Sunday, April 27, 2014

Giggs Oo Kulankii Koowaad Isagoo Tababare ah United Guul Weyn Gaadh siiyey Iyo Ferguson oo La Damaashaaday


Tababaraha ku meel gaadh ka ah ee kooxda Manchester United Ryan Giggs ayaa kulankiisii ugu horeeyey ku daah furay qaab ciyaareed cusub kaas oo horseeday inay guul 4-0 ah kaga talaabsadaan kooxda Norwich ciyaar caawa ku dhex martay labada naadi garoonka Old Trafford.




 




Manchester-United-655x360




Weyne Rooney ayaa laba gool oo isku xiga kala dhaliyey qaybtii hore iyo qaybtii dambe ee ciyaarta , halka Juan Mata oo bedel ku soo gallay uu isna labada gool ee kale ku caawiyey United.




Manchester United oo eriday tababareheedii hore todobaadkii dhamaaday dhexdiisii , kadib markii ay ka bixi weyday xaalad adag , ayaa Giggs u magacawday tababaraha ku meel gaadh ka ah ee naadiga.




Tababarihii guulaha badnaa ee Manchester United , Sir Alex Fergusson oo isna madasha ciyaartu ka dhacaysay , tijaabadana uu ku marayay Ryan Giggs fadhiyey ayaa qosol iyo farxad is hayn kari waayay kadib markii Rooney goolka labaad dhaliyey , waxaanay kamaraduhu qabanayeen Duqa ruug cadaaga ah oo damaashaadaya.