Wednesday, April 30, 2014

Burco: Beel ku Hanjabtay inay Kulmiye iyo xukuumaddiisa ka tashanayso


Burco(GNA)-Odayaasha,Siyaasiyiinta,Waxgaradka Beesha Ba,Muxumad Basanbuur Biciide,habarjeclo ayaa Maanta kulan ay ku yeesheen Magaalada Burco waxay ku taageereen




Baaq ay hore Beeshu uga soo saartay Magaalada Ceerigaabo ee gobolka sanaag,Baaqaas oo ku kaga hadlayeen sida ay beeshu uga maqantahay xukuumada madaxwayne siilaanyo iyo waliba xisbiga talada haya.




Odayaashan iyo waxgarkan hadlay Burco ayaa waxay cod dheer ku sheegeen in hadii aan tabshadooda wax laga qaban ay ka tashanayaan Xisbiga Kulmiye iyo Xukuumadaba.




waxay sheegeen in dadka ay Xukuumadu diratay ay Umada iyo beelaha walaalaha ah kala qaybinayaan,




Ugu Horayn waxaa kulankaas ka hadlay Gudoomiye ku xigeenka ahna kusimaha Beesha  Kayse Xasan Cabsiiye waxaaanu yidhi''waanu taageersanahay odayaashii ceerigaabo ka hadlay 28 kii Bishan ee muujiyay waxyaabihii Xuquuqda ay u lahaayeen Xukuumada iyo xisbiga kulmiye inaanay waxba ka hayn,waxaan sheegayaa xildhibaanka C/raxmaan yuusuf Cartan hadii uu xisbiga Kulmiye leeyahay talo ayaanu iska wadayniinaynaa,hadii uu yahay xisbi qaran dadka uu kal qaybinayo ee uu tuurta waxoodii ku qaadanayo ha laga qabto,waxaan leeyahay dadkan aad dooratay waxay hantidii umada ku bixinayaan sidii ay dadka ugu googayn laaayeen sida hantida madbacada qaranka oo kale”.




Oday Jaamac warsame Cabdi(Wamle) oo isna hadlay ayaa yidhi  “Odayaashaas Cabanayay ee ceerigaabo ka hadlay  waanu ku raacsanahay hadii aanu nahay odayaasha Beeshaas ee Burco Fadhigoodu yahay,Xuquuqdii aanu dawlada ku lahayn ma hayno,hadii aanu ba,Muxumad”,




Xasan jaamac Axmed ayaa isna yidhi''waxaanu taageersanahay odayaashii kan hadlay Gobolka sanaag ee Beesha Ba,Muxumad anigoo ku hadlaaya afka Gudiga  beesha ee Gobolka togdheer,waayo Beesha Ba,Muxumad Ma hayso wixii ay xaqa u lahayd  ilaa heer Degmo,Gobol,Heer wasiir iyo Heer Xisbiba,waxaanu ahayn taageerayaashii kulmiye ilaa hadana qatan,qoys yar oo nala siman ayaa Tobonaan qof  u shaqeeyaan,Madaxwayne markii aynu macaaradka ahayn ee aynu wada halgamaynay,waxaanu xilalka ku waynay waa kulmiye,markii la helayna hasha nin qudhu ha wada maalo waa wixii  hore laysugu laayay,Muusa biixina waxaanu leenahay Xisbiga Gudi cadaaladeed u samee oo la shaandhaysa Xildhibaanada waxay soo xulayaan,waxaan kugula talinayaa Madaxwayne isku shaandhayntaada danbe Beesha Ba,Muxumad ee sanaag degta waa inay helaan wasiiro iyo Agaasimayaal iyo waxay xaq u leedahay.




Nuur Saalax Diiriye,Cumar Saalax doon,oo iyaguna halkaas ka hadlay ayaa cod dheer ku sheegay inaanay saamigii ay dawlada ku lahaayeen uu ka maqanyahay beesha Ba,Muxmad ee degaankoodu yahay ceeri gaabo.




Axmed Muuse Maxamed




Gobanimonews




Burco Office