Saturday, April 26, 2014

Kulmiye waxa uu la mid yahay Hashii ilmahu ku qaloocday


Xukuumadii Kulmiye waxay noqotay fadhiid faan badan oo aan ku dhaqmin dastuurka iyo shuruucda dalka u taal.Xisbiga Kulmiyana waxa uu noqday booraan hadimo.




Waxaynu la soconaa shirweynahii Kulmiye inuu muddo dhaaf yahay oo aanay jirin cid la xisaab-tanta oo sharciga xisbiyada ku soo oogta,sannad iyo bilo ayuu muddo dhaafay,xeerkuna waxuu qorayaa ugu badnaan 90 casho ayaa dib loo dhigi karaa.Horta xeerkii xisbiyada iyo kii kulmiye halkaa ayay ku burburiyeen,waxa kale oo kulmiye dhulka jiiday dimuqraadiyadii xisbiyada dhexdooda la doonayay inaynu ka kobcino,waxay koonto ku xidheen mansab-yada gudoomiyaha xisbiga iyo ku xigeenkiisa oo aan lagu tartamin.Kulmiye waxa uu dib u raacay raadkiisii oo hab beeleed-kii aynu ka soo gudub-nay ayuu ku qaybiyay ergooyinka ka soo qayb geli doona shirka fooshu hayso ee la filayo inuu qabsoomo 28ka April ee aynu ku jirro.




 




Hadaba hadaan farta ku fiiqo dabarka ku xidhan Kulmiye ee ilaa maanta cidi furi kari wayday waxa uu salka ku hayaa labada kooxood ee kala ah kulmiyaha hore(Hogaanka xisbiga) iyo kulmiyaha danbe(Madaxtooyada).Hirdida ka dhaxaysa labadaa kooxood ayaa ku arooraya aayaha danbe cida xisbiga Kulmiye u noqon doonta musharaxiinta madaxtooyada.Guud ahaan Kulmiye waxa uu isha ku hayaa madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa oo laga baqo qabo inay mar labaad isa soo sharaxaan.Taasi waxay u quus goynaysaa kulmiyaha hore.Haday taasi dhici waydo waxa muska ku soo jira rag qarsoon oo ka soo jeeda kooxda madaxtooyada oo si lama filaan ah ugu soo boodi doonta musharaxnimada Kulmiye.Tan oo madaxa ka jaraysa heshiiskii labada kooxood ee ahaa Muse Biixi ayaa noqon doona musharaxa Kulmiye hadii Siiraanyo noqon waayo musharaxa xisbiga.




 




Marka hasha ilmahu ku qaloocdo waxa loo doonaa nin badbaadiya hasha.Ninkaasi mindi ayuu makaanka dhex geliyaa isagoo adeegsanaya gacantiisa.Waxa la doonayaa makaanka hasha inaanu qoomin oo uu ka ilaaliyo mindida ilmahana ku soo dhex qalo,hadba lug soo gooyo,luqunta gaar u soo gooyo,inta dhexana gaar u soo gooyo,ilmaha dhamaan hadba qayb soo saaro.Hasha waxa dul fadhiya ninkii lahaa oo aad u murugoonaaya iyo rag doonaya makaanka hashu inuu qoonmo si ay u qashaan oo ay hilibkeeda cunaan.




 




Kulmiye waxa uu la mid yahay hashaa ilmahu ku qaloocday ee loo baahday nin farsamo yaqaan ah oo ku xeel dheer sidii hashaa loo badbaadin lahaa.Hadaba waxa isweyniin leh kulmiye ma laga helayaa ninkaa.




 




 




 




Xuseen Xasan Badmaax




 




Xoghaya xuquuqul insaanka




 




UCID Party




 




Hargeysa/JS