Sunday, April 27, 2014

Taliyaha Ciidanka Asluubta Oo Sheegay In Ilaa Lix-Qof Loo Xidhay Dhacdadii Xabsiga Dhexe


Hargeysa(GNA) -Taliyaha ciidamada Asluubta sareeye guuto Maxamed Faarax Xuseen (Xiirane), ayaa sheegay in ilaa hada Lix Qof oo loo tuhunsanyahay in ay ku lug lahaayeen loo xidhay isku daygii maxaabiista Xabsiga weyn ee Magaalada Hargeysa ay ku doonayeen inay kaga baxsadaan,waxaana uu sida oo kale tibaaxay in ay wali wadaan baadhitaano ay ku ogaanayaan Sidii ay baaskooladu ay ugu soo gudubtay gudaha.




Taliyaha ciidamada Asluubta Maxamed Faarax Xuseen (Xiirane) waxa uu sidaasi ku sheegay waraysi gaara oo uu siiyey telefeeshanka Qaranka somaliland Waxaana hadaladiisii ka mid ahaa:




“Xabsigani waxa uu ahaa xabsi sida loo sameeyay ay aad iyo aad u wanaagsan tahay oo loogu talo galay in amniga laga sugo, laakiin kor loogama iman baadhitaankiina waa uu socdaa, arinkuna waa baaskooladaas meesha lagu qariyay si kasta halagu qariyee, baadhistuna waa ay socotaa oo CID-da ayaanu ku ururinay, waxaanu jecelnahay in baadhistaasi ay noqoto mid dadka loo soo bandhigo, CID-duna ay ka fiirsato oo ninkii danbigaas lug ku leh cadaalada la horgeeyo".




Taliye Xiirane oo  hadalkiisa sii wataa waxa uu intaasi ku daray in uu si aad ugu mahadcelinaayo dhamaanba cidii ka qayb qaadatay in maxaabiistaas isku dayday in ay baxsadaan la soo qabqabto gaar ahaan shacbiga reer somalialnd ee sida geesinimada leh ugu guntaday in ay gacanta ku dhigaan




“Waxaan aad iyo aad ugu hanbalyaynayaa oo aan aad iyo aad ugu faraxsanahay dadweynihii gacanta naga siiyay, dadweynahu marka ay kula shaqaynayaan waa wax yaab leh, maxaabiistaas inta badan waxa soo qabtay shacabka oo gacan naga siiyay, shacabku waxay garanayaan in ninkan askariga ah uu u ordaayo iyaga, aad iyo aad ayaanu ugu faraxsanahay, waxaanan leeyahay noolaada intii nala shaqaysay iyo inta fahansan horumarka".




Taliyaha ciidamada Asluubta Maxamed Faarax Xuseen (Xiirane) ayaa waxaa uu ugu danbayntii uu hadalkisa ku soo gabagabeeyey in ilaa hada ay CID-da u gudbiyeen cidii ay uga shakisnaayeen in ay kulug lahayd falkaasi.