Saturday, April 26, 2014

MAS QARSOON .. QALINKII GULED CUMAR MADAR

waa nin midabkiisu casyahay oo badanaaba ka yara qurxoon dhalinyarada ay isku lodka yihiin , waa xarago badan yahay , hadad is raacdaan waxaad arkaysaa isaga oo

Mas Qarsoon.
waa nin midabkiisu casyahay oo badanaaba ka yara qurxoon dhalinyarada ay isku lodka yihiin , waa xarago badan yahay , hadad is raacdaan waxaad arkaysaa isaga oo ku mashquulsan labiskiisa iyo timihiisa ,ma shaqeeyo oo waxa uu la noolyahay waalidkii kamanuu maarmin oo dhididkiisa muu dhandhamin, mararka qaar waxa dhacda in loo soo diro lacag oo walaalihii qurbaha ku nool yihiin , waa nin jilicsan

marka raganimo la eego oo qayrkii ma hiigsan karo , wax barasho kuma fiicna oo caqligiisu ma buuxo , waa uu isla han waynyahay ,waxaad moodaa inuu ka caqli badan yahay hablaha dhamaantood mana bartaan oo mararka qaarkood waxa uu la haasaawaa labada gabdhood ee uugu saaxiibsan bulshada ku xeeran goobta uu ku nool yahay iyagoon is ogayn .
waxa uu leeyahay asxaab badan balse ma badna inta ay is dhexgalaan oo hal ama labo ayuunbay aad isku dhex galaan , maaha nin kaftama marka la fadhiyo goobaha fadhi ku dirirka ah ee dhalinyaradu iskugu timaado marmar ayuu eray eray ku dhextuura kaftanka dhalinyaradu wadaagayso eraygaa uu tuurayo oo muran badan dhaliya si aan loo warsan isaga halka ay hawlihisa aduunyo kala marayaan ama aan loogu mashquulin .
Marka ay kulmaan labadiisa saaxiib ee ay badanaaba faqa-hoose yeeshaan waxa uugu badan ee uu ka sheekeeyaa waa heblaayo san ayaanu is nidhi baribaan heblaayo kale arimaha caynkaasa wadaagnay heblaayadan soo dagtay gurigaa cusub ee dhawaan la dhisay way iga heshay oo markasta waa i salaantaa , sheekooyin u badan arimo haween ayuu faqa-hoose ee labadiisa saaxiib uuga waramaa .
marka la tirinayo noocyada raga waxa la sheegaa ilaa ( toban iyo shan ) nooc oo kala ah sidan .
1. Xoog ku nin.
2.Qabiil ku nin.
3. Nasab ku nin.
4.Khayaamo ku nin.
5.Magac ku nin.
6.Arrin yaqaan.
7.Qalin ku nin.
8.Qasnaji.
9. Deeqsi.
10.Ururshe.
11. Shisheeye kalkaal.
12. Muqayil.
13.Reerkii-ka-carar.
14.Dumar shaneeye.
15.shabeel naagood.
shabeel naagood kaalintaa uugu dambaysa ayuu rag kaga jiraa waxayna saaxiib dhaw yihiin mararka qaar ninka loo yaqaano dumar shaneeye oo ay isku caqli dhawyihiin,isagu waa liitaa dumarna uuma tudho , hase ahaatee mana bartaan hablaheenu .
Hablaha ay is bartaan dhamaantood haasaawaha dhex mara marnaba kama wada hadlaan mustaqbal guur iyo talaabooyin qoys lagu yagleelo , mana dhacdo inuu kali ku ahaado hasaawaha hal gabadh ,balse waxa uu isku dul wadaa sadex gabdhood iyo waxii ka badan , tuu caawa la balamo lagama yaabo inuu habeenka xiga ku soo laabto ,rag waxa kaliya uu kaga horeeyaa waa hasawaha gabdhaha oo uu barashada koowaadba qalbigeeda hantiyo gabadha ay is bartaan.
Gabadha ay is maan-dhaafaan waqtiga uu haasaawuhu ka dhexeeyo , iyada oo ka huleesha mooyee lagama yaabo isagu marna inuu ka niyad jabo , waxa uu isku dayaa inay u ahaato mid u dhaga nugul oo uu habenka aanu hawl hayn balan dagdaga ka samaysto iskuna dhaafiyo warwarka iyo walbahaarka soo wajaha.
hamigiisa uugu wayn iyo hanka ku jiraaba waa inuu qalanjooyinka aynigiisa kacay lingaxa ka gooyo, hadii alle kama dhigee uur yeelatana waxa uu noqdaa kii uu abwaan Maxamed Xaashi Dhamac " Gaariye "alle ha u naxariistee ka tiriyaya heesta la magac baxday "BIXISO" ee sidan u dhignayd .
"Waylyahay baxsane,
Bixisadu wadaa,
Bi'I waa warlaay !
Adoon laacdan baran,
Oon wali bislaan,
Ha barbaar-shishiyin
is-banbaaniyoo,
Ha ku ababin balo,
Laas biir ah iyo,
Biyihii ajo ah,
Kuma baxo Harraad,
Bi'I waa warlaay !
Aniguba basraay,
Barigaan yaraa,
Waan boodi jiray,
waan badhi caddaa,
Bartaad taal haddeer,
Gogoshaasi baas,
Anigaa ku ba'ay,
Baaxaa-deggiyo,
Beer-laxawsigii,
Jeer aan ku baxay,
Waan baraad la'aa,
Bi'I waa warlaay !
Ninkan kuu boqrani,
Waa xilo-bilaal,
Anigoo bed qaba ,
Waa bukaan i helay,
Dhunkashada bishmii,
I baleeyaybuu,
Adna kugu bawiray,
Wuxuu kuu burqaday,
Beentiyo warkuu,
Igu badawsan jiray,
Bogaan eedaybuu,
Barko kugu yidhaa ,
Bi'I waa warlaay !
Baantaydan hoo,
Waad baahantahay,
Looma bahalo-cuno,
Bur hadaaqin sun ah.
Heesta abwaanka alle ha u naxariistee sida aynu ka dhandhansanayno waa gabadh uu birta ka aslay shabeel naagood oo uuga digaysa baxsan kale oo uu ku wado wadada ay martay iyadu .
Habloow waad batareen shabel naagood waa ninka astaamahaa leh maah-maah soomaaliyeed ayaa tiraa "mar i dage alle ha dago ,mar labaad idage se anaa is dagay".
Nin ku raac (Diin , Aqoon,Dhaqan suuban ,xishood,Xisaabtan ).
Fiiro gaar ah: tilmamahan ma khuseeyaan wiil kasta oo midabkiisu casaan yahay ama qurxoon , ee waa wiilka tilmamaha kor ku xusanoo dhan ku astaysan.

Allaa mahad leh.
Qalinkii : Guuleed Cumar Madar
Guuleed_madar@hotmail.com

Frank furt , Germoney