?

Manchester United ayaa badisay shan ka mid ah lixdii kulan ee ugu danbeysay ee ay la ciyaareen Norwich, oo ay ku jirto seddexdii kulan ee ugu danbeysay.

Norwich ayaa ku guuldareysatay inay badiso sagaalkii kulan ee ugu danbeysay ee ay marti u aheyd Red Devils, iyadoo laga badiyay sideed ka mid ah kulamadaas.

Guushii ugu danbeysay ee Norwich ay ku gaarto Old Trafford waxa ay aheyd 30kii bishii August 1989kii markaasoo ay 2-0 ku badiyeen.